Waa sheekadii dumar waa ninkeed bila iyo ninkeed biiya- Qaybtii Sideedaad




 

Haybe isagoo awalaba isku qoomamaynaayay guurka uu  gu ursaday xalan ayay hadana udhici wayday waxuu  filanaay ay ee guurka minyaronimona ku kalifay oo murugada iyo ma dawga wajigiisa saaran malayn maysid gabadhiisi xalan oo marka horeba udhalatay jil jileec ayay basarinimadeedi mid kale ugu biirtay oo markay inantii yarayd dhashay ayay ka bixi wayday marmarsiinyo ilay horaa looyidhi

“anigoo aabahay laliita ayuu aabahayna aabihii keenay”  Xa lan waxay iska weeciso hadalkeedaba daayo waxay awoodi kari wayday intay  in anta yar malada kamaydhayso markay dharkeedi ku idlaysay ayay usoo  degsat ay dharkii ninkeeda haybe oo kolba shaadh sooqadaa oo maladii kaga dirtaa  ina ntii yarayd islamarkaana ku uruurisaa docda aqalka dharkeedi,dharkiisii, iyo kii inanta yar oo malo iyo kaadi isugu biirtay labanafaaya.hadaba, shaadhadh kii iyo dharkii dhadhawaa markay dhamaysay waxay usoo jeesatay cumaamadiihii, goy aashi iyo macamusihii abu sarandaha ahaa ilay waa nin suldaane waxa uu caado ulahaa inuu ku xaragoodo dhar qurxoon, sahaalo wixii horeba abusarandihii iyo shaalkii waxaa udanbeeyay malo iyo kaadi ,macawista abusarandaha ah way  ug oglijirtay shaalkana way ubarkin jirtay.hada waa maryuhuu suldaanku ku  tegi jiray shirarka.

Markaa suu haybe yimaadaa gurigii oo ka qadhmuun qaadh waxareed intuu mad axa gacmaha saaro ku yidhaahdaa “naa dharkaygii maxaa meesha tuulay” mark aasay kutidhaahdaa war gon gon biyii mayaalin inantii yaraydna waxan  ugoglo na waan waayay ee anigaa inanta ugoglay kuwagi iyo kuwaygiiba .

Haybe ayuu hadal ku gudhay oo intaanu jawaab ucelin xasuustay dahobo siday odhanjirtay maryihiisa iyo halkay rarka kaga xidhijirtay oo ahayd gurada aqalka waxaanu haybe ogaaday inuu nabsigii dahabo hayo oo habeenka ama maalmaha uu ka maqanyay dayac iyo darxumo aanay waxaba ugu dhinayn ilay horaa looyidhi

“nabsi xaabo kuday”haybe waxa uu dhexda farta ka qaniinsanaadoba  minyaradi isi ayaa da’dii labaad udhashay wiil kadib murugadii badnayd baa kayaraatay oo waxa uu ku ilaaway wiilka yaree udhashay, Haybe waxaa ku dhacay waxaanu filanayn waayo horaa looyidhi

“dhubuq dhubuq hore dhabano hays danbay leedahay” waxanu noqday shinbir af libaax gashay ninki haybe faraxadii, taladii, majajiladii midna loogu soo hagaagi maayo waxaaso dhamina waxay isu badaleen cadho iyo war warbadan waxaso dhana waxa ugu wacan gabadha danbuu guursaday oo wax kastaba u  dacaray ay ilay horaa looyidhi

“marwo hadalxun maangaab ninkeed maqashaa dhaantee” laakin tani midnaba uma wanagsana haday noqoto ninkeeda,ubadkeeda,tolkeeda iyo xidkeeda midna umaroona gurigeedana uma roona oo markaad gashoba suunaadh kululbaa  kaa so galaysa, haybe wuxuu gabadhan kudoortay quruxdeeda ilay horaa looyidhi dumarka waxaa lagu doortaa afarshay miduun markaad guursanayso diinteeda, maalkeeda, nasabkeeda iyo quruxdeeda.

Waatuu haybe kudoortay Xalan Kama buu fikirin inay dhaliil yeelandoonto ilay horaa looyidhi (Allahayow nimaan wax ogayn hacadaabin) haybe waxaa uu isku qoomameeyay guurkii Xalan markuu xasuusto maah maah da tidhahda sadex way kuhodaan hilaacbasari, hogalxagaa iyo hadh subaxeed.

Intaaba xalan waxaa udheerayd dudmada ay markasta dudayso ee ay rerkoodi ku guryo noqonayso iyadoon waxaba ka sheeganaynin haybe waxayaabaha uu niyad jabka kaqaaday waxaa kamid ahaa habaar badnaanta ay habarayso isaga iyo caruurtaba intaaba waxaa kasii darnaa xoolaha mayeedhanka ah ee ay  hab arka ku yoohinayso, habeen iyo dharaarba mar ale markay istidhaahdo soolis xoolaha ee ay gasho xerada adhiga ayay markay laxda ugu horaysa lugta qaado ee kuwa kale mid kamid ahi ku joogsadaan ayay kuhabaari jirtay caydh laydinka baxyoo xero hagalina oo buqul laydinkama buuxiyo, meel aad raad dhigteen  indh aha lamasaaro, waraabe idinlaa, marka uu haybe intaa maqlo ayuu soo boodaa oo isyidhaa malaa wax kala helay markuu kuyidhaahdo

“maxaa kugu dhacay ee aad adhiga uhabaraysa” ayay ucelisaa “waar nagadaa hadalkaaga habar iyo alalaglaynine” kadib niyad jabkuu qaado subaxaa afurada wuu katagaa si uu uga indho qarsado hadalxumadeeda, marka uu qadada kusoo laabto guriga ayuu u imanjiray iyadoon wali dhariba dab saarin oo afuufaysa dabkii markay aragto ayay waxeedi xilka lahaa dabaalataa oo ku bilawdaa dabkii kutidhaah daa markay istidhaa afuufba bakhti oo biyo lagugu shub,intay  xaaba da kuwa yaryar masaartee dogobyada toban toban dusha isaga saarto  lexejec lo xumo ageed oo tidhaah daa “OH iyo HOHEEY LAMA SHITAANKAN” markay  dha riga dabka sartana lagu go’ani miyaanu bislaanayninba,markay kaqaadana  lagu ma cunoo laguma calfado, intaa haybe wuu eegayaa uun oo wax inuu  yaabs  an aado ay kudhaantuu garan waayay iyaduna kamadayso ee way  lamarags ataa, haybe wuxuu dhabanada gacanta ku hayaba waxaa uu gaadhay go’aan ah inuu katashado minyaradiisan kilkilisay.ee maskaxdiisina min guurisay.

La soco qaybta 10 aad……………

 

 

 

Qalinkii Nuura Maxamed Cali
Nuura_happy@hotmail.com