Ma hadhin hadal la is-yidhaahdaa’ (Hubaal waa hubaal,
hiilna way helaysaa)
“Waa ha hadlin ,
oo ha arkin ,
oo ha maqlin ,
waa habaar ,
waa habaar ,
Waa habkaynu nahee , ”
Cali sugulle Dun-carbeed, Riwaayaddii Kala-haab,
1966kii.
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale –
cankaabo@hotmail.com,
www.dharaaro.com
Kama qasna. Sida la sheegay qol-qolkana kama fogaadaan. Qedo iyo
qaad. Quraac iyo qaxwe. Qol iy o dugsoon iyo qalab aan laga maarmin.
Midna kama qatana. Qanjahaas ayay joogaan, sida ay iyaga la tahay.
Dad qummaati u hawl-gala ma aha, qadhaabka se cidi kuma gaadho. Waa
barqo-dhereg a an waayaha adduunka ka war hayn. Waxay soo fadhiisteen
hudheel aan hudheellada ku jirin oo ay qedo waafiya ku ballansadeen.
Beryahanba waa ay xiiqsanaayeen, oo fadalkooda iyo faalladaba waa
lala wareersanaa.
Lammaanaha aynu sheekada ku ballaysimaynaa, waa Ku-dire iyo Ka-dare
oo aan kala hadhin, xarum ahana aan ka maqnaan. Maanta shaqada ayay
ku raageen oo goor dambe ayay hudheelka soo fad hiisteen. Markaas
ayay xidheen Radio Hargeysa oo ay warkii ka dhegaysanayeen. Farxad
ayay u ka la dillaaceen markii ay warkii ka maqleen in Wargeyskii
Hubaal la xidhay. Kob caano leh kama soo du rduriyaan, goob lagu
jabayna intaa waa ay jiqillo weyn yihiin.
Ku-dire: Alleylehe, hawshaas si wanaagsan ayaynu u gudannay, (Wuxu
bakhtiinayay xabbad sigaar ah oo uu nafta yar isugu keenay oo uu
jiidisteedii ku raagay),
Ka-dare: Waar ninyow haaye, wargeyskii ama waraaqihii oo keliya ayaa
la xidhay. Waxaan ku weydi iyay oo maxaa khadkana loogu dari waayay?
Mushkiladda Wargeyskan Hubaal wax kale ma aha ee waa khadkeeda oo
aad la yaabayso khaakhaayiradda uu sameeyo. Sida aad u janjeedhiso
bogagga ayay xuruuftuna isla beddeshaa. Waxa lala yaabban yahay
halka ay ka keenaan, waxaana la yidha ahdaa: “gacan shisheeye ayaa ku
jirta.”
Ku-dire: Waar khadku waa meel soke oo HHH-tiibna weynu u diriye,
maxaa ninyow dadkii qorayayna loo raacin waayay?
Ku-dare: Oo horto HHH-dani maxay ahayd?
Ku-dire: Oo miyaanad maqlinba ciidammada Hunnuushta Hannaashta
Haawan, ee hawada ka soo data! Ballanka Eebbehay Ha’da saddexa-maran
ayaa la yidhaahdaayoo, halka ay ku degaan in aan doogba ka soo bixin,
Ka-dare: Waar dadkan iyo waxan la iskuma taabto. Maxaa kaa galay kol
haddii aanay Hubaal soo baxayn. Caawa ayaa hurdo inoogu horraysa.
Ku-dire: Wallee in aanay aniga ila ahayn e’, arrin aynaan maareyn
karayn ayaynu gallay. Ilaah inoo sahla se waa aynu leenahay, in
kasta oo aanan meesha ku ogeyn maamul saadaal iyo saymo-ka-ca rarba
hilaadin kara,
Ku-dare: Xaalku sidii hore ma aha. Ruug-caddaa iyo dhallinyaro
darban ayaa meesha isku bahaystay oo maammulladii hore oo dhan
baro-dhaafisay,
Ka-dare: Waar xiiqnay e’, qedada I noo dalbo aan meesha ka yaacno
e’.
Waa sheeko gaaban oo dhex maraysay laba ka mid ahaa deris-ku-noosha
dhiigga iyo dheecaanka d adka ku mamtay ee kabo-qaadnimada ku
caan-baxday. Rakaab-xumana waw kow.
La ye Hubaal ayaa la xarrimay in ay soo baxdo. Bal ka warrama haddii
aanu dadku taariikhda iyo ma almaha aadamaha soo maraba waxba ku
qaadanayn. Meel fogba laga dooni maayo. Ninkii ba’anaa ee dalkan iyo
dadkan u talin jiray 21ka sannadood ayaa waayo-aragnimo inagaga
filan. Ma dadkaa la aamusiin karaa? Dadka oo la aammusiyaa, waxay la
mid tahay dabaysha oo la qab-qabto, taasina ma suuroobi karto.
Horteen jiraba kari waa oo meel ay adduunka taasi ka dhacday ma
jirto. Ma wixii uu Siyaad Barre kari waayay ayay dawladdan aynu
dhoob-dhoobannay karaysaa? Ma waxa ay Isra a’iil kari weyday? Ma waxa
Maraykan kari waayay? Ma waxay caddaankii tirade yaraa ee Koonfur
Afrika kari waayeen ayay karaysaa xukuumaddan tamarta daran ee ay
dadweynuhu hiil iyo hooba u yihiin? Ma dadkii ay ku jirtay ee ay ku
joogtay ayay ka jirtaa oo ka soo hor jeedsanaysaa oo ay maanta u
turuqyo weyn tahay? Haw innaga is-garanayna maahin!
Maye maalmihii dulsaarka ahaa?
Mee halgankii hubeysnaa ee
dib u xoreynta Qaran ee SNM horseed ka ka ahayd?
Miyaanu Madaxweynaha
maanta dalka ka taliyaa ku faani jirin in uu ahaa hoggaamiy ihii ugu
mudda da dheeraa?
Muxuu u halgami jiray?
Muxuu ka halgami jiray?
Muxuu ka halgami jiray?
Muxuu hoggaamin jiray?
Muxuu maanta u taagan
yahay ee uu u halgamayaa?
Qaa’imaddii halgankii hubeysnaa maxay
ahayd? Xorriyatul-qowlku miyaanay ku jirin waxyaabihii loo soo
halgamay?
Mise tolw halgankii iyo ololihii
Xisbiga Kulmiyeba waxay
ahaayeen: “Hoosta ka-sumuni,
dusha ka sad dex gambo.”
Miyaanu Hadraawi hore, maansadiisii
Jiitama ugu odhan:
“Miyaan dheelalaysnahay,
Mise waan dhadhabayaa,
Dhammaan guulahaygii,
Riyo iyo ma dholol baa,
Ma dhibaad nin bixiyaa,
Ma runtaan dhacdo ahayn,
Dhagax-tuur ma been baa,
Labadii dharaarood,
Mee ninkii is-dhinac sudhay,
Miyaan daayay dhagartii,
Mise dhiilladaan jirin,
Mise tolow dhalooshaa,
Dhidibkeedu adag yahay?”
Waa laba kale. Show dadku waa ay isku wada lammaan yihiin oo qof
keligii jiraaba waa uu yar yah ay. Makhaayadahaa dan-yarta mid ka mid
ah ayay fadhiyaan. Laba koob oo shah ah oo caddays ah oo ay dirqi
iyo si fool adag ku soo heleen ayay dalbadeen, xabbad sigaar ah oo
malahayga habeen-ka-hadh ahaydna waxay ku tashadeen in ay iska daba
sugaan.
Kulan: Warka waad haysaa in Hubaal albaabbada loo xidhay?
Kadeed: Waan maqlayay. Oo tolow maxaa lagu haystaa?
Kulan: Waxaan u malaynayaa kii weeraray oo ay maalin kasta bogga
hore ku soo sawiraan kii oo fi gaysan oo indhaha caddaynaya. Waxay ku
dul qoraan: “Yaa ka danbeeyay.” Arrintaana bilayska ay aa aad uga
xanaaqa maalin kastana qaar badan inta dhiiggii ku kaco ayaa
cisbitaalka loola cararaa.
Kadeed: Waar arrintu sidaas ma aha. Ka waaweyn. Waxa la isla dhex
marayay iyaga iyo Allahood e’, waxa laga xanaaqsan yahay kan yar ee
la xidhay ee sirtii Baanka oo dhan suuqa dhig-dhigay. Waxa la
is-yidhi inta aanay daabicin ferdedaha u laaba.
Kulan: Waar yarkan baanku waa salleello. Waa meel soke ayaan ku
leeyahay. Arrinta ugu daran ee Hubaal maalmahan ku mashquulsanayd,
waxay ahayd wefdigii Yementa ee suuqa ee la isla dhex ma rayay waa
Masaari meydhaaman. Anigu waxaan ku leeyahay xummaddii webiga Niilka
iyo Biyo-xidheenka ayaa ina soo gashay.
Kadeed: Taas ayaa inoogu daran. Labadaasi haddii ay doobta isu
ridaan, dagaal lagu hoobto ayaa meesha ka dhacaya. Waxa inala
gudboon oo keliya sidii aynaan u noqon lahayn dooggii labada maro odi
isku dul qabsadeen,
Kulan: Ilaah ina badbaadiya waa aynu leenahay, bal se maamul inala
baxsada baabbacadaa timo ka eeg. Dantoodaba ma dhaafaan.
Beryihii nidaamkii Siyaad Barre ayaynu maqli jirnay dameer ayaa la
xidhay. Arrintaasina mid dhacda y ayay ahayd oo waa tii uu Cabdi-qays
ka falkiyay maansadii la yaabka lahayd ee Darmaan iyo Dalx iis.
Reer Xamarka ayaa ku maah-maahi jiray: “Cimrigaaga oo dheeraadaa,
geel dhalaayana waa ku tus aa.” Ma maanta ayaynu innaguna u taagan
nahay oo arkaynaa warqad la xidhay, khadkeediina la doon-doonayo
iyada oo dadkii qorayay ay Maxkamad iyo bilaysba kor taagan yihiin
oo ay leeyihiin: “Maxay warqaddu galabsatay, annaga ayaa waxa ku
qoran qorna e’.” Bal ka warrama eedda aadam uhu geli waayay ee ay
warqaddaasi galabsatay ee lagu xidhay, khadkeediina meel ku ka
baxsado ka la’ yahay magaaladii Hargeysa mug weyn!
Ma Hubaal oo sugaysay in Maxkamad loo soo taago ciddii weerartay oo
gacanta lagu hayo oo weli ba Caloolay gacanta ka jebisay ayaa quful
weynna loogu daray!
Gaarriye miyaanu hore u dhan:
“Dal ayaan ku noolahay,
Saddexdii dalaaqood,
Lagu furay dadnimadii,
Dal waxaan ku noolahay,
Runtu arag-darraysoo,
“Daaddihi” la yidhi been,,
Hadday dunida been tahay,
Dusduskiyo khiyaamadu,
Noo dabeecad weeyaan,”
Waa goorma maansadani? Waa 1/5/1999kii. Socod-baradka maanta
talinayaa maba ay dhalan.
Hubaal waxay eed ku geli kartaa waxay qortay, waxaana loo qabsanayaa
oo loo raacayaa ciddii qo rtay. Eed ma qalaan waraaqaha iyo khadadku.
Maxay galabsatay Hubaal ee loogu soo eedayn waa yay? Ma kiis baan loo
hayn? Ma waxay la tahay in ay xidhnaan doonto. Dhacdadani waxay
markha ati u tahay in Hubaal la caddaystay in la xidho isla markaana
ciddii ku duusha aan waxba loo raacin oo marag-ma-doon ah.
Xukuumaddu waxba ma ay yeelin Hubaal. Qaranka, Madaxweynaha,
Madaxtooyada, Xukuumadda, dalkan iyo dadkan ayay dhacdadani ceeb ku
tahay. Guulihii Somaliland u suntanaa ayay kala dhanta alaysaa.
Dhacdadani waa mid aynaan u daban. Xaqiiqadu waxay tahay in aanay
Hubaal xidhnaana yn, ceebtana nin lihi qaadayo.
Aan ku soo xidho Qormadaydan kooban:
“Dhiirrashaa hubku ahaa,
Dhaadashaa hanku ahaa,
Marka dhabi dhabteed tahay,
Dhidar wayska tegi jiray,”
Dhammaad.
|