Waa Maqaal Ku Socda Shacabka Qaaliga Ah gaar Ahaan Reer Togdheer Ama Reer Burcoba

 

 


Beelaha walaalaha Ah Ee Reer Burco Waxaan
Leeyahay Godabta iyo Gafka Shisheeye Idiinka
Galo Waad Saamaxdaan Oo waanad ku Saxsantiin
Waayo In laysa Saamaxo Ilaahay Ayaa Jecel
Ee Tiinu Reer Sheikh Isixaaqaw Ma Luubaanbaa
Mise Waa kaftan waxanoo Tawtaw Ahi
Waar Isa Saamaxa If Iyo Aakhiraba
Idinkaa Dadka Isugu Xiga Oo Isku Dana Oo
Isku Deegaana Oo Ilaahay Iskiin Badaye kala
Xishooda.By Abw Sidiiq Sh Farax Gabaar,



Marka Hore waxaan Salaan Qaaliya Ku salaamaya Saxaafadayada Sharafta Leh Iyo Dhamaaba Shacabka Qaaliga Gudaha Iyo Dabadaba Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu.Baxda

Waxaan Rabaa Maqaalkan Inaan Waxoogaa Canaanto Beelaha Walaalaha Ah Ee Burco Wada Daga Marka Hore Wxaan Leeyahay hadii Shisheeye Godob Idinka Galo Waad Saamaxdaan Waana Ku Saxsantihiin Waayo In Laysa Saamaxo Ilaahay Ayaa Jecel Waana Wax wanaagsan If Iyo Aakhiroba Adigay Kuu Wanaagsantahay Oo Ajar Iyo Xasanaad Laguugu Qorayaa.
Is Xaq Dhawra Oo Ummada Aynu Gacalka Nahay Iyo Qaraabadana Ixtiraama Ee Inala Deegaanka Ah Oo Xishooda Reer Sheikh Isixaaqaw,

Hadaba Waxa Aan Indhawaydba Aan Arkaayay Maqaalo Aflagaado Iyo Hadlo Qalafsan Lagu Soo Qoraayay Oo Aanan Run Ahaantii Jeclaysan. Oo Warbaahinta Iyo Saxaafadaba Si Xawliya Usoo Galaayay Hadaba Anigu Talo Wxaan Soo Jeedinyaa
Tusaale Idiin Noqota Oo Qusaysa Dhamaanba Beelaha walaalah Ah Ee wada daga Togdheer Iyo Nawaaxigeeda waxaan Leeyahay Marka Hore Wxaaad Ogaataan Raganimadu Inay Tahay Masuuliyada Guud Iyo Ta Ilaahay Aduunka Uu Umada Masuulka Uga Dhigay Waa Rag,Hadaba Ragii Ilaahay Aduunyada Masuulka Uga Dhigay Oo Waliba Isku Faamiliya Oo Isku Cida Oo Isku Deegaana Oo Ah wax Ilaahay Loogu Mahd Naqo .Ayaa Maanta Marba Cuqdad Iyo Cay Isu Soo Marinaaya Saxaafada Waa Wax laga Xishoodaa.Waxaad Ogaataan Inay Ummda ilaahay Idinla Yaabantahay. Hadab hadii Aad Dhalinyaro Tihiin Iyo Hadii Aad Waayeeltihiinba Qoliyahiina Saxaafada wax Ku Soo Qorqorayaa waxaan Idin Leeyahay Xishooda Oo kala Xishooda oo Ilaahay ka Xishooda Oo Xigaalka iyo Qaraabadaba Ka Xishooda oo Is Xaq Dhawra Oo Wakhtigiina Qaaliga Ah Ummada Uga Faa Iideeya. Ninka Yidhaahda Reer Ayaan Nacayaa Ama Aan Necebahay Waa Nin AaN Masuul Aahayn Masuuliyadana Aan Qaadi Karin.Waana Nin Ciil U Dhimanaaya,Waayo Reerku Qof Iyo Laba Midna Maaha Waa Neeshin Markaa Subax Walba Waad Iska Hor Imaysaa Tol Aaad Tihiin Ilaahay Tol Isku Tolan Haydinka Dhigo.Waxaan Idiin Sheegayaa Dhakhtarka Iyo Bakhaarka Alaabta Jaban Iibinaaya Ee Galbeedka Burco Ama Bariga Laga Furo Waa Guul Idiin Soo Koradhay Halkaad U Radsan lahaydeen Magaalo kale Hadii bari Ama galbeedka Laydiinka sameeyo Meherad Ama Dhakhtar Ama Skuulba Waxaan Filyaa waa wax Gobalak Iyo Bulshada Dagta oo Dhan An Facaaya Ee Waxaan Idiin Sheegayaa Beelaha Walaalaha Ah Ee Xooga waawaynoow. Maatada iyo Bulshada u Faa Iideeya Oo Dawladan Ka Faa Iidaysta Oo Magaalooyikiina Waxa Anfaca Idiin Leh Soo Ban Dhiga Oo Mashaariic Qaata Oo Gobalka Iyo Guud Ahaanaba Somaliland Dhisa Ilaahay Dhamaantiinba Xaqa Haydi Garansiiyo Beerkiinana Ilaahay Burcad Haysu Mariyo Aamiin. Fadlan Joojiya Maqaalada Aflagadada iyo Cayda Iyo handadaada laysugu Soo Qoraayo. Dad wada Dhashay Oo Xigto Ah walaalo Ah Oo gacalaa Tihiine Kala Xishooda,Oo Is Jeclaada Ilaahay Haydin Jeclaadee, Somaliland hanoolaato Soomaliyana Ilaahay Dhibaatada Haka Dul Qaado Aamiin

Wabilaahi Tawfiiq Ilaahay Ayay Mahad Gaara Iska Leh Alxamdulilaahi Calaa kuli Xaal,
 

 

 

 

By Abw. Sidiiq Sh Farax Gabaar
Oslo Norway
Gaashaan_1986@hotmail.com