Waa maxay Maansada soomaaliyeed, Ma Gabay baa mise waa Geeraar?

 


Marka hore, waxa aan halkan uga dirayaa hanbalyo, Mareegta Hadhwanaagnews, oo noqotay hormoodka Suugaanta. Waa hubaal in ay dadka soomaaliyeed aad u jecelyihiin Suugaanta. Inkastoo aanay suugaantu, keliya ahayn Maanso la tiriyo, ee hal-abuurka sheekadu ay ka mid tahay suugaanta, balse inta badan Maansada ayeynu la xidhiidhinnaa Suugaanta. Intaa dabadeed waxa aan aad iyo aad ugu hanbalyeynayaa dhallintii/Waayeelkii soo bandhigay Deelleydii dhowaan ka bilaabantay “Hadhwanaagnews”. Maalmahanna aad mooddo in ay u sii diga-roganayso Shiinley. Intaa dabadeed, aan u soo daadego dulucda qoraalkani xanbaarsanyahay.

Mar haddii aanay qornayn Sugaanta soomaaliyeed, oo aan la helin qoraallo innaga haqabtira qaab-dhismeedka Maansada ama guud ahaanba Suugaanta. La yaabi mayno haddii aynu kala garanweyno Gabay iyo Geeraar, Jiifto iyo Masafo. Intaynaan guda gelin kala duwanaanshaha Maansada, waa maxay Maanso, halkeebay ku aroortaa. Marka hore waxa aynu u adeegsannaa wax kasta oo leh habdhac iyo xaraf la raaco. Haddii aan halkaa ku yara hakado waxa aynu odhan karnaa Gabaygu waxa uu ka mid yahay Maansada. Sidaa darteed haddii la yidhaahdo hebel waa Maanso-yahan, macnaheedu ma aha waa Gabayaa. Waxa uu noqon karaa Geeraaryahan. Is weydiintu waxa ay tahay maxaa Maanso kasta loogu magacaabaa Gabay “Inta badan” waxa la odhan karaa gabaygu waa Odayga Maansada.

Bal aynu u fiirsanno Maansadan uu tiriyey Ilaahay ha u naxariistee Cali Jaamac Haabiil. Markii loo sheegay geeridii Xirsi. Waxa ka mid ahaa Maansadaas:

Geeridii Xirsey sheegayeen, gacal ha waayeene
Abidkii rag waa go’I jiree, tanise waa gaw’e
Gabbal baa u dumay, reerihii geliga Booc yiile
Lix hal oo u wada gaar ahaa, goconayaa mooyi.

Sidii tuducyadu isugu xigeen umaan qorin, waxaanse uga socdaa. Maansadaasi ma Gabay baa mise waa Geeraar. Waxa aynu si fudud u odhan karnaa waa Gabay. Waayo waxa aynu garanaynaa habdhaca Gabaygu leeyahay. Waxa kale oo jira qaabab kale oo lagu garan karo. Haddii aad u sii fiirsato waxa aad arkaysaa in Gabaygu uu leeyahay laba qaar oo siman, oo tusaale ahaan ”Geeridii Xirsey sheegayeen”, waa qaarka hore waanaad ku nasanaysaa, markaasaad raacinaysaa ”Gacal ha waayeene”, oo ah qaarkii danbe. Dadka aqoonta Gabayga u sii dhuundaloolaa, waxa ay u kala qaybiyaan Hoojis iyo Hoorris. Tusaalahan kale ee Gabayga ah u fiirso. Waa Gabaygii ”Macaan iyo Qadhaadh” ee uu tiriyey, Qaasim Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee.

Dacartuba mar bay malab dhashaa, muudsataa dhabaqe;
Waxaan ahay macaan iyo qadhaadh, meel ku wada yaalle.
Midigtaydiyo bidixdaydu waa, labo mataanoode.
Midi waa martida soora iyo, maato daadihise.
Midna waa middiyo xiirayiyo, mur iyo deebaaqe.
Masalooyin talantaalliyaan, maandhe leeyahaye.

Waxa aad garan kartaa sida ay isugu egyihiin Gabaygii hore. Marnaba ma odhan karno waa Geeraar ama waa Jiifto. Haddii aynu ku tilmaanno Gabygaas Jiifto, waxa aynu isku qiraynaa in aynaan kala garanayn Gabay iyo Jiifto. Laga soo bilaabo xilligii uu bilaabmay fanka soomaaliyeed waxa sii dhimanayey Gabaygii soomaaliyeed oo waxa suuqii ka saaray heesta ama heellada oo la soo baxday dardar cusub. Waxa aynu odhan karnaa kontomaadkii ilaa lixdamaadkii waxa soo xoogaysanaysey heesta soomaaliyeed. Gabayguna waa uu sii daciifayey. Inkastoo la odhan karo waxa uu xoog ku lahaa dhankii halganka, waa marka aynu jalleecno Gabayadii Cabdilaahi Suldaan Timacadde, Cabdi Iidaan iyo Axmed Ismaaciil Diiriye ”Qaasim”. Laakiin ma dafiri karno sida ay xilligaa u xoogaysatay heesta soomaaliyeed. Haddaba waa maxay Heestu? Way kala duwanaan kartaa marka Maansayahanku uu sii kala dhigdhigayo, balse waxa aynu ognahay in aan Gabaygu suuqbadan ku lahayn heesta Muusigga la saaro ee reer Magaalku dhegeysto. Sidaa darteed suuqii magaalada wuu ku dhexdhintay Gabaygii. Waxa aynu soo tilmaannay in uu Gabaygu ahaa Madaxa Maansada soomaaliyeed. Mar haddii Gabaygii sidaa noqday, waxa aan dhiman magacii Gabayga oo ilaa maanta aynu u adeegsannaa si qaldan oo tusaale ahaan Jiifto ayeynu ku sheegaynaa Gabay.

Jiiftada laftigeeda ayaa loo sii kala abtiriyaa, waana waajib in la kala barto Maansada soomaaliyeed qaybaheedda. Qasab ma aha in aad tahay Maansa-yahan, waxaase lama dhaafaan ah in aad wax ka taqaanno Maansada soomaaliyeed iyo qaybaheeda. Masafooy maxaad tahay, taa aan u dhaafo Maansayahanka soomaaliyeed, balse Geeraarka oo aad loo jeclaa ayaaba ka hor dhintay Gabaygii. Geeraaroow maxaad tahay. Adigoon meel dheerba ka doonin, aan soo qaadanno Geeraarkii caanka ahaa ee ”Kaana siib kanna saar” ee uu tiriyey Ilaahay naxariistii janno ha siiyee, Cabdilaahi Suldaan Timacadde.

Ka siddeetan sabaan
Calankaanu sugaynaye
Sahankiisa ahaynoow
Seermaweydo hillaacdayow
Saqdhexaanu ahayne
Kii soo saaray cadceeddoow

Waxa aad si fudud u arkaysaa, in dhismaha Maansadani ka duwantahay labadii Gabay ee hore. Marka aad codka maqlaysana waa kala jaad Gabayga iyo Geeraarku. Waa hubaal in dad badan oo aqoon dheeraad ah u leh qaybaha Maansada soomaaliyeed ay jiraan, balse aanay fursad u helin ay innoogu soo gudbiyaan. Ujeedada qoraalkani waa in ay aqoonyahannadeenna u dhuundaloola qaybaha Maansada ay inoo soo bandhigaan qaababka Maanso ee jira. Si aanay u dhicin in Gabay aynu ku sheegno Jiifto ama geeraar aynu ku tilmaanno Gabay. Maalmahan waxa ka socotay Hadhwanaagnews Silsilad Maanso oo loogu wanqalay ”Deelleey” waxa ay u badnayd Jiifto oo gabaygu wuu ku yaraa. Haddana waxa aad arkaysay Jiifto lagu magacaabayo Gabay.

Si aanay taasi u dhicin aynu kala baranno Maansada Soomaaliyeed aqoon ahaan. Inta aan ka xasuusto qaybaha Maansada soomaaliyeed waxa ka mid ah: ” Gabay, Geeraar, Guuroow, Saar, Masafo, Jiifto, Buraanbur iyo qaar kale oo badan”. Waxa kale oo jira xaraf raaca Maansada oo aan isku mid ahayn tusaale ahaan, haddii laga Maansoodo xarafka Y waxa yaraanaya erayada la adeegsanayo. Haddii Shiinka laga Maansoodana waa ay yaraanaysaa erayada laga unki karaa. Haddii laga bilaabo Maansada xarafka D waa hubaal in laga helayo ereyada soomaaliga ereyo aad u farabadan. Sidaa darteed waa imtixaan kale oo laga rabo in uu Maansayahanku ka gudbo. Xarfaha oo la kala doortaa, waa qayb ka mid ah dhismaha Maansada iyo sida uu Maansayahanku ugu helo ereyo uu ka taxo Maansadiisa. Ugu danbayn waxa aan jeclaan lahaa in aan ku soo afmeero qoraalkan. Waar yeynaan Gabay ku sheegin Jiifto, Geeraarna yeynaan ku sheegin Gabay. Dhanka qoraalkana aad ha loo hufo oo ha la haadiyo marka la qorayo Maansada. Waxa dhici karta Maanso aad u dhismo fiican in lagu calaaliyo oo lagu dilo qoraalka. Dadkuna waxa ay akhriyeyaan waa qoraalka oo ma agjoogo qofkii tiriyey, dhegeysina ma aha. Sidaa darteed, qoraalka aad ha loogu fiirsado oo qofka u soo gudbinaya Mareegaha ha saxo higgaada, hakadka, joogsiga.

*Haddii uu qalad ku jirro qaabka sharraxaadayda iigu soo dir emailka hoosta ku qoran.

Gacanlibaax2001@yahoo.se
 

 


Nabad iyo caano


Sayid Maxamed Yuusuf
Sweden