WAA KUMA HOGAAMIYAHA LEH ASTAAMAHAN:-


 

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed (Ciro)

 


1) Aaminimo.
2) Dulqaad.
3) Samir badan.
4) Cadaali.
5) Daacadnimo.
6) Alle ka cabsi.
7) Qawl wanaagsan.
8) Maslaxo jacayl.
9) Debecsanaan.
10) Run sheegis.
11) Xalaal Quute.
12) Eex laŽaan.
13) Ma Faane.
14) Islamaweyne.
15) Salaad kama tage.
16) Hawl-kar nimo.
17) Aqoon ku filan.
18) Xaas
19) Awlaad, iyo
20) Xilkasnimo.



Waxaan filayaa in dad badani is weydiin karaan qofka intaas oo astaamood isu raaceen, ayna adag tahay sida jawaabta loogu helo, way jiraan dad leh qaybo ka mida astaamahan kor ku xusan, balse weli ma arag shaqsi intaas oo arimoodi isu raaceen gaar ahaan xiliga aynu ku jirno iyo dunida aynu ku dul nool-nahayba.



Balse waxay ahayd uun maalmo yar ka hor markaan ka qayb-galay xaflad lagu daahdurayey xafiis kii ugu horeeyey ee ururka Wadani xafiiskiisii wadanka ingriiska, taasoon kala kulmay qaab aad uga duwan xaflado badan oo noocan oo kale loo soo agaasimay oo ka dhacay goobo badan iyo dadal kala duwanba. Hoolka xafladani ka dhacday oo ku yaalay Xaafada Harrow ee waqooyiga galbeed ee magaalada London, cariga Ingriiska, waxuu ahaa mid aad u camiran, dhamaana kuraastii loogu tala galay fadhigu way buuxsantay, sidaa awgeed ayay dadku taagtaagnaayeen afaafka hore ee hoo lka iyo meelaha banaan ee loogu talogalay socodka, sidaa awgeed ayaa xataa qofkii u baahda inuu musqulaha soo isticmaalo ay ku adkaanaysay meel uu maro, ama hadhowba ku soo noqdo.



Waxaa xusid mudan in tiro badan oo xaflada ka hadashay, una badnaa Suldaano iyo dad lagu soo martiqaaday xaflada oon iyagu ururna ka tirsanayni aad uga faaloodeen Aqoonta ay u leeyihiin iyo astaamihiisa qofnimo ee Gudoomiyaha Golaha baarlamaanka Somaliland ahna Gudoomiyaha ku-meel gaarka ah ee ururka Wadani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed (Ciro), kaasoo ay dadkaasi isku raac een inuu astaamahan kore leeyahay.



Ma filaynin inuu jiro qof astaamahaas maanta lihi, balse waan rumaystay markaan arkay qaar ka m ida dadkaas oo xataa warbixintooda dhaar ku xoojinaya; waxaa kaloo xusid mudan in mudadii aan la joogay Gudoomiye Cirro oon xataa si khaasa wax u weydiinayey in aan xaqiiqsado badi qodobadan lagu tilmaamay, soomaalidaa ku maah-maahda (nimaad saacad ku baran waydid sanad laguma bar to).



Waxaa xaqiiq noqonaysa in hadii Cabdiraxmaan Ciro leeyahay astaamahaas kor ku xusan, uu noqon doono hogaamiye buuxa oo qalabkiisii u dhan yihiin una qalmo Maya urur qura, Maya xisbi qura, M aya Gudoomiye baarlamaan, balse Madaxweyne wadan, waana muuqataa sansaanteedii marka la fiiriyo taageerada xoogan ee uu durba gudo iyo dibadba ka helay, shacabka cod bixiyayaasha ahna waxaa ku ah waajib, oo xil ka saaran yahay inay kala saaraan kan dantiisa, danta Shakhsi, danta Koox, danta Gobol iyo danta Reer wada iyo qofka danta guud ee dadka iyo deegaankaba wada oo ay codkooda si kalsooni iyo geesinimo lehba u siiyaan. Iskana ilaaliyaan doorashada qof ay reer a ma dan khaasa ku doorteen, kaasoo berri markay ka waayaan dantoodiina ay cay dariiqyada ula is taagaan.

Wasalama-Alykum.
 

 

 

 

Qore:- Qasim A Saleebaan
Kasslmn@aol.com