Waa sheekadii dumar waa ninkeed bila iyo ninkeed biiya- Qaybtii Lixaad

 

Haybe amakaaga ayuu u go’ay hadaladan murtididu ku  dah aadhantahay ee ay marwaadiisu ku tidhi wax alle wax uu ku hadalana wuu garan waayay foor fooroorsi uunbaa kasoo  ha dhay waxaanu meer meeriyay madaxa markay aragtay  daha bo sidan uu wajigiisu isu badalay ayay ku tidhi waxan aad  ma anta liqi kari la’dahay ii sheeg ee kaa degi la kadib arintii buu indho isku qabad ugu sheegay oo ku yidhi  dahab ooy waatan suldaanka layga dhigay mudadana aan ahaa ninkuna markuu xilqaado cadawgiisa badan oo garabuu ubaahanyahay oo aabahayoba anagaa garab u ahayn garbkiisina waa kaa markuu dhintay muuqday markaa marwo waxan doonayaa inaan minyaraysto oo aan guursado si inamo iigu dhashaan oo aan garab u helo waayo adigu waxaad haysataa afar hablood oo garabkaagiiya laakin anigu mahaysto hal inaan oo garabkaygii ah sidaa daraadeed waxaan  doo nayaa inaan guursado gabadh inamo ii dhasha si ay adigana garab kuugu  noqd aan hadaan kaa horeeyo illaahay inama kala horaysiiye. Anigana iigu noqdaan garab oo markaan dhintana ay xilkayga ula wareegan sidii aabahay aan ula  war eegay xilkiisa hooyadayna aan garabka ugu muujiyay.ee marwo waxad tahay qofka kaliyeen la tashado waxna ka maqol ee kawaran arinkaas?.

Dahabo oo hinaasi durmarku kamuuqdo oo ilba footari leeg tahay ayaa afaafkii aqalka isa soo taagtay oo ninkeedii indho kulul ku eegtay oo aanay waligeedba ku eegin hadaladii afeefta ay kasii dhigatayna xeerinaysa ayaa ku tidhi “haybow hablaha iyo inamadaba ilaahaybaa bixiya maad iska dayn guurkaa Tiiyo diidan inay tidhaahdo guurso ayay hadana sii raacisay aniga waxba iga dhimimayso wax shiddo ahna iguma hayso inaad guursataa ee adigay kuu darantahay  waa yo horaa loo yidhi nin laba naagood leh nabadi umasoo hoyan.

Waa runtaa oo marwo anigu marnaba ma helaayo afo adiga kula mid ah balse  a nigu adiga xagaaguun baan ahay haddan guursado iyo hadii kaleba waxaa  layi d hi Nin meeli u cadahay meeli ka madow ee isaga waxaa u caduun inuu  minya ray sto.

Dahabo markay aragtay inuu madaxa karuxaayo oo uu doonaayo inuu guursado kadib waxay kutidhi aniga xagayga fasaxbaad ka tahay ee cidaad doonto guurso haybe haduu meel kasta maro oo uu gabadh kasta doono kola helimaayo gabadh dahabo gadhaysa ama u dhiganta.

Haybe saw waxa uu arkay oo uu niyadiisa ku qufulay inan aad u qurux badan oo meher horena soo martay balse aan waxba dhalin markuu arkay ayuu u bixiyay cirka soodhac ama roobladhac oo ah bahalyaroo qurux badan oo marka cirku  da’o dhulka lagu arkoo oo maryaha deemiska ah u eeg oo cas kadib markuu   ark ay qurxdeeda gabadhan ayuu ubixiyaay roobladhac oo uu calanka kanashiray ilayn ragu maalinba tay arkaanbaa u roobladhac ahe. ayadoo shekaduba  udha nt ahay buu usheegay dahabo bal muxuu guurba ku falidona dahaboo dumarba intaa dheerbuu haystaaye horaa looyidhi nin walba tiisa mooye takalaa la  sadr oon ee waxaa uu ku cayuuqay haybe inuu guursado durbadiiba waxaa uu  kadha adhiciyay inantii inay isguursadaan markii laysla afgartay ilay cidi diidimayso waa haybe oo haybadiisii suldanimona ugu darsantee kadib waxa uu utagay inanta reerkoodii oo ka doonay ilayn waa ninsuldaano waxba kuma baaqanayaan oo horaa looyidhi habar alla bariday xeredeeday ka aragtay waxaa uu la aqal galay inantii roobladhac uu u bixiyay oo magaceda horena la odhan jiray xalan qurux awgeed ayaa noqotay minyaradii haybe.

Markii arooskii iyo alalagtiiba dhamaadeen ayay noqotay xabaal iyo ninkeed loo kala teg waxaa isku soo hadhay haybe iyo afadisii quraxda badnayd ee uu  ubixi y ay roobladhac hadaba tolow roobladhaci maxay noqon oo kaga soo  bixido o na haybe ama uu kafilayaa”?.

Waxay noqotay gabadh siduu ka filaayay iyo si u dhawtoona aan ahayn waayo isagu waxa uu qorshaysnayd inay noqoto gabadh sidii dahabo oo kale ah oo hawlaha gurigeeda maamulata isagana raaligalisa balse waxay noqotay ninkeed iyo gurigeedba biiya oo markii hawlihii gurigeeda lagu wareejiyay ayay noqotay mid xilkii loo dhibay gudankari wayday iyadoo udhalatay basarinimo, taabgaabni, iyo canaadnimo.

Isla subaxdii u horaysay ee ay ismutaan gurigeeda mabay toosine barkintay  dh eeraysatay oo inuu iyada gurigu afka u kalahayaba ma oga, haybe ayaa yaabay oo is yidhi malaa gabadhu waybuktaa markaasu ku yidhi intuu magaceedii  caadi ga ahaa oo ahaa xalan ku yidhi xaajiyo xalaneey saaka miyaad buktaa? Xalan baa tidhi “mayee waan caafimaad qabaa” haybe ayaa anfariir iyo afkala qaad arintii ku noqotay ilayn waxa uu u bartay mahee oo intuu booday dab ka  bulsiiy ay kildhi shaahana dhardhaaray kadib markuu kariyay ayuu kasooqaaday oo iyadana ukeenay ball inay is garato inay hawshii gurigeeda seegtay

Haybe oo sidii dhabanada uhaysta ayuu waagidanbena baryay oo sidii oo kale ku dhacday kadib markuu waydiiyay inay bugto ayay u sheegtay inay caafimad qabto balse ay luloonayso kadib haybe ayaa yidhi “xalneey saaka safradiibaa inagu dilaacdee miyaanaad afuro inoo samaynanay waxaa baan islahaa aad  ma gaalaysatid saakee”

Xalan intaan hadalba kasoobixin ayay inatay ilqoodha ka eegtay ninkeedi ugu jawaabtay hamaansi ilay horaa looyidhi durmarku marka laguursado sadex midbay nodaan.



La soco qaybta 8aad……………..


 

 

Qalinkii Nuura Maxamed Cali
Nuura_happy@hotmail.com
Burco Somaliland