WAR-SAXAAFADEED

 

 


Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu si adag u canbaaraynayaa talaabada ay w asiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade iyo ilaaladiisa gaarka ahi ku qafaasheen isla markaana Guri ugu xidheen iyagoo dhaawacyo gaadhsiiyey Wariye C/fataax Ismaaciil Caarshe, oo ka mid ah Suxufiyiinta Somaliland.

Ururka SOLJA waxa uu u arkaa in Wasiir Cali Maxamed Warancade iyo Ilaaladiisa gaarka ahi caado ka dhigteen Tacadiga, Jidh-dilka iyo u caga-juglaynta Suxufiyiinta Somaliland, iyadoo ay dhacdadan ugu danbaysay walaac ku abuurtay Ururka iyo Wariyayaasha ba.

Ilaalada gaarka ah ee Wasiir Cali Warancade waxay subaxnimadii Sabtidii ka qafaasheen wariye C/fataax Ismaaciil Caarshe isagoo gurigiisa ka soo baxay oo Dukaan wax ka iibsa naya waxaanay ku riteen gaadhi iyagoo la tagay guri ku yaala meel qarsoon, waxaanay ugu geeyeen Wasiirka isagoo markiiba gacanta u qaaday xilligaas oo Askartiisa mid ka mi d ahina Laba-dible u hayey Suxufiga.

Wasiir Warancade iyo ilaaladiisa gaarka ah ee wariyaha Guriga Qarsoon ku garaacay wax ay hayeen illaa iyo galinkii danbe iyagoo markii ay dhaawacyo culus u gaysteen si Qarso odi ah u geeyey Saldhiga Dhexe, halkaas oo ay hadana Qol madow ku xidheen, iyadoon la marin OB.


Sida uu wariye C/fataax Ismaaciil Caarshe u xaqiijiyey Ururka SOLJA mudadii Saldhiga la gu hayey oo dhamayd sadex cisho waxa laga qariyey in ay Eheladiisa iyo Ururka SOLJA ogaadaan, iyadoo cunto na aan la siin, hase yeeshee markii danbe maxbuus uu waji gart ay oo u dooday na khasaare Booliisku ku dhex gaadhsiiyeen Saldhiga.


Dhacdadan oo ah tii ugu xumayd ee sanadkan dhacda waxay caddaynaysaa in uu Wasii rku ku talaabsaday ficil aan ka dhicin dal shuuci ah, iyadoo Jamhuuriyadda Somaliland ta hay Dal Dimuquraadi ah oo waliba Dastuurka qaranka iyo Xeerka Saxaafaddu ba damaa nad qaadeen madax banaanida Saxaafadda iyo Xorriyatul-qawlka.


Wasiir warancade ma aha markii koowaad ee uu hab-dhaqankan foosha xun ku kaco hase yeeshee sidan oo kale waxay isaga iyo ilaaladiisu waxyeelo aan ciqaabteeda lagu qaadin kula kacay Suxufiyiin kala duwan isagoo mar kasta sharciga gacanta ku qaata.


Wasiir Warancade waxa uu Dacwad ka furtay Maxkamadda isagoo ka cabanaya War laga qoray, waxaanay Maxkamaddu u yeedhay masuuliyiinta wargeyskii warkaa qoray, iyadoo dacwadaasi taagan tahay waxa uu Warancade kula kacay Suxufigan Ciqaab tii ugu adk ayd, halka ay ka ahayd in uu ka sugo Dacwadaasi go’aankeeda.


Wariye C/fataax Ismaaciil Caarshe kama tirsana Wargeyska Warka qoray, hase yeeshee falka uu wariyaha kula kacay waxa uu u muuqdaa mid badheedh ah oo uu ku hayo Suxufiy iinta kala duwan, isagoon marnaba qarsan dhibta uu kula kaco Suxufiyiinta.


Ururka SOLJA waxa uu mar kale si adag u canbaaraynayaa wasiirka Arrimaha Gudaha, wa xaanan ugu baaqaynaa Garsoorka inay talaabo ka qaadaan Wasiirka isagoo Dacwadiisii ta alo Maxkamadda xukunkii gacantiisa ku fushanaya, maadaama sharciga aanu u hogaan sa nahay ay tahay in masuuliyiinta na lagu qaado.





Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA