Xarunta Xuquuqal Insaanka: waa in xoriyadiisa loo soo celiyaa Guuleed Daahir Samatar

3 January 2014, Booliiska Somaliland waxay xidheen gudoomiye-xigeenkii hore ee gobolka Tog dheer, Guuleed Daahir Samatar iyada oo abaaro 2dii habeenimo Booliisku ay weerareen gurigi isa oo ku yaal magaalada Burco. Qaabka loo xidhay Guuleed waxay xadgudub ku tahay qodobka 25aad ee dastuurka Somaliland oo sheegaya inaanay banaanayn in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababa ysan ku soo saarin garsoore awood u lihi.

Waxay Booliisku ku galeen guriga Guuleed si xoog ah taas oo ka soo horjeedda qodobka 29aad ee dastuurka Somaliland. Waxa isla markiiba loo gudbiyay xabsiga Berbera oo lagu hayay sadex cisho amar maxkamad la’aan.

Waxa la sii daayay Guuleed 6 January 2014. Balse 9 January 2014 ayaa dib Booliisku u xidhay i yaga oo aan amar maxkamadeed waddan kadib markii uu doonay inuu dib ugu noqdo Burco.

Guuleed oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Wadani wax dacwad ah oo si rasmi ah loogu soo oogay ma jirto, balse Booliisku waxay ku eedeeyeen inuu abaabulay mudaharaad ka dhacay Bu rco 23 December. Eedahaas oo uu diiday Guuleed.

Sida ku cad qodobka 32 ee dastuurka muwaadin kastaa wuxuu xor u yahay inuu abaabulo ama ka qayb qaato mudaharaad.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa masuuliyiinta Somaliland inay sida ugu dhaqsaha badan xoriyadiisa ugu soo celiyaan Guuleed Daahir Samatar.



Ms. Mulaho Mohamed Ali

Af-hayeenka Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeysa Somaliland