WAA LOO  DHASHAA WADANI: Muwaadin, Garo Xaqa Dalkaaga & Xuquuqdaad ku Leedahay

 

   

 


Dilka aan sharciga waafaqsanayni ,waa Dembi culus sida ku Xusan Qoddobka 434 ee Xeerka Ciqaabta guu d, Sidaas darteed waxaa muhiim ah in Nafta & Nabadaba la ilaaliyo, waajibna la iska saaro Bulsho iyo Dawla dba”


Bismilaahi rahmani rahiim.

Mowduucan amase baaqan oo ka hadlaya nabad galyada, xuquuqda bulsho/shaqsi ee dhinaca nabada iyo weliba waxyaabaha ay ka qabaan shuruucda caalamiga ah, kan wadankeena iyo diinteenuba, waxanan aad u jeclaystay inaay fahamsiisnadaan bulshadeenu waxa ay xaq uleeyihiin iyo xaqa loogu leeyahay ilaalinta n abad gelyada iyo dabaqaan, ixtiraamaan kuna dhaqmaan waxyaalaha ka reeban shuruucda wadanka, baya anada caalamiga ah ee xuquuqda bini’aadamka u yaala iyo sidoo kale waajibaadka dowlada ka saran arrintaas.

Nabad galyada, kala danbaynta iyo isixtiraamku waxa ay asaas u yihiin diinteena islaamka iyo dhaqankeena, mana aha inaynu si fudud u burburino inagoo adeegsanayna wajiyo aad u fool xun oo wax u dhimaya isku xidhnaanta, is dhex galka iyo wada noolaanshaha bulshada dhexdeeda.


Nabad marka aynuleenahay waxaynu ula jeednaa waa ku noolaanshiyo nolol bilaa xadgudub,bilaa cadaawad iyo war war la’aan nafeed iyo deegaanka ku hareeraysan qofka oo noqda mid aad u nabdoon, nabadaas oo bulshadu ka wada siman tahay loona ilaaliyo xuquuqdooda iyadoon loo kala eekayn sinji, midab, luqad, siyaasad, hanta, dhalasho iyo xaalad kale sidaana uu xusayo qodobka 2 ee xuquuqda aadamaha.
Sidoo kale waa xaq asaasi ah inuu qofku ku noolaado, nolol ay ku dheehantahay nabad iyo xasilooni sida uu dhigaayo qodobka(3) ee baaqa caalamiga ah ee xuquuqal iinsaanka:
“Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol, xornimo iyo nabad galyo qof ahaaneed”.


Taas oo gun dhig u noqonaysa in qofku ku nolaado nabad maskax iyo jidh ahaaneed, loona ilaaliyo lagana ilaaliyo inay iyagu dhexdooda isku xadgudbin, waayo xuquuqdu waxay leedahay xadayn(limitation) si aan qof kastaa ugu doodin xaqayqii ayaa intaa ahaa waxaana jira miqiyaas ama falsafad odhnaysa:” xaq kastaa wuxuu ku dhamaadaa meesha uu xaqa qofka kale ka bilaamo”, u jeedada oo noqonaysa marka aad adigu hesho xaqaagii waxa waajib kugu ah inaad ilaaliso xuquuqda dadka kale, hadii aad jabisana amase ku xad gu dubto xuquuqdaasna waxaad ku kasbanaysaa ciqaab sharciga hortiisa.


Bayaankan oo ka mid ah baaqyada caalamiga ah ee uu dastuurkeenu baneeyey iney ka mid noqdaan bayaa nada uu dastuurku u arko sharci uuna aaminsan in la dabaqo hadii anay ka hor imanayn diinta islaamka sidaa waxa suntay qodobka 21(2) ee dastuurka Somaliland.


Hadaba waxa jira arrin ka hor imanaysa xuquuqdan aan kor ku soo xusnay, taas oo ah dilka aan sharciga a hayn danbi culusna ka ah shuruucda wadanka u taala sida ku xusan qodobka 434 xeerka ciqaabta, isla mar ahaantaana diinteena islamkuna xarinmay/mamnuucday dhiiga muslimiinta cidii gashana ciqaab culus ka dh alanayso, danbigan oo ah mid ka soo hor jeeda labada sharcige ee diinteena isla mar ahaantaana shuruuc da lagu dhaqo wadankeena isku ciqaabka ka dhalanayso.


Si kasta oo ay tahay waxaa muhiim ah in nafta bini’aadamka iyo nabadaba la ilaaliyo waajib culusna ka saar an yahay bulsho iyo dowladba; Bulshadu waa inay ilaaliso, ixtiraamto, dhowrto, ka digtoonaayo iyo weliba xushmayso xuquuqda nololeed ee qofku leeyahay iyo hadii ay ku xadgudbaan ciqaabta dul taala. Taa mid la mid ah waxa ay ka saaran tahay dowlada iney talaabo sharci ka qaato wax alaale wixii hoos u dhigaya xuqu uqda nololeed ee bulshada waayo iyada ayaa masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta xaqa nabad ku noolaans haha iyo fulinta shuruucda wadanka u yaala sid ku xusan qodobka.. ee dastuurka Somaliland.


Si kasta oo ay tahayba waa in loo guntadaa, la iskuna howlo ilaalinta sharciga iyo kala danbayntiisa bulsha duna u hanuunsantaa sharciga, sharciga hortiisana in loo siman yahay ogadaan si ay u hano gasho una taa ba qaado dowladnimadeena aynu ictifaar uga raadinayno beesha caalamka.


Ugu danbayntii waxaan hambalyo u soo jeedinayaa cid kasta oo jecel nabada, horumarka iyo jiritaanka qaranka iyo weliba Ilaalisa oo ka danbaysa sharciga wadanka.

 

 

 


Nasra Aden Ismail

Attorney General (Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka JSL)
Juvenille justice sector officer
ubaxadam@hotmail.com
ubaxadam@yahoo.com
Hargeysa, Somaliland