Waa kacdoon dimoqraadiyada hiil u ah, UDUB dar daarwerin u ah, Mucaaridkana digniin u ah, waa xirsi xidh dadweyne

 

“Waagaan tilmaamiyo, tusan iyo barwaaqiyo, tahal baynu gaadhiye miyaad talo ka weyn tahay” – codkii halaasiga ahaa ee Axmed mooge liibaan.

Haddaad qaranka daacad u tahay distuurka raac, haddaad qof iyo qos u durbaan tumaysana xeer jajabka iyo miiska wada hadalka raac.

Waa markii sedexaad ee dawladda Somaliland ay ku guuldaraystay in ay  qa banqaabiso doorasho dalkan ka dhacda. Waa markii sedexaad ee ay shin  dh a aftay xilligii loo qoondeeyey. Waa markii sedexaad ee dadweynuhu la duudsiyo xuquuqdoodii asaasiga ahayd ee codbixinta. Waa markii sedexaad ee dadweynaha Somaliland ku hongoobey in uu codkiisa ku ciil baxo. Waa  ma rkii sedexaad ee ummadan u ooman in ay layligeliyaan hannaanka  dimoqraa diyada iyo habkii loo dhisan lahaa dawlad casri ah, ay hunguri gaagaxdo. Taasi waxay dhalisay in guud ahaan dalka ay ka dhacaan, madaaharaadyo isdabajoog ahi. Waa ta keentay in Boorama dadkii mudaaharaadayey ay afka duubi iskaga xidhaan. Waa ta keentay in Tog-wajaale calankii UDUB ey-da loo xidho. Waa ta keentay in dadweynaha reer Hargeysa ay hor  tubna adaan Golihii wakiilada ee ay soo doorteen iyaga oo difaacaya distoorkii iyo sharcigii ay u codeeyeen.

Dadweynuhu kama gadoodin keliya doorashaa la qaban waayey. Waxay ka gilgisheen markay dareemeen in golihii fulinta ee Mudane Dahir Riyaale  Kaa hin hogaaminayey uu ka amar weynaadey distoorkii iyo xeerkii la dhigtay. Markuu ka amarweynaadey Golayaashii sharci dejinta. Markuu u dhaqmay sidii maamul digtaatoori ah oo aan shacbigu soo dooran, soona dooran doonin. Markay habkii iyo hannaankii dimoqraadiyada uu hareer ka dhaafay.

Sidaynu la wada socono waxay dawladu waxay ka bilawday la dagaalanka geedi socodka dimoqraadiyada, Xusbiga loo tiriyo in uu talada hayo ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Dahir Riyaale Kaahin. Xusbiga UDUB, golihiisii dhexe wuxuu ku soo urur oo taladiisu ka go’adaa Guddoomiyaha xusbiga  islamark aana ah Madaxweynaha, keligiis oo aan lagu labayn. Wakiilada Xisbiga ee Gobolada iyo degmooyinka waxaa hawshoodii la wareegey wasiirada  Qara nka oo habeen iyo maalin intay tii qaranka meel iska dhigeen ku  wareegaale ysanaya, hawshii ay ku filaayeen masuu’uliyiinta xusbiga heerkay doontaba ha ahaatee. Shaqaalihii qaranka waxaa laga dhigay guulwadayaasha iyo  Cal an sidyaasha xusbiga UDUB. Halkaa waxaa ku gudhay oo la curdin dhadhiyey in xusbigaasi hana qaado oo hannaakii dimoqraadiyadeed gudihiisa ku  dhaq mo oo hirgaliyo.

Markay taa ku guuleysatey dawladdu waxay bilawday in ay ka leexato ku dh aqanka distoorkii, sharcigii, iyo Axdi qarameedkii. Waxaa la coloodey  Gola yaashii sharci dejinta iyo hogaamiyayaashoodii. Qas iyo qalaanqaal ayay ka dhex abuurtay. Go’aamada ka soo baxa waxay gaadhey heer ay marwalba ku gacan saydho. Waxay sintay Golayaashii sharci dejinta iyo guddigii  door ashooyinka qaranka. Sharci dejiyihii iyo fuliyihiiba iyada ayuu noqday.

Xildhibaanadii UDUB waxay u dhaqmeen sida wasiirada u Madaxweynuhu soo magacaabo, oo way iloobeenba in dadweynuhu soo cugtay oo shaqada  siiye y. Markay sidaa noqotay waxaa dhacday in dawladu u aragto amma ula  dha q anto xusbiyadii mucaaridka iyo taageerayaashoodi nacab iyo cadaw. In ay xusbi qaran oo la tartamaya yihiinba meesha way ka saartay.

Haddaba, kacdoonkan dadweynaha foojigan ee dulqaadka badan, wuxuu u dadaarwerinayaa guud ahaan xusbiga UDUB oo ay ka doonayaan in uu  hann aa nkii dimoqraadiyada dib ugu soo laabto gudihiisa iyo dibadiisaba.

Kacdoonkani xusbiyada mucaaridkana waa u digniin oo iyaga laftooda waxaa la muujiyey in aanay dadweynuhu diyaar u ahayn ururo dhaqankii iyo  saans a antii ururka muxaafidka leh gudahooda iyo dibadoodaba. Waxaa la  muuji yey in aan sidii loogu seeto dheereeyey maamulka haatan, sobobadan  awg ood iyaga loogu seeto dheerayn, haddii uu dadweynuhu codkooda ku deeqo oo talada la wareegaan.

Waxaa laga rabaa waxii la diidey wixii doorin lahaa. La dooni maayo xabaalo laga dul baroorto oo la soo faqo. Waxaa laga doonayaa talo iyo qorshe ka nool iyo ka dhallan doona waxtara, dimoqraadiyadana u hiiliya.

Waxaa kale oo kacdoonkan lagu muujiyey in garaadkii siyaasadeed ee  dadw eynuhu uu heersare gaadhey. Waxay muujiyeen in aan qaybi oo xukun, gara adkii qabyaalada ay ka gudbeen oo cidina ku isticmaali Karin. Kacdoonkani waa xirsi xidh dadweyne iyo in laga gudbo habkii beelaha oo xusbinimada la xoojiyo.

Dadweynuhu waxay doonayaan hab ismaandhaafkan immika taagan lagaga gudbo, ku danbe oo dhacana lagaga badbaado, doorasho xor ah oo  xalaa lana suurtageliya, oo aan shin dhaafina, waa in sedexda xusbi qaran ka  tana asulan kursigan keliya ee ay isku haystaan, danaha guud kale ee qarankana hoos u eegaan.

Ismaandhaafyadii hore sedexda xusbi qaranba intay distoorka iyo sharciga ka dudaan ayay xeerjajab xal ka dhigtaan oo heshiis wada galaan.  Mucaa ridku waxay marwalba miiska wada hadalka la fadhiistaan eeda kii galay, ee doorashada dib u riixay. Heshiiskaasi, maadaama aanu wafaqsanayn  distoo rkii oo uu yahay heshiis ay iyagu wada galeen, marka la gaadho maalintay qabsadeen, haddana halkii uunbuu ka bilaabmaa ismaandhaafkii doorasho iyo diba loo riixay. Taasi waxay muujinaysaa in aan Xusbiyada mucaaridka  lafto odu jeclayn ku dhaqanka distuurka iyo dimoqraadiyada.

Ismaandhaafkan haatan lagu jiraa wuxuu kaga duwan yahay kuwii hore, wa xaa kan soo dhexgalay dadweynihii oo muujiyey in ay soo ceshadaan  xuqu uqdoodii asaasiga ahayd ee codbixinta iyo doorashada. Sidaa daraadeed sedexda xusbi oo isa soo horfadhiista xal ma ah, waxaa ka roon distuurka oo la raaco, oo sedexda xusbiba aqbalaan. Haddii kale waa in dadweynuhu u diyaargaroobaa kordhinta iyo ismaandhaaf afraad oo aan dhiig ku daadan.

Haatan iyo dana waa in ismaandhaafkan immika oloosan lagu xaliyaa hab waafaqsan distoorka iyo sharciga. Dawladan immiku umma eka mid doorasho diyaargarayn karta. Dawlada ha dhacado, oo mucaariidkow soo fadhiistana xal ma ah oo afka way ka weyn tahay. Dawlad la wadaagaana, intay murmayso ayaa waagu dabadeeda ka baryi doonaan, taasina xal ma ah oo waxay u ekaan doonta Golaha wakiilada. Waxaa markan loo baahan yahay in distuurka la raaco oo guurtidu dalka gaadhsiiso doorasho xor oo xalaal ah.

Guurtidu, dawladiihii Somaliland soo maray oo dhan iyada ayaa u sal ahayd, tana iyadaa ilaa immika ka hor sal u ahayd, sidaa daraadeed waayo aragnimadaynu u leenahay iyagaa distuurku waxay inna farayaan, haddii dawladdu carqalad ku noqoto in doorasho dhacda, mucaaridkuna xuslada ku sito xadhkiihii lagu daadufeen lahaa, in ay dadka iyo dalkaba badbaadiso guurtidu.

Haddaba, dadweynow haddaad qaranka daacad u tahay oo aad aaminsan tahay distoorka raac, haddaad qof iyo qoys u durbaan tumaysana  xeerja jabka iyo miiska wada hadalka raac, oo sharciga daadufee. Una dhabagala waxay hogaamiyayaasha mucaaridku waxay dan moodaan. Hogaamiyayaasha mucaaridku waxay u qabaan in laba daran la kala  dooran siinaayo, umma qabaan in sharci iyo sharci darro la kala dooranayo. Waxay u janjeedhsan doonaan dhinaca xeerjajabka iyo in ay heshiis la galaan eedda kii galay. Hadday Mucaaridku ay diidaan xalka distuuriga ah oo doorbidaan xeerjajab, muxuu yeeli doonaa dadweynuhu? Waayo aragnimada aan u leeyahay aragtidooda siyaasadeed, waxay u gacan geli doonaan oo ogolaan doonaan, sii waaritaanka maamulka loo tirinaayo eedda ee carqaladeeyey doorashooyinka hore oo lagu odhan doonaa tu kale noo soo diyaari. Markaana waxaa la isweydiin doonaa, ayaa doorashada carqaladaynaaya ma mucaaridka mise muxaafidka? Su’aashaana jawaabteeda waxaan u dhaafaya warbaahinta gudaha iyo debed ee qun yar socodka ah iyo ta quluul u socodka ah
 

 



Hamud Duale