Waa
Kuma Dr. Axmed Xuseen Ciise?
Marka
hore Dr. Axmed Xusseen Ciise waa aqoonyahan heerka ugu sareeya ee
lagu takhsuso ka gaadhay waxbarashada. Dr. Axmed waxa uu ka soo
shaqeeyey laba xarumood oo ka mid ah kuwa aduunka u caansan xagga
cilmi baadhista dhakhtirnimada iyo dawo baadhista. Muddo 12 sanadood
ka badan wuxuu cilmi baadhe iyo professor ka ahaa Johns Hopkins
University Medical School iyo Johns Hopkins School of Hygiene and
Public Health. Johns Hopkins wuxuu ka mid yahay xarumaha caafimaadka
ee ugu caansan dalka Maraykanka. Ka dib Dr. Axmed wuxuu muddo afar
sanadood ah ka shaqeeyey xarunta cilmi baadhista ugu caansan dalka
faransiiska ee loo yaqaan Institut Pasteur ( ama Louis Pasteur
Institute). Hadaba Dr. Axmed wuxuu itnaaba ka doorbiday inuu
dalkiisa hooyo u shaqeeyo isagoo ku laabtay 1998 isla markaana ka
furay gudaha dalka xarunta IPRT (The Institute for Practical
Research and Training).
IPRT waxay ahaa mac-hadkii u horeeyey ee ku dhiirada in shirar
caalami ah lagu qabto Somaliland gudaheeda taas oo ay bilawday mar
aan Internet iyo telefoon fudud iyo Huteelo dadka lagu dejiyaa midna
jirin, 1998kii waxay isugu yeedheen Shirweynihii Kowaad ee
Aqoonyahanada Somaliland si ay aduunka u tusaan inay Somaliland
tahay meel nabad ah oo degan oo caadi ah isla markaana wax walba
suurto
galin karta. Machado badan ayaa ilaa maanta ku dayda talaabadaa oo
si fiican u sameeya shirar iyo aqoonisweydaarsi labadaba. Waxa mudan
in dadkii markaa ku dhiiraday inay ka qayb galaan shirkaa u horeeyey
ay ka mid ahaayeen aqoon yahano badan oo maanta Somaliland ka
shaqeeya sida Guddomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirahman Cirro. Waxa
kala oo mudan inuu Madaxweynaha Somaliland Mudan Daahir Riyale
Kaahin uu dhawaan ku dhawaaqay qabashada shirweyne aqoon yahan oo
kala tala bixiya ayaatiinka Somaliland.
Waxay noola muuqataa inay talaabadii
Axmed qaaday 7 sanadood horteed loo arkay dan. Sanadkii 2002 Dr.
Axmed Xussen Ciise waxa uu ku guuulaystay inuu Bandhig Caalamiya ka
dhex sameeyo Congress ka Maraykanka halkaas oo ay isugu yimaadeen
Safiiro, xildhibaano, aqoon yahano tiro badan. Dad badan baa ku
tilmaama Bandhigaasi inuu indhaha u furay dadka iyo dawladda
Maraykanka.
Hadii aynu dib u yar jaleecno waa kuma Axmed Hussein Taariikdha
hadaynu dib u yar raacno Dr. Axmed wuxuu ka mid yahay halgamayaashii
ugu waaweynaa ee ka soo shaqeeyey aduun weynaha. Waxa lagu tilmaamaa
inuu ahaa dadkii ugu miisaanka badnaa ee Jeelka Labaatan Jirow ka
soo Saarey kooxdii UFFO, iyo Madaxdii Sar-sare ee Kaligii Taliyihii
Siyaad Barre xidhay oo ay u horeeyaan Ismacill Cali Abokor, Cumar
Carteh Qaalib, Cabdi Ismaciil Duse, Sulayman Nuux iyo maxaabiis kale
oo badan iyada oo markii u dambaysay Xukuumadda Maraykanku
siidayntooda ku xidhay macaawinadii caadiga ahayd oo ka badanayd
markaa 21 milyan oo doolar.
Sii dayntii maxaabiistaa ka
dib lacagtaa macaawinada ahayd haddana looma siidayn ee Kongresska
maraykanka ayaa mar labaad is hortaagtay, waxaana si weyn uga
ololeeyey Dr. Axmed Xuseen Ciise oo Congresska maraykanku arrintaasi
kala tashadeen. Sannadadahani ugu dambeeyey marka laga hadlo, Dr.
Axmed Xuseen Ciise,isaga oo aan cidina ka dambayn laakiin ah
Xogahaya Arrimaha Dibedda ee KULMIYE wuxuu safar is daba joog ah ku
maray min Waqooyiga
Maraykan ilaa Koonfurta Asia ilaa South Afrika. wuxuu intaasiba u
doodayey Aqoonsiga Somaliland. Axmed Xusseen waa xubnaha
fara-kutiriska ah ee la is odhan karo hadii ay Hogaankan dalkan
qabtaan waxay u maamuli lahaayeen sida dalalka reer galbeedka loo
hogaamiyo Dr. Axmed Xuseen Ciise wuxuu xidhiidh sokeeye la leeyahay
saraakiil sare sare oo ka tirsan golayaasha dalka maraykanka, xubno
muhiim ah oo ka tirsan labada xisbi ee dalka maraykanka ka taliya ee
Jamhuuriga iyo dimuqraadigaba, wuxuu xidhiidh sokeeye la leeyahay
xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka maraykanka Miss Condeleza Rice
oo aqoon badan ka dhexayso. Dr. Axmed Xuseen Ciise wuxuu dhawr jeer
ka qayb gallay doodo kulul oo ay yeelanayeen aqalada congresska iyo
senateka kuwaasi oo lagu lafa guraayey arrinta mandaqadda geeska
afrika, wuxuuna sidoo kale ka qayb gallay shirar doceedyo uu soo
qaban qaabiyey guriga gaashandhiga dalka maraykanka ee loo yaqaano
Pentagon, kuwaasi oo uu dhammaantoodba si qeexan ugu sharaxaayey
saraakiisha maraykanka qaddiyadda madax banaanida Somaliland inay
tahay muqadas oo ah mid ay shacabka somaliland doorteen.
Dr. Axmed Xuseen ciise wuxuu sidoo kale xidhiidh sokeeye la leeyahay
madax badan oo afrikaan ah, wuxuu doodo siyaasadeed kaga qayb gallay
dalka koonfur afrika, isagoo lagu casuumay dood cilmiyeedyo uu soo
qaban qaabiyey xisbiga tallada dalka koonfur afrika haya ee ANC
(African National Congress). Dr. Axmed Xuseen Ciise wuxuu ku
leeyahay beesha caalamka sumcad aad u balaadhan, oo uu ku kasbaday
aqoontiisa, xirfadiisa iyo miisaankiisa, wuxuu kaalinta koobaad kaga
jira shakhsiyaadka fara ku tiriska ah ee ka soo jeeda mandaqadda
geeska afrika ee maraykanka iyo midawga yurub ay kala tashadaan
arrimaha afrika.
Dr. Axmed Xuseen Ciise waxaan
aaminsanahay haddii uu ku guulaysto tartanka madaxtooyada ee
Somaliland inuu muddo kooban somaliland ku gayn karo beesha caalamka,
kana midho dhalin karo aqoonsi buuxda oo maraykanka, midawga yurub
iyo dalalka afrikaanku ay siiyaan somaliland. Dr. Axmed Xuseen Ciise
wuxuu uga aqoon badanyahay Madaxweyne Rayaale, Axmed Siilaanyo iyo
Faysal Cali Waraabe siyaasadda casriga ee dunidu ku dhaqanto iyo
weliba siyaasiyiinta dunida maanta ka shaqeeya. Waxaan ka codsanayaa
golaha dhexe iyo ergooyinka xisbiga Kulmiye inay muujiyaan
xilkasnimo iyo geesinimo una doortaan Dr. Axmed Xuseen Ciise inuu
noqdo musharaxa u tartamaya jagada madaxweynimada ee xisbiga Kulmiye.
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Bristol, UK.
Mobile: 00-44-7903579211
E-mail: diridhaba@gmail.com
|