“Waa In Doorashooyinku Wakhigoodu Ku Qabso omaan”Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

 


Hargeysa (TNN):-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Dr. M axamed Cabdilaahi Cumar oo muddo dalka ka maqnaa,shalayna dib ugu soo laabtay, ay aa ku taliyay in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan.

Md. Maxamed, oo shalay la hadlay Geeska Afrika, wuxuu isagoo doorashooyinka ka ha dlaya uu ydihi “Doorashooyinku marar badan ayey dib inooga dhaceen, in mar dambe dib inooga dhacaana inooma wanaagsan, ee Doorashada Madaxtooyada oo ku beegan bisha saddexaad ee sannadka soo socda in lagu qabto wakhtigaas ayaan soo jeedinay aa, waxaana Doorashada u xilsaaran oo qaranka uga masuul ah Guddida Doorashooyin ka oo masuuliyadda kowaad saaran tahay ee waxaan leeyahay Guddida Doorashooyin ka si aanay mar dambe Doorashadana dib u dhac aanu uga iman ku qabta wakhtiga lo o cayimay”.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga mar uu ka hadlaayey A baaraha iyo sicir bararka ayaa yidhi “ILLAAHAY baa awood leh oo kaligii ayaa dhibka iyo abaaraha ina haysta inaga saari kara, waxaana ILLAAHAY ka baryeynaa inuu inoo naxariisto oo abaarta inoogu bedelo nimco iyo roob, Caalamkana waxaanu ka codsana ynaa inay gurmad deg deg ah inala soo gaadhan, madaama dadkeenii aad u dhiibatays an yahay, ta kale waxaan Ganacsatada iyo dadkeena wax haystba ka codsanayaa ina ynu u naxariisano dadkeena danyarta ah oo aynu caawino, oo u gargaarno, oo wixii tari karno aynu tarno”.

Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa dhinaca kale sheegay in dalka Somaliland yahay dal wax qabsaday, oo dadkiisu yihiin dad dadaalay, oo shuruudihii looga baahna dawla dnimo buuxiyey, waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqay inay horumarka Somaliland kala shaqeeyaan.



Source; Geeska Afrika