WAA DOOD FURAN OO SI XIKMAD LEH U BAAHAN IN LOO GA DOODO HORDHACNA U NOQON KARTA XALKA ISMA AND HAAFKA XISBIYADA HADII LA HELO XADHIGEEDA

 


asalamu calaykum


waxaa jira siyaabo badan oo caalmku u dhaqmo una xaliyo hadii ismaandhaaf soo kala dhex galo asxaabta dalka dalka uk ingriiska waxay ku dhaqmaan nidaamka boqortooyada. waxay leeyhiin sadex xisbi oo waawayn oo kala ah xisbiga lebarka iyo ka liberalka iyo ka conservatifka iyo qaar yaryar oo soo raaca hadii markaa arin soo foodsaarto khilaafna ka yimaado dhinaca asxaabta siyaasada waxa fara galin ku sameeya boqorada dalka , waxaanay ka qayb qaadataa xalinta ismaandhaafka dalka iran oo kale hadii uu yimaado khilaaf la isla garan waayo waxa si toosa usoo faragaliya wadaadka xaga diinta oo loo  yaqaan ayatulaah khumayni, waxaaana asaasay wadaadkii waynaa ee aayatula ruuxulah alkhumayn alaa yarxamu oo sideetanaadkii ahaa ninkii sameeyay kacaankii iran iyo dawlada islamic repuplic of iran dalka pakistan ayaa asagana haduu khilaaf yimaado waxa si toosa talada ula wareega ciidanka qalabka sida quwadna ku maareeya

hadaba somaliland hadii khilaaf yimaado , islamarkaana ay is khilaafaan asxaabta muxaafidka iyo mucaaridku  ma leenahay meel taladu u noqoto xalna u hesha dhibaatada


1, ma baarlamankaa
2,ma guurtidaa
3ma shacbigaa
4, ma salaadiinta iyo cuqaasha iyo geedkii oo la tagaa
5 MA CULIMADA DIINTA iyo wadaadada ayaynu la kaashanaa
halkee maanta haboon ee aad odhan kartaa waa xalka loo mari karo ismaandhaafka jira
mise waynu iska daawanaa oo ninkii ku awood bata ayaynu ka dhursugnaa
mise waxaa haboon in baarlamanku ka qayb qaato xalka mashkiladan mudo kordhinta
ma asxaabta qaranka ayaynu isu daynaa halkay talo dhigaana eegnaa
WAXA HABOON IN LA HELO CID GARSOORE NOQOTA RUNTANA UKLA SHEEGA QAYBAHA AY KHUSAYSO


maaha in aynu la yaabno haday asxaabti is qabtaan, waayo ayaguba waa bani aadam waanay qaldami karaan
taladuna marbay seegi kartaa [nin habri dhashay hal maseegi waayin], balse waa in garab la siiyaa loona tilmaamaa danta qaranka iyo midnimada shacbiga wixii u dana inay isla helaan

hadaynu usoo noqono maanmta ta ka taagan somaliland waa arin ku salaysan DOORASHO DALKA KA DHACDA IYO KORDHINTA DAWLADA LOO KORDHIYAY MUDADA XILKA


mucaaridku way diideen mudada guurtidu qabatay balse maamulka dawladu waa soo dhaweeyay muda kordhinta codkii guurtidu ku foodeen mudo kordhintu wuxuu ahaa
waxa halkaa kuu cad in markaa lagu kala qaybsanaa mudo kordhinta balse ay haboon tahay in la xuso in cod iyo food lagu ansixiyay mucaaradku waxay tixraaceen asbaabihii loo cuskaday mudo kordhinta waxaanay xaqiijiyeen in aanay jirin wax duruufa oo hada kalifaya in maamulka loo kordhiyo mudo kale waxa haboon in la xuso in dawlada mar hore loo kordhiyay taas oo mudo ku dhaw hal sano ka hor ahayd
tana ay tahay markii labaad ee loo kordhiyo hadaba akhristoo waxaan haboon in la qiiimeeyo in doorashadu aanay ka baaqan waqtigeeda, lana qabto waqtigeeda loona qabto si hagar la,aana hawsheeduna noqoto qac rijaali oo hal mar lays dhaafiyo
sidaana loo haneeyo halyayggii shacabku doorto , sidaana uu talada dalka ku hogaamiyo kuna hawlgalo

waxa kaloo ayaduna xusideeda mudan in sharcigu baneeyay ama ay ku taalo in hadii duruufo yimaadaan  la hakiyo doorashada dalka ilaa inta la xalinaayo duruufahaa jira
sidee markaa aynu u qiimayn karnaa duruufaha ay cuskadeen kolaha guurtidu
waxa ayaguna hada ka hor saxaafada u bandhigay gudida komishanka oo sheegay in aanay soo gaadhin kharashkii lagu hawlgali lahaa asbaabaha jira ee loo cuskaday mudo kordhinta ma yihiin qaar aa taageersantahay?
maxaad ku diiday ama aad kaga soo horjeedaa?
maxaad ku ogolaatay oo aad ku taageertay?


ka dhiibo fikradaada adoo adeegsanaaya qodobo muhiima oo xaqiiqda waafaqsan
yaanay kaa awood badan caadifad iyo shakhsi jeclaysi ama xisbi taageerid
si daacada u tilmaan midhka aad door biday ee kula quman una soo bandhiga saaxiibkaa waxaad ku QANCISO

hadaba dood caafimaad qabta aynu ku deeqno inagoo isla qaadaa dhigayna ama tixraacayna arimaha horteena yaala waxa ila quman in shacbigu is abaabulo arinkana ka qayb qaato hadiise aynu cay iyo dacaayad iyo aflagaado ku soo bandhigno websityada iyo jaraaidka waxaan qabaa in aan la helayn xal midnimo
waxa runtii in laga xumaado ay tahay in maalinkasta nin siyaasiya la dhaleeceeyo
waxaa maalmahan danbe aad u batay aflagaadada lagu hayo masuuliyiinta ama muxaafid ha ahaado ama mucaarid ha ahaado taasina waa mid baalmartay milgihii iyo dhaqankii umadeena ,  dimuquraadiyadu iyo xoriyada hadalku maaha in aynu sidii la doono loo hadlo oo aynu ku fogaano shaksi iyo xisbi waxaa ogaataan in dhamaan SIYAASIYIINTA IYO ASXAABTUBA AY MATAlAYAAN SOMALILAND
markaa waxaan qabaa in nin waliba asagu is caayayo


GABO GABADII

1, mee doorkii uu kulahaa baarlamanka dalku arintan ayada ah, ?
2, mee doorkii shacbigu kulahaa arintan?
3, asxaabta udub , kulmiye , ucid ma garan waayeen isu kaalaya kana wada tashada arinkan xalna u hela?

TALO AAN SOO JEEDIN LAHAA

waxaan odhan lahaa GUDI KA MADAXBANAAN QAYBAHAA IS HAYA ha la abaabulo
hana keenaan talo iyo maskax caafimaad qabta oo ina tusta dariiqa haboon EE LA ISU WAAFAJIN LAHAA MIDNIMADA ASXAABTA IYO DASTUURKA DALKA IYO XAQA MUWAADINKA
laakiin hadii fadhiga la macaansado waxay leedahay mishkiladeeda,
BALAAYANA KA HORTAGBAY LEEDAHEE KA DABA TAG MALAHA
 

 


siciid cabdi dheen

london uk