WAA KUMA DUQA MAGAALADA HARGAYSA XUSEEN JICIIR MUXUUSE DALKA U QABTAY[xogta qoraaga ]

 

Duqa magaalada hargaysa waa aqoonyahan wax barashadiisii ka bilaabay magaalada hargaysa waxa uu dugsigiisii hoose ku qaatay dugsii la odhan jiray waqtiyadii danbe janaral daa,uud ka dibna wuxuu uga sii gudbay dugsiga axmed guray sanadkii 73 dii oo uu ku qaaday waxbarashadiisii dugsigadhexe.


duqa magaalada hargaysa mudane xuseen jiciir waxa uu galay camuud waxaanu ku dhamaystay
waxbarashadiisi dugsiga sare taariikhdu markay ahayd 7,7,1977.
kadib markuu dhamaystay tababarkii dugsiga macalimiinta ee xalane waxa mudane xuseen jiciir yimi
magaalada hargaysa waxaanu ka hawlgalay shaqadiisi qaranka ee macalinmada magaalada cadaadalay
oo uu ku yaalay dugsiga boodhinka ardaydu wax ku bartaan.

mudane jiciir waxa uu ka bacdi yimi magaalada muqdisho waxaanu galay jaamacada umada soomaaliyeed
qaybta engneerinka waxaanu dhamaystay 1982.
waxa kabacdi uu ka hawlgalay kana shaqeeyay dawlada hoose ee magaalada xamar waxaanu ka qabtay
hawlo aad u badan.
Sida maanta dadku u amaanayaan waxqabadkiisa magaalada hargaysa ayaa waqtigaa uu xamar joogayna uu ku
qaatay bilad sharaf.

Kalgacalkii dadku u hayay ee aadka loogu bogay waxqabdkiisii uu ka hayay magaalada xamar ayaa waxay dawladii maamulka haysay
waxay u direen mudane xuseen jiciir siminaaro wadamo debeda ah, tiraba wadamo debada ah ayuu xuseen tagay
waxaana ka mid ahaa dalka jarmalka.
waqtigii buburkii dawladii soomaliya dhacday waxa mudane xuseen jiciir uu yimi dalka holand waxaanu dib u bilaabay
waxbarashadii uu aadka u jeclaa. waxa uu shahaadada masterka ka dhameeyay dalka holand jaamacada dalf
Xuseen jiciir waxa ka bacdi loo doortay duqa caasimada hargaysa ayagoo dadku ka warqabo inuu yahay nin waxqabad leh
waxa si diiran loogu soo dhaweeyay dalka s/land. waxaanu markiiba ku guulaystay inuu noqdo duqa magaalada hargaysa
halkaas oo cod majooratiya ku helay.

mudane xuseen jiciir waxa uu bilaabay hawlkarnimadii lagu yaqaanay waxaanu markiiba u guntaday dhismaha wadooyinka
caasimada hargaysa ,
Maannta waxa mudanuhu ku guulaystay inuu gacantiisa ku dhiso wadooyin badan oo isku xidha magaalada gudaheeda
in badana aad loogu baahna ka dib markay caasimadii waynaatay dadka iyo baabuurtuna ku batay.
mudane jiciir waxa kaloo uu qabtay dhismaha guryo badan oo lagu deeqay in danyarta loo dhiso kuwaas oo maanta la
tilmaami karo.
waxaanu si xarago leh ugu guulaystay in uu dhismayaashan guryaha asagu gacantiisa ku hirgaliyo
waxa si wayn ugu mahadnaqday hay,ada lacagta bixisay ee hibatat.
waxa aynu ka warqabnaa in hay,ado badan dalka yimaadaan ayagoo bixiya deeq dadka wax loogu qabto balse sida xuseen jiciir
ragu mawada aha ee waxa la ogsoonyahay in lacagtaa hay.aduhu bixiyaan lagu tagrifalo ama laba nin iska cunaan
ayadoon dadka wax loogu qaban.

Mudane jiciir waxa kaloo uu hirgaliyay shaqaalaha nadaafada caasimada oo mudo ka hawlgalaayay gudaha magaalada
runtiina wax badan ka qabtay magaalada hargaysa, in badana dhinaca nadaafada magaalada wax uga qabtay
walina la wado sidii loo balaadhin lahaa waxqabadka nadaafada magaalada.
kawaamka wax lagu qalo oo ah mid kamida waxqabadka ugu wayn ee mudane jiciir hirgaliyay ayaa xusid gaara mudan
waxa aad loo xasuusan karaa waqtiyadii aanu kawaankani jirin oo magaalada dhibwayni ka haystay
waxa dadku ku qali jiray xoolaha meel kasta oo ay doonaan taas oo caafimaad daro keeni jirtay.

Wax qabadka mudane xuseen jiciir duqa caasimada s/land ee hargaysa maaha mid hadii qalinka loo qaato
aynu maanta halkan qoraal yar kuwada qeexi karno.
waxase muhimda ugu wayni ay tahay dareenka shacabka s/land siday u arkaan mudane xuseen jiciir iyo waxqabadkiisa
runtii waxaan odhan karaa dadku aad buu ugu hanwayn yahay waanay og yihiin in uu dadaal kii ugu badnaa uu sameeyay
ma jiro maanta mayor soo maray caasimada hargaysa oo intuu ka qabtay gaadhi kara.

waqtigii mudane daahir riyaale kaahin uu talada dalka hayay maamulka dawladu waxay ku tilmaami jireen
inuu yahay mayor waxtar wayn u gaystay bulshadiisa.
xidhiidhka dawlada iyo duqa magaalada ayaa ahaa mid aad u wanaagsan oo marna wax dhaliila laga arag
may jirin hantidhawr iyo masuuliyiin kale oo marna mudane jiciir dhaliilay waxqabadkiisa
mana jirto wax musuqmaasuqa oo marna lagu eedeeyay duqa magaalada hargaysa.
ninka wax qabanayaana maba yeesho dhaliil iyo musuq-maasuq.

Maanta iyo dawlada mudane axmed maxamed siiraayana ma hayno meel dawladu ku dhaliishay mudane xuseen jiciir
ma hayno hanti uu leexsday iyo musuqmaasuq dawladu ka hadashay.
sidaa daraadeedna maaha in la inkiro waxqabadka duqa magaalada hargaysa waxay ahayd in ashkhaasta kursi doonka ah
ee niyadooda gashaday inay dhaxlaan kursiga uu ku fadhiyo mudane jiciir inay candhuuftooda dib u liqdaan.
Waxaanu leenahay xilka jiciir hayaa waa mid u baahan nin karti iyo awood leh inuu usoo istaago markuu waqtigiisa dhamaysto
maaha xil iyo masuuliyad cayaar-cayaar lagaga bixi karo fadlan ogaanteed lahaw yaanad ku fashilmine[bal hubsoo jariyo boholaa jiree
ha biimayn naftoo bilig hayska odhan]

HADBA GAYIGA NINKII WAXTARA HADII GAWRAC LALA MAAGO
HADMAYNU GAADHI NOLOL WACAN OO DANTA LOO GARAABI

wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
UK