Waa Maanso Daah-furaysa Silsilad Suugaaneed Cu sub, Oo U Furan Hal abuurrada. Curiye Abwaan Gabyaaye‏
 

Akhristayaal Waa Kulan kale, Madal Murtiyeysan iyo Daah-fur Dood cusub. Kollay wada fahante, Faah-faahintana gadaal ayeydun ka heli doontaan. Laakiin Sidaad nooga barateenba Waxaan Maanta halkan idiinku soo gudbinayaa Maanso Cusub oo ujeedada iyo Abbaarteedaba uu innoo Faah-faahin doono Hal-abuurka  Curiy ey. Ka hor intaasi, bal aan idin Xasuusiyo Hal-abuurkan, Waa Abwaan Max’uud-Gabyaaye, oo sidaan horeyba ugu niqiinay Suugaantiisa Hodanka ah ay innooga iman jirtay dhankaa iyo Qurbaha, Laakiin Nasiib Wanaag Maanta Hooyadii Fanka ee Hargeysa ayuu kasoo Shalwinayaa.

Akhriste haddii aad taqaanay Gabyaaye Suugaantiisii uu Curiyey intii Qur-baha,M axaad filan kartaa issagii oo Hooyadii Xikmadda Fanka iyo Suugaanta kasoo  lalina aya Murtidiisii Macaanayd?!


Waxaad Malaysataba, Waxaan idiin hayaa, Abwaan Max’uud-gabyaaye oo  Maan sadan Qiimaha badan si toosa Hargeysa aan ugu kala wareejisanay Labadayadii PC, Waayo inabad waxaan Suugaantiisa ku kala qaadan jirnay Si dadban ( By Net).
Abwaan Maxamuud-gabyaaye, Waxa uu leeyahay oo Maskaxdiisa kasoo  maaxat ay Suugaan faro badan, Waxaanan ka xusi karaa Maansooyin aanay Micnahooda iyo Mdhahooduba duugoobayn oo uu kaga qayb qaatay Silsilado Suugaaneedo hore usoo maray Mareegaha Netka, Waxaana ka mid ahaa Silsiladda KALAMAAN oo uu ku lahaa Labo Maanso, Silsiladda QAADKA iyo Silsiladda AFTI-QAAD.


Habeenkii Jimcaha 23/10/2009 ayaa Hargeysa loogu qabtay Kulanka loo yaqaan Hal-abuurka Hirgalay, oo isaga Lagu soo dhawaynayey, laguna sharfayey. Waxa anu Gabyaaye Habeenkaasi Wacdarro ka Muujiyey Madashaasi. Intaasin Xasuusin Kooban ha iga ahaatee, Hadaba bal aan Oodda idiinka rogo Filashada Maanta iyo Faallada Gabyaaye.

Anigoo ah Maxamuud Sheekh Cabdillahi-Maaray “Gabyaaye”, waxaan halkan  kus oo bandhigayaa, anigoo dhiirri galin iyo boorrinna ka helay Nin-door , Aqoonyahan , iyo Hal abuur fara badan oo aanu Somalilandnimada iyo Wadaninimada isku hayb ka nahay.


( RAAD-RAAC ) Waa Maanso aan ugu talo-galay, inay furitaan iyo tusmo u  noqo to Silsilad Suugaaneed aan rajaynayo ama aan filayo in ay Aragtidooda Hodanka ah ee kala gedisan kaga dhiibtaan Hal-abuurka Somaliland Lab iyo Dheddigba, Iyagoo si qotta dheer uga baaraandegi doona Biyo dhaca Ujeedada. Sidoo kalena Aragtidooda ku salaynaya Jirtada iyo Joogtada uu Dalka Hooyo ku sugan yahay maanta.

Lafa gurkaasoo lagasoo anba qaadayo Sooyaalkii taariikheed ee Dalkan iyo  Dadk ani soo mareen , si aynu kedibna ugu gudubno masanuuninta iyo saadaalinta Himilada ay umaddani hiigsanayso , ee ay ku rabto in ay noqoto ummad si buuxda mayalka uu u hayo Sharciga iyo Distuurka u dajisani , ugana qayb qaadato Caalamka, iyadoo buuxinaysa kaalinteeda umadnimo ee dhammaystiran , sida mid Degmo iyo mid Caalamiba .

Waxa ka reebban silsiladdan wax kastoo Sawriira oo Diinta , Dhaqanka iyo  Dadn imadaba meel kaga dhacaya, Waxa kaloo ka reeban Aflagaado Qof weerar magacdhaw toos ah watta iyo Hayb si mutuxan farta loogu godo .

Maansada ama Tixdii wadata tilmaamahaa aynu kor kusoo xusnay ama mid ka mid ah Sumadooda laga helaana way ka reebbantahay Silsiladdan lagumanasoo dari doono hadii Eebbe idmo .

Silsiladiina waxay inoogu furantahay maansada Magaceedu yahay RAAD-RAAC. Waxa kale oo iga codsi ah inaan lagu degdagin jawaabta ama duridda Maansooyinka Silsiladdan kusoo bixi doona, iyadoo aan la dhuuxin waxa uu Curiyuhu ka hadlayo iyo dulucda ujeedadiisa.

Waxana ila qurux badan Maxamuud ahaan inuu Hal abuur kastaa dhiibto  aragti diisa gaarka ah ka hor inta aanu u gudbin ama aanay Hamuuntu ka boobin wax ka odhashada aragtida Hal abuur kale, isla markaana aan lagusoo celcelin wax uu hal abuur kale ka hadlay, hadaan si kale loo dhigayn ama aan lagu ladhayn Hummaagyo kale oo bilicdooda wata .

Waxaan si gaara u xusayaa kuna baraarujinayaa inuu Hal abuurku raaco Xarafka laga unkayo oo ah ( R ), kana bogto Dhudda ama Laagta ama Badda ay Silsiladu ka socoto, oo ah Laagta laga jeexay Hees Dhaqameedkan :



Waaryaa kodhoow heedhe Kodhe wacad qaboow heedhe

Manaa ku dhay lulaya

Iyadoo aan la bartirayn waa in la raacaa Tubtaasi, si aan Dhabaq iyo Is dhex-yaac innooga ragaadin Silsiladda.

Waxaana ay dhammaan u furntahay ama annu kusoo dhaweyneynaa Hal-abuurka Somaliland, meel kastoo ay Aduunyada ka joogaanba.

Waana tane Hormo iyo Durduur Wacan.

Ilaahaybaa Mahad iyo Maamuusba iska leh



RAAD-RAAC




RAADRAAC bilawgeedu

Samawacan inuu reebo

Xumahana rugtiis sheego

Rajjo waayo shaydaanku

Ku holladay raxmaankeena

RAXIIM inuu wanaageeda

Ribixeed na siiyaaye

Bismillaahi riiraash dhe



Magac raaga oon duugmin

RABBIBAA leh maamuus dhe

Milga badan rasuulbaa leh

Run la hubo FURQAANBAA le

Murti ROONE uu siiyay

Hal-abuur rijaalaa le

Iyo gaari ruuxeedu

Ragga aan ka laalaadin

Adna Raabbi aashayda

Iyo rogo abbaartaydan



Ruga maalka taariikhda

Ilbaxnimaba raarteeda

Umadiba riyaaqeeda

Raasamaal waxay gaadhay

Himilaynta roorkeeda

Ruqa kaca nasiibkeeda

Ribbashiyo ragragadkeeda

Rafashada aqoonteeda

Iyo wax iska riixeeda

Ama rays fagfagadkeeda

Dhabbadii ay soo raacday

Rakka iyo xaraar oodan

Haduu raad kusoo oodmo

Arrin goyska geedkeedu

Iyo ruug caddaageedu

Rucla orodka diihaalka

Rucdi soo affaaf yeeshay

Hanba inuu ka reebaayo

Laga raysan karo aafo

Iyo inay radeebmayso

Wad u yahay ragaadkeedu

Suxal raatub meerkeeda

rukumada asoolkeeda

Rugta falagu saadaasho

Rarrabbay u fuulaane

Murankiyo ribeyntiisa

Aragtida rigaynteeda

Shilka yimi rogrogiddiisa

Maaray ka raadshaane

Rag nin aamusoo quustay

Iyo riyo dhawaaq daayay

Gabe reerahoodii dhe



Umad raratay maankeeda

Kana ridatay xeesheeda

Ruux keli muquunaystay

Hadii ay isku badi raacday

Talo aan la wada ruugin

Inaan roob ku hooraynin

Raadqaad nuglaanteeda

Ruun geedisocodkeeda

Rufuqrufuqda siiqeedu

Haduu raafdillaaciisa

Ama raari damqeeda

Ama raran gubyoodkiisa

Raja quus ku maydhaamo

Marna riyo miciin moodo

Rag alloow astaan weeyi

Kala saarta raadweyne

Qaran sawlacii raagay

Sharcigoo la raadraaco

Dantoo wadari ay riixdo

Rukkunbay ku goobteen dhe



Rabbi iyo Rasuulkeenu ( csws)

Sunnuhuuyna yidhi raaca

Rumay iyo daryeelkiisa

Afkaan loogu roonaanin

Raarahdaad ku diidaaye

Rasadani kusoo ciirtay

Xilkan raarta loo geeyey

Rogaal loogu maamuusay

Misna ruug caddaagiina

Kolba raashin loo fiiqay

warab uu ku raacaayo

Kordhinaayo riiqdiisu

Raffaad iyo dhib weeyaane

Isku roon is xaagaanta

Madal maalku raamoole

Dantii way ragaadsheene

Samahaba haddaan raacno

Runta inaan la shaashaynin

Maqashaa ku rayn leyde

Rays maalin loo aayo

Rajjo laysku maaweesho

Maxaan kaa raseeyaa dhe



Affartaa riyaaqooda

Haku raago qoomaale

Riddadiyo abbaartayda

Wadani iyo rogaalkiisa

Barre iyo rakkaaddiisa

Xamdi raallinimadeeda

Luul raaxa hadalkeeda

Runta ay Ifraax sheegto

Midhka Xiiray loo reebo

Hal-abuur leh rooxaamo

Rag nimaan ilduufaynin

Raadraac aroorkeeda

Danta ay u roorayso

Iyo raasamaalkeeda

rajadaan ka fooshaaye

Murtimaal shidhayntooda

Adigaan ribaynayne

Geli Raage buuggaaga



Affar kalena raandhiiska

Robogbaa la moodaaye

Innta aanad soo roorin

Hubi rooble miisaanka

Ricidhoow sidalagteeda

Haku saxxan rakkaadeeda

Mustafoow run iyo beenna

kala reebdhe soohooda



Rag nin labay nimaaddiisa

Ama reer u xulay saawe

Sida raxan qudhaan fooftay

Dumarkiyo raggu u hiisho

Ruugcaddaa ahoy beeshu

U rax-leyso weedhiisa

Hadii raawi saarkiisu

Raartiyo doc soo dhaafo

Raagiyo bal haystiisa

Sixin rooma laga keenay

Rib habeed ahoo soocan

Rafiiq xumi shil weeyaane

Hadii raqay wadaagoodu

Roga maan waxsoociisa

Anshax raaco sawriira

Kana reebban ooddeena

Iyo dhaqanka raaxeeye

U rabbaysan diinteena

Haduu raabbi deyn waayo

Maatadu rogrogiddeeda

Xanta way ku raagtaaye

Isna warab ruclayntiisa

Kolba raydab soo fuulye

Una dhow ragaadkiisu

Sidii roomad duugoowday

Rarrab uu xar halakeeyey

Rash inuu yidhaahdaaye

Rag nimuu ka xidhay dawgu

Misna raani qoor goys ah

Baashaha u rimiyaana

Raran iyo marraaq duugan

Iyo qodax kusii riixye

Inta riba la doonaysa

Run ha moodo aaloole

Raantiyo u fidhidooda

Iyo daba raxlayntooda

Anna buuni ruuxaygu

Ninna aniga oon raacin

Hebelladan is riixaaya

Roobsheeg casaawiiri

Isu roge gabaareey e

Sabadiyo rugtay buuxdo

Furi maayo reerkayga.

Raran iyo abaar soogan

Dhulka oo habaas raarmay

Rays iyo ugbaad waayay

Hadii Roone soo daayo

Raxmaad iyo gugoo hooray

Ricidhaha haduu saaro

Laga raysay jiilaal dhe

Raanweynta geeduuna

Ubaxiyo mankoo raaran

Rooshaamo hoobaana

Lagu reeb hamuuntiiye

Go aan raaqa duudeena

Kolba ruux in loo daayo

Rabitaanku kala saaro

Mayalkaaga raartiisu

Rag nimay u laacayso

Uma bahna raasqooje

Rakuub inuu u fuulaaye

Maxaw diiday rooxaani

Rabbi inuu saraw tuugo

kana sugo raxmaankeena

Sadkan raaxada u diiday

Waxan taa ku rooxeeyey

Hadaan eedi raacaynin

Ridda fulay ma naafayso

Raqduu aarka moodaaye

Raha ciyay adoon qoonsan

Maxaan kaa raseeyaa dhe

Affartaa riyaaqooda

Haku raago caynaane

Riddadiyo abbaartayda

Maygaag raxayntiisa

Rakkaduu siciid saaro

Iyo maanyo reenkiisa

Saadiyo rablaynteeda

Murti reebta raad fiican

Beeneey run weeyaanta

Foosiyi ku raadjoogto

Hal abuur leh rooxaamo

Rag nimaan ilduufaynin

Raadraac aroorkeeda

Danta ay u roorayso

Iyo raasamaalkeeda

Rajadaan ka fooshaaye

Murti kala rasaynteeda

Geli raage buuggaaga

Affar kalena raandiiska

Robog baa la moodaaye

Innta aanad soo roorin

Hubi rooble miisaanka

Ricidhoow sidalagteeda

Ha ku saxan rakkaaddeeda

Mustafoow run iyo beenna

Kala reebdhe soohooda

Dadku rixin wadaag weeyi

Rajo iyo agoon weeyi

Ratti iyo haluu daajo

Idihiyo riyaa soofa

Raaf weyn lo oo deeqa

Risiqoo barrow hiirta

Raffaad iyo ku tiigaala

Nololbay ku raadshaane

Raaxadoodu nabad weeyi

Hadhac ay ku raystaane

Rabsho iyo nin buubaala

Rash ma qaadi karayaan dhe

Ka u roon dantoodaanay

Cod ku raaci doonaane

Taladiyo ramaadkeeda

Raraygii u muraaqooday

Ruux iyo inuu gooyo

Ama riiq ku naafeeyo

Rimaydaasi beerqaaday

Ku rakkaabto hiinraaca

Berritana la raaxaysto

Raggii uuygu dhidhinaayay

Kolba ruux dantay moogi

Raashin meel ku wada siiyo

Uma baahna raaskeenu

Ra ayi foosha diihaale

Shaki raaran beerkiisa

Iyo laab ruqaankiisa

Haduu rooble aw aadan

Ruun iyo dumaasheeda

Boolida ku raadceeyo

Tala weeyi rooyaane

Waxan taa ku reebaana

Xakamaha ku ruugaa dhe

Hadii raabbi qiilkiisu

Ri uu gees ka ridi waayay

Rabbi iyo ragbaa jooga

Rixin goys ma liibaano

Ratti heerya cuna weeyi

Maalin ruugga lays aastay

Fule libini may raacin

Danta raacataw soogan

Ridda weecsan kii tuura

Ruqasha aan kasoo doogay

Lama jaman raffaadkii dhe

Tala uu riyaaqeedu

Sida roobka noo maydho

Maxaan ka raseeyaa dhe



Affartaa riyaaqooda

Haku raago qoorgaabe

Riddadiyo abbaartayda

Kaynaan rogrogiddiisa

Badeed raadca reebtiisa

Canbalaashna raartiisa

Rugta uu ka maansoodo

Raan ina mataanoowna

Rimi awlaxaagiidhe

Hakaa reebto qaantiiye

Murti runa sandheeroowna

Ha umiyin rakkaynteeda

Hal abuur leh rooxaamo

Rag nimaan ilduufaynin

Raadraac aroorkeeda

Danta ay u roorayso

Iyo raasamaalkeeda

Rajadaan ka fooshaaye

Murtimaal shidhayntooda

Geli raage buuggaaga

Affar kalena raandhiiska

Robogbaa la moodaaye

Innta aanad soo roorin

Hubi rooble miisaanka

Ricidhoow sidalagtaada

Ha ku saxan rakkaaddeeda



Mustafoow run iyo beenna

Kala reebdhe soohooda



Ninku yidhi rafiiqiisa

Intaan dunida rooraayay

Wixii mood isoo raacay

Amaan reer kusoo qaaday

Marna eexdu ii riixday

Malkadaan ku raad joogay

Raar sare hadaan fuulay

Anigoon asaag reebin

Nimcaday rudhaayaanna

Raysma gaadhaday qoynin

Kursi iigu hilan rayfal

Anoon iilka lay riixin

Uma dabanin rayigayga

In riyaaqu kaa keeno

Raarta iigasoo daadag

Figtan aan u raamaystay

Rooma kaama siisteene

Riyo yaanay kuu dhuubin



Waxaan raafle loo sheegin

Rag inuu is gurayaaye

Madaalahan rummaan toobe

Maxaan kaa raseeyaa dhe



Rati guunahoo qooqay

Raray sibiq la buubaalay

Roob da ay naquu goostay

Haduu raari saac oogay

Rujiyoo uu isku aadkiisa

Taran raadiyuhu kiilay

Misna raxan itaalkiisa

Ruun baacsan kari waayay

Rooxiyo bildhaanteeda

Roorsiga orgoodkooda

Markuu reerihii dhaafshay

Baarqabkii ku raadjoogay

Ricidhaha haduu gooyo

Ama rudho sibaraa daawad

Ama daro ku riiq gooyo

Doob iyo rakkaad jiiba

Raqda uu ka guud yeedhsho

Rajadiisu waa xeefe

Haddaan roone caynaanin

Dhuun yeedhis reen gaabta

Birtaa lagula rooraaye

Ninka ruubtay qooqaamo

Ama dabin la galay raafka

Galabnool is rogiddiisa

Kolba raar ka tookhiisa

Maxaan kaa rumaystaa dhe



Raja li ida daaduunka

Rubad go a colmoogtaadu

Duniday raffaadsheene

Badahay ku riiqmeene

Xilka ruux dumaaloowba

Eed qaaday riiraashe

Waxad reebtayoo duuga

Maxaan kaa raseeyaa dhe



Kala rogasho waa foofe

Adigoon u ridin faalka

Xiddigaha ristood baafin

Rayigaan axadhidiisa

Lagu raagin fooshiisu

Miyirkuu ragaadshaaye

Inta aan riyaaqaaga

Sida layligii raasun

Riddada aanu kaa boobin

Raashimi aqoontaada

RAADRAACNA kuu loogan

RAASAMAALNA ii raaci



Dhammaad.



Waa Curintii Abwaan Maxamuud Sheekh-C/laahi-Maaray (Gabyaaye). Oo Wakhtigan ku Sugan Hargeysa, S/land.

E-mail: mxmud-gabyaye@hotmail.com





Waana Tebintii iyo Isku-dubaridkii C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abu Hurayra).

Salaanmuctasim@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland