Waa Qodob Distooriya In Rayaale Aanay Cidi Kula Tartami Karayn Xisbiga UDUB Gudahiisa

 

Waxa wax lala yaabo noqday qaylada ka soo yeedhaysa dadka qaarkood, kuwaasi oo ku beegsanaya in ay abuuraan mawjad siyaasadeed oo la doonayo in khalkhal lagu galinayo shirweynaha soo socda ee xisbiga tallada haya ee UDUB. Garabyada siyaasada iyo mas'uuliyiinta xisbiyada ayaa maalmihii ugu danbeeyay shiday shamaca arrintan, ka dib markii ay murashaxnimadooda oo tartanka jagada murashaxiimada madaxweynenimo ee xisbiga UDUB dhexdiisa ay ku dhawaaqaan xubno ka tirsanaa xisbigaasi, kuwaasi oo indhawayd aanay isku wanaagsanayn saaxiibadooda hogaamiya xisbiga.


Haddaba dhawaaqa ka soo yeedhay xubnaha horey uga tirsanaan jiray xisbiga tallada haya ee UDUB ee wakhtigana u sharaxan marashaxnimada u tartanka madaxtinimada dalka, ayaa dhaliyay doodo aad u xiiso geliyay dadweynaha reer Somaliland, kuwaasi oo ay qaarba si u faaleynayeen mawduucan.


Rayal-caamka dadweynaha reer Somaliland, ayaa ku kala aragti duwanaa xaajadan, iyadoo dadka qaarkii ay ku doodayaan in aanay cidina xaq u lahayn in ay jagadan xisbiga dhexdiisa cidiba kula tartanto Madaxweynaha haya tallada dalkan wakhtigan xaadirka ah.


Dadka fikirkan qaba ayaa intooda badan arrintan saldhig uga dhigaya masalo-sharciga, taasi oo ay soo xiganayaan qodobo ka tirsan distoorka qaranka.



Faaqidayaasha arrintani waxa ay fikirkoodani ku salaynayaan qodobka distooriga ah ee sida cad u qeexaya in madaxweyne kasta oo xaq u leeyahay in uu qabto jagada madaxtinimo ee qaranka laba door oo keliya, taasi oo ay ku micnaynayaan in aanay cidiba kula tartami karayn madaxweyne la doortay in teraamka labaad uu isa soo taago iyo in kale xisbigiisa gudahiisa.

Sidoo kale waxa dadkani ay ku doodayaan in madaxweynaha la doortay mar uu jagadiisa ku waayi karayo oo keliya qodobka distoorka ku cad ee 86aad ee u dhigan sidan:-



Xukun denbi ah oo xilka lagaga xayuubiyay
In uu is casilo
Hawlaha oo uu caafimaad daro u gudan kari waayo.
Geeri, balse aanay jirin qodob kale oo uu xilka ku banayn karo madaxweyne la doortay mar oo aan ahayn in uu jagada ku waayo codka dadweynihii horey u siiyey kalsoonidiisa.
Kuwa aragtidan qaba waxa ay aaminsan yihiin in maadaama madaxweynaha tallada haya ay doortaan shacbi-weynaha dhamaan gobolada Somaliland in uu xilkiisa ku wayi karo oo keliya codadkii uu ku yimid kuwo la mid ah, balse aanay gole dhexe oo ah tiro ka tirsan xisbigiisa ka baajin karin in xaq uu marka labaad distoorku siiyey ka faa'iideysto oo uu isu taago madaxtinimada dalkan.



Faaqidayaasha arrintan ka soo horjeeda, ayaa iyagu aaminsan in qodobkan distooriga ah oo ah kan 88-aad ee distoorka qaranka xubintiisa 2aad in ay cadaynayso oo keliya in qofina aanu xaq u lahayn in uu xilka qabto laba jeer wax ka badana balse aanu cadaynayn sida uu ku imanayo marka labaad in uu u tartamo xilka, iyadoo dadkani ay intaasi ku darayaan in golaha dhexe ee xisbiga xaq u yeelanayo la xisaabtanka madaxweynaha oo haddii ay u arkaan in murashax ka taagan labada xisbi kale uu ka helayo marka la eego odoraska dadweynaha ay ka codsan karaan in uu fursad siiyo qof kale oo xisbiga ka tirsan, kaasi oo la malayn karo in uu kalsoonida shacbigu u hayo xisbiga wax ka bedeli karo.



Maaha dadka arrintan ka doodayay kuwo ku kooban oo keliya labadan fikradood, hase yeeshee waxa jira qaar kale oo iyagu qaba in ay cadaan tahay in madaxweynaha maanta haya tallada dalka uu fursad u haysto in mar labaad uu si weyn ugu guulaysto tallada dalka marka uu la tartamo labada murashax ee ka soo jeeda labada xisbi ee Kulmiye iyo UCID oo ah, kuwii uu horay uga guuleystay, halka kuwo kaleba ay aaminsan yihiin in Siilaanyo iyo Faysalba cidi ka qaadi kari wayday in ay soo taagaan murashaxnimada xisbigooda, iyadoo la ogyahay sida ay ku soo baxeen. Marka laysku soo xooriyo doodda dadweynaha reer Somaliland, isla markaasina la milicsado hab-dhaqanka dalalka kale ee aynu isku nidaamka qaadanay waxa cad in aanay jirin cid madaxweynihii ugu danbeeyay ee Maraykanka madaxweyne Buush kula tartantay gudaha xisbigiisa xilligii uu u taagnaa murashaxnimada madaxweynenimo ee teeramkiisii labaad, sidoo kale madaxweynihii ka horeeyey ee Bill Clinton.

Si kastaba xaalku ha noqdee waxa muhiim ah in aanay cidina isku hawlin u tartamida mawduucan ee xisbiga UDUB dhexdiisa, balse laga fikiro mawduucyo kale oo muhiim ah sida cida xisbiga uu u xulan doono madaxda kuwa tallada haya wakhtigan ka danbeyn doonta.
 

 




Mustafe Cabdi Ciise [Shiine]