Waa sheekadii dumar waa ninkeed bila iyo ninkeed biiya- Qaybtii Lixaad

 

 

Dahabo oo aanay kaba qasnayn ayaa hawleheedi iska sii wadatoo sodohdii baa ku tidhi hooyo inanta maxaad subaga kala doontay iyadoo eegaysa bal inay garanayso sababta ay inanta yar u marinayso subaga iyo inay  isag aga dhaashiyayso, dahabo ayaa ugu jawaabtay “hooyo waxaan isleeyahay xabkii oo qolfo yaryar ku noqday  ha ka soo fujiyo subagu jidhkana haw kala furfuro” sodohdii ayaa la dhacday sida jawaabta saxda ah ay u siisay  dah abo oo tidhi “Hooyo Alle hakuu siyaadiyo maskaxda iyo garaadka  wanaags an ee alle kusiiyay”.

Dahabo ayaa markay inaantii yarayd kasoo fanjeedisay u dhaqaagday  gur igii oo dhag kasiisay udugna ku budh siisay, iyaduna nafteedii u dhaqaaqdoo iska dhigatay mulaax (maydhaxda galoolka laga diiro inteeda hoose ee jidhifta ka hoosaysa) iyadoo inantii dahabo dhalaalaysa oo korkeeda laga dhaashanayo ayuu haybe soo galay oo soo yara guryo noqday isna yidhi bal umushii kasoo yara warhel widh widhkii wajigeeda ayaa haybe hilaac ku noqdoo marba dhinac kamaray yaab miyaanay dahabo ahayn? ayuu  isway diiyay waxa waliba intaa udheera daho xadhigbaabay soohaysaa oo way iska fadhidaa markay aragtay dahabo inuu yaabanyahay oo hadalba kasoo bixi waayay ayay intay kacday isku duubtay oo dhunkatay ku tidhi xaaji hayaabin waa anigii oo ducadaadii buu ilaahay ii aqbalayo bar maqaboo waanigaa inoo shaqaynaaya ee fidha ah.

Haybe ayaa fooroorsadoo oohin lajeestay waxa wanaagsan ee afadiisu  ush eegtay iyo raali galinta ay raali galisay oo cumaamadiisi ilmo qoysay runtii haybe wuu qalbi jilicsanaa dahabona kaba darayd oo iyana ku dartay waxay ooyaanba mid mid aamusiiya ayaa lawaayay ilayn horaa looyidhi laba isla ooyday isma aamusiiso.

markay oohin dhamaysteen ayuu haybe ku yidhi dahabo ii fadhiso oo caano geel oo lisa ah kuna jiray dhiil aqalka sintiisa qotontay soo qaaday oo  hadh uub si wacan loohogeeyayna ugu shubay kuna yidhi intuu gacantiisa ugu qabtay sida ilama yaroo lahabaayo ii dhan ilahayna inooga bari inaynu  walig een sidan oo kale wax isu dhansiino, dahabo ayatidhi aamin xaaji markay caanihii laasatay ee ay ka higaagtay (dibirtay,dharagtay) ayuu afkii ka tiray oo caanihii kalena dhinac uga weeciyey waayo haybe ma ogolayn inay  gaba dhisu umusha ku gaajooto oo diifi ka muuqato oo sida ay uwado waxa  wac ana ula jeceshahay ayuu isna uwadaa ilayn horaa loo yidhi saddex dumarka waa u balo ugubkoo ul lala dhaco, umushay ku gaajooto, aradku dumarka waa ubalo.

waxay sidii ahaadaanba haybe iyo dahabo oo jacaylkoodu usii kordhaba dahabo waxay udhashay afar da’ood oo hablo afartuba yihiin waxaanay isugu biyo shubatay afo marwo ah oo tolkeed iyo xididkeedba amaanaan ahna marwo martisoor ah oo qofka habeen u hoydaaba dib usoo haybiyo waxay noqotay afo raga kaloo dhami markay maqlaan magaceeda ku ducaystaan iyada oo kale oo ninkeedii kadhigtay geesi warac ah oo joog iyo jamaalba leh illay horaa loo yidhi haweenbaa rag is dhaafshee ninkeeda qayrkii ayay baro dheeraysiisay caruurtana waxay ku odhan jirtay hooyo aabihiin ha ku ciyaarina wuu soo daalay oo inaguu inoo soo shaqaynaayee laakin hooyo markuu aabihiin guriga soo galo dhunkada oo aabo ku dhaha haydinku farxee.

markay inaantiisa afraad caloosha hooyadeed kujirtay ayuu haybe aabihii oo suldaan ahaa dhintay kadib markay geeridii ilaaween ayaa reer tolkii haybe isu soo habar wacdeen oo dooneen inay xilkii aabihii ku wareejiyaan waayo inamadooda oo dhan ninka kaliya ee laga dilo ayuu ahaa kadib waa lawada shiray oo waxaa laysla gartay in xilkii suldaannimo lagu wareejiyo haybe isagoo ahaa nin uqalma xilkan oo hawlihiisa gudankara.

Haybe waxaa uu noqday suldaankii qabiilkooda kadib isagoo mudo afar  bilo od ah haya ayay dhalatay inantiisi afraad wuxuu suldaankii ahaadaba haybe waxaa uu gaadhay wakhti uu suldaanimada hayo saddex sano hadaba  mark uu heerkaa gaadhay waxaa uu ku fikiray inuu ubaahan yahay garab inomo ah markaa waxaa niyadiisa gashay minyarayso isagoo dahabona meel kaga taal hadana waxaa uu u arkay inay lagama marmaantahay inuu  minyaray sto oo damac guur galay ninkii dhamaa ee sacabada lagu sidee hajabin hadhicinta lahayey waxaa uu iska dhaadhiciyay haduu guursado In inamo garabkiisa ahi udhalan doonaan kadib waxaa uu isku dayay inuu usheego dahabo oo uu reerkooda ka qariyo.Waayo dahabo tolkii oo dhanbay u  tirs antahay oo jeclaa waana qofka kaliya ee uu haybe latashado waxna  kama qlo oo afadiisa dahabo waa dadba ka wacan wax maskaxdiisii  mashquuls anaataba haybe wuu calool adaygay oo dahabuu usoo biyaystay kuna yidhi “Dahaboy xabiibii arin baa baryahanba maskaxdayda ka guuxaayay baan diirka ka qadayaaye miyaad idayrinaysaa mise waad iga dudaysaa hadaan kuu sheego” Dahabo ayaa yaabtay oo dhagaha taagtay iyadoon isba dhibayna aayar ugu jawaabtay labadiisii su’aalood oo ku tidhi waa tahoree “waxa aanan kaaga dudayn anigu tolbaa iguursadoon gurigan ujoogaa waata labaade waxa aanan kuu dayrinayn aduunkaba adigaan kaas  oodoo rtay”.
 


La soco qaybta 7aad……………
 


 

Qalinkii Nuura Maxamed Cali
Nuura_happy@hotmail.com
Burco Somaliland