Waa Fadeexado
Musuq-maasuq Huwan Bixinta Dhulka Hantida Qaranka Ee U Dhaxeeya
Haamaha Shidaalka Iyo Dekeda Berbera
Waxay tahay fadeexo iyo wax aan
la maqli Karin, lana ogolaan Karin bixinta dhulka xaasaasiga ah ee
kor ku tilmaaman, taasoo ah wax aan ka suurtoobi Karin inay ku
kacaan mas’uuliyiin Qaran ee Dalkan ay ka hayso rajo iyo dani, gaar
ahaan mustaqbalka horumarka hooyada Somaliland oo dhan (Berbera),
waxaana hore loo yidhi Berberi wax gunti iyo jeeb la geliyo ka weyn,
wuxuuna raasamaalka keliya (asset) ee leedahay Berbera ahaa xeebaha
batalaale ee dhinaca bariga iyo aagga xeebta noobiyadda ee dhinaca
galbeedka, una ahaa kayd lama taabtaan ah hawlaha Dalxiiska,
mariinada badda, difaaca madaafiicda xeebta, hawada, badda iyo
garoonka diyaaradaha caalamiga ah, kuwaas oo hadda loogu jiro
billiliqeysi iyo fasaxaad, waxanay u ifaalo egtahay maamul bur-bur
hor leh.
ü Bixinta dhulkaasi wuxuu halis ku yahay nabadgalyada haamaha
shidaalka iyo Dekeda qaaliga iyo muhiinka ah, waxaana la yaab iyo
isweydiin leh, sababta ay u ogolaadeen, ugana raali yihiin,
mas’uuliyiinta maamulka haamaha shidaalka iyo Maareeyaha Guud ee
Dekedda loo igmadey oo lagu yaqaan injineer fir-fircoon oo aragti
fog iyo dareen wadannimo leh, isla markaana laga filaayey inuu yahay
Nin ka damqan kara, kana hor imaan kara dhibaatada ka soo gaadhi
karta bixinta dhulkaas, fiditaanka maamulka iyo bilicsamida Dekedda
uu madaxda ka yahay ee mas’uulkana uga yahay Ummadda Somaliland oo
dhan (kumee Xoor-xoor)?.
ü Waxa kaloo dhulkaas muddada dheer u xayirnaa mustaqbalka danta
guud, laga bilaabo haamaha iyo Dekedda dhexdooda ilaa iyo noobiyadda,
waxa ilaalintooda iyo dhawritaankooda xil ka saaran yahay Golaha
Deegaanka Berbera, Mariinada Badda, Wasaaradda Hawlaha Guud, iyo
Maamulka Gobolka, kuwaas oo aan sinnaba uga baxsan doonin, wixii ka
yimaada ku tagri falka dhulkaas hantida Qaran ah, ee waxyeellada ku
ah Nabadgalyada haamaha iyo balaadhinta (koritaanka) Dekedda oo
haddii dhulkaas laga bixiyo noqoneysa meel la rabo in laga guuro,
una qalmi doonin, inay haweysato ama hiigsato la tartanka Dekeddaha
la ayniga ah, waxayna is-weydiintu tahay, sideebay ku noqon doontaa
Deked Caalami ah, haddii laga soo xidhay aaggii keli ahaa ee ay ku
fidi lahayd, una ahaa keydka, mana noqon karo dhulkaasi Xero-Geel,
iyo Xarun qalab dhismo Qof leeyahay, toonna.
ü Meeye Salaadiintii, Cuqaashii iyo Xil-dhibaanaddii Saaxil ee laga
rabey inay daneeyaan horumarka Berbera, oo miyaan gaar ahaan Adeer
Dablow adiga Berbera daniba kaa haynin !! aaway Sheekha calman ee
yidhaahda Berbera aniga ayaa denbaaba oo halkii Cigaal u jooga ma in
lagu feegaaro Berbera ayuu raali ka yahay Sheekhu?
ü Anigu Berbera waan jecelahay oo waan ku dhashay, ku barbaabay, ku
hanno-qaaday ( Ab ka Awow), waxaanan ku leeyahay hanti ma guurta ah
oo ma jecli inay ka guuraan noqoto, sida cadowgu la damacsan yahay,
hase yeeshee, waxay leedahay Rabbi iyo Rag badbaadin doona oo aan
ogolaan doonin in laga fara-xumeeyo deegaankooda qaaliga ah, waxaana
iman doonta maalin – xisaabi-xil-ma leh laga furi doono ku
jawr-falka Berbera iyo ku tumashada maamulka oo Ragga hadda faanayaa
ee leh i arkaay i maqlaay ay odhan doonaan kol uun Hooyow hoosta i
geli.
Ilaahayow Berbera bedbaadi
oo ferej cusub uga fur xagaaga.
Amiin Amiin
Amiin Amiin
By: Ahmed A. Goodir
– Hargeysa |
|