“Waa Ayaan darro sideetan jir siyaasi ah inuu kala garan waa yo shir
Talo qaran ah iyo Shir beeleed, Mudane Saleebaan waxa aanu u
sheegaynaa inaanu shirkan Qaran ee aanu ku baaqnay aanu ahayn kii
Gar-adag oo kale” Xisbiga UCID
War-saxaafadeed jawaab u ah hadalkii Guddoomiye Saleebaan ku
weeraray Feysal Cali Waraabe oo ay maanta soo saareen guddida ....
Hargeysa (TNN)- Guddida fulinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa
Guddoomiyaha Golaha Guurtid da Saleebaan Maxamud Aadan uga digay inuu
ka waantoobo in uu talada Dalka yidhaahdo taayada ayay ku go’daa,
waxaany u soo jeediyeen in ay ayaan daro tahay isagoo Siyaasi
Sideetan jir ah in uu kalagaran waayo Talo qaran iyo Shir beeleed.
War-saxaafadeed jawaab u ah hadalkii Guddoomiye Saleebaan ku
weeraray Feysal Cali Waraabe oo ay maanta soo saareen guddida
fulintu waxa uu u dhignaa sidan:-
Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka waxa uu taaganyahay ilaalinta
madaxbanaanida JSL.
Annagoo tixraacayna hadalka ka soo yeedhay Gudoomiyaha Guurtida 4tii
bishan Mudane Sulaabaan M. Aadan oo uu kaga horjeeday shirkii Qaran
ee aanu baaqnay oo aan ahayn Shir beeleed.
Gudoomiyaha waxa uu caddeeyay inuu bad-baadinayo dan beeleed balse
Xisbiga UCID waxa uu u taagan yahay ilaalinta jiritaanka Qaranimada
JSL, dal iyo dad iyo dad wada jira, Mudane Saleebaan waxa aanu u
sheegaynaa inaanu shirkan Qaran ee aanu ku baaqnay aanu ahayn kii
Gar-adag oo kale.
Waa ayaan darro inuu 80 jir siyaasiyi kala garan waayo Shir Qaran oo
wada tashi ah iyo shir beeleed. Markaa maaha inuu Saleebaan
xajiimeeyo Xisbiga UCID, ayadoo Guurtidu gabtay hawlahay u xil
saarantahay ee ka mid tahay arrinka Saylac, Sool iyo Sanaag.
Dastoorka Qaranka waxa ku cad Kursiga uu ku fadhiyo Saleebaan inuu
yahay ninka Saddexaad ee JSL ee salaanta Qaran la siin karo. Marka
uu saleebaan leeyahay annagu maxaanu qabanaynaa sha cabka ha u
caddeeyo ula jeedada uu ka leeyahay.
Sidaa darteed waxa aanu leenahay inuu Saleebaan Ka waantoobo tallada
Dalku waa Taayada.”
Guddida Fullinta ee Xisbiga Caddaalada & Daryeelka UCID
|