Waa Maan Guracan iyo Garasho Jaan

 

Taladaan la ruugin waa lagu rafaada, waxaan uga socda oo aan uga jeeda  si da dhibta yar ee wixi la soo dhisaayay dhowr iyo tobanka sano Dahir  Riyaale iyo wasiirkiisa Arimaha dibadu C/laahi Maxamed Ducaale u minjo  xaabiyeen taasina waxay muujinaysa siyaasada aan ku dhisnayn si cilmiyeeysan iyo  mu staqbalka fog aan higsanayn se ku qotanta danaha shakhsinimo kana aradan danta guud ee dalka.


Madaxweyne Riyaale miyuu ilawsanyahay in dalka uu madaxweynaha ka  yah ay aanu ahayn dal aan beesha caalamka ka haysan ictiraaf, marka uu  leeya hay waanu ka maaranay caalamka, mida kale miyaanay ka mid ahayn  mabaa didi loo dortay in uu geed dheer iyo geed gaabanba u koro sidii uu dalkan  icti raaf ugu soo heli lahaa,teeda kaleeto madaxweyne riyaale maalinba ma  dha n buu u tukanaya marka uu safarada qarashka badan ku baxayeen ku  iman aayay wadamada dibada sida uu inoo sheegana uu ku soo koobo ”Qadiyada dalka ayaan iib gaynaya si aynu beesha caalamka uga helno ictiraaf iyo  kaal mo” hadii uu ka marmaayo xidhiidhka beesha caalamka muu qarashka faraha badan ee ku baxaayay safaradaas caasimada dalka ee biyo laanta loogu  dhi manaayo biyo ugu galiyo.

Himilada kowaad ee ay higsanayaan shacabka Somalilander-ku waa sidii ay beesha caalamka uga mid noqon lahayen,siday himaladaas ku gaadhi lahaayene waxay u soo mareen jaran jarooyin kala gadisan saldhigeeduna yahay hanaanka xisbiyada badan ”Dimuquraadiyad”laguna soo khatimaayay habkan casrige diwaangalinta ”tiro koobka codeeyaha”si ay uga soo baxdo tiro sugan u jeedadeeduna tahay in la helo doorasho xalaala oo la ogsonaan karo inta codaysay si ay ugu qancaan sadexda xisbi iyo beesha caalamku. U jeedaduna maaha xisbi hebel dalka madaxweyne ha ka noqdo,se waa sidii aynu u iib gayn lahayn qadiyadeena beesha caalamkana uga heli lahayn ictiraaf taama.


Madaxweyne Riyaale waxa uu inoo sheegay in aanay Somaliland u baahnayn beesha caalamka iyo kaalamadooda ay inaga caawiyaan xaga doorashada, taas badalkeedina wuxu ina yidhi suuqa ayaan ka soo amaahan lacagta doorashada lagu galaayo, se duqu wuxu iloobay ama si badheedha u gees maray in himilada shacabku higsanayaan ay ka weyntahay doorasho ay isaga,Siilaanyo iyo Faysal bar bartisiiyaan hayaankuna yahay sidii ay beesha caalamka mar uun ay Somaliland uga mid noqon lahayd xubin ka mida. Kala warla Xukumada Riyaale iyo Shacabka Somaliland.

Waxa wax laga yakh yakhsoodo ah oo meel ka dhac ku ah shacabka Somaliland hadaladi uu ka jeediyay shirkii ja`raaid ee uu qabtay wasiirka arimaha dibadu C/laahi Maxamed Ducaale hadaan ka soo qaato weedho ka mida hadaladii uu halkaas ka jeediyaya waxa ka mid ah.


“Waxa dhawaan la iiga yeedhay oo codsi iiga yimid Congress-ka Maraykanka guddida Arrimaha Afrika, shirkaasi mabdi’iyan waan ogolaanay, laakiin waxaanu ogaanay in arrintaasi xeelad kale ku jirto oo la doonayo in la inagu wada hadalsiiyo Inaga iyo Maamulka Somalia, Markii aan la tashaday Madaxweynaha iyo xukuumada waxa la yidhi ka joog waanu ka joognay oo waanu diidnay.

Waxa dhacday in Guddoomiyihii Guddidaasi uu yidhi haddii Somaliland ay shirkaasi iman weyday waanu go’doomin doonaa Somaliland, waanu ku khasbi doonaa inay ku noqdaan Somalia, axsaabta kale markii aan diiday in faraha loogu yeedhay rag uu ka mid yahay ninka sheegta Xoghayaha Arrimaha Dibada ee KULMIYE oo uu tagay sawirana la galay”


Wasiirku miyaanu talada ku darsan in ay fursad dahabiya tahay in maanta Somaliland oo aan la ictiraafin baarlamaanada aduunka ugu weyn uguna quwada badan mid ka mida arinteeni lagaga doodayo, dooduna ay ina dhex taal dalkii aynu ka gonay ee Somalia, taasina waxay soo dadajin lahayd in wadamo kale ay arinteena hoos u eegaan.


Ta kale ka sii daran wasiirku maanu ogayn in Maraykanku yahay dawlad  quw ad ku leh caalamka oo dhaawac weyn inoo gaysan kara haday ahaan lahayd kaalamada dhaqaale iyo ta siyaasadeedba, wasiiraw sidaas miyaa ku tahay wasiirki arimaha dibada,sidaas miyaa kula tashatay madaxweynaha iyo  xuku mada, Waa maan guracan iyo garasho jaan. ”Ruq ninkii laha dabada hayo walee ma kacdo”



Mida labaad Xisbiga Kulmiye waxa uu dib u soo celinaya fursadaas qaaliga ee uu lumiyay wasiir ku sheegu, waxaanu Kulmiye heegan u yahay ilaalinta  dan aha qaranka, gaarna ka haya wasiirada aan tayada iyo garashada lahayn ee siyaasada ku dhex asqooway si uu u asturi lahaa. Hambalyo ayaanu  leenah ay Xoghayaha arimaha dibada ee Xisbiga Kulmiye.



Xukumadyahay Soo bari galey land gurusel gado guuxiisa mood gob inaad ku tahay geeska afrikow, waa maan guracan iyo garasho jaan.



Abdifatah O. Abdi (Abdi Kling King)

Oslo Norway
Kling_king@hotmail.com