Waa Sheeko Taxane Ah oo magaceeda la yiraahdo Isbedel Doon - Qaybtii 3-aad

 

 

Aabo dib ayuu kaaga Maagay waxaanu ka yaabay sidaad ugu jawaabtay ee Akhlaaq Daradaa, ka dib markii aad Qureecatay ee aad u diyaar garawday Iskuulka inta uu kaasoo daba dhaqaaqay ayuu kaa daba Shaqeeyay Markaad agmarayso halkii ay Kuraasta Cad-cad taalay ee ardaydu ka Nususaacayn jirtay waadigii ku yidhi Ninkii Tukaanka lahaa “Aar bal keen xabad Marlboro ah sigaarka cad ee dhalinyarada”, Waadigii adoon tukaankiba ka soo bixin shitay Midhii Sigaarka ahayd ee aad Indhaha ku kala qaadi jirtay Aroortii isla markii aad  Fadhii satay, Adoo kursigii cadaa isku kala bixinaya aaaaaahaaah …..waakii Aabo meel yaro gaaban kaga soo booday ma Tuurtaa sigaarka ma cabtaa ma……?ma…….?ma…….? waxaad xasuusatay wiilkii aad saaxiibada ahaydeen ee maalinkii dhawayd ku laha aniga ma Fulay baad I moodaysaa anuu aabahay kama qarsado sigaarka ee hortiisa ayaan ku cabaa isagaaba ii qaada jaadka iyo sigaarkaba ……. Waad iska sii cabtay sigaarkii Alaw ha na doorin!!!!!!

Aabo oo u qaadan la waxa uu indhahiisa ku arkay waxa uu kuu Dhaafay iskuulka Adna gacanta kusoo qabtay Una tagay Maamulihii Dugsiga, Salaam kadib waxaan rabaa Wiilkan inaad iiga waranto Waxbarashadiisa Maamulihii Dugisga oo Wajigaaga garanaya sifiicana u ogsoon isbadalada aad lasoo baxday , Dibjirnimadaadana la socda waa kii intuu aad kuu soo eegay hadana eegay Awliyada ku dhashay kadib inta uu Miiskiisa khaanadiisa soo jiiday ayuu kasoo saaray Buugii Xaadiriska ee Galaska 4A, Inta uu aad kuusoo eegay ayuu Maamulihii ku dhawaaqay Magacaaga? , Haa…….Cali Cumar odowaa Saw inankaagan Maaha ? Inta uu cabaar aamusay maamulihii ayuu yidi war maleh, war maleh ayan ku idhi !!!!!!

Aabo ilayn waa nin wayn oo nin wayna wadkii wuu yaqaane gartay inaanay arimuhu sax ahayn kuna yidhi maamulihii Adeer Maxaa dhacay? , waa side wiilkaygu ?maxaa jira adeer ? Yaaa?.

Wiilkani waa wiil dibjira, Viras ayaa adeer sida Kambiyuutarada u galay, Adeer shaqo badan ayuu u baahanyahay, in dib loo Agloolo, intii uu Iskuulka ku dhex jiro dhawr jeer ayaan ku fikiray inaan eryo oo iskuulka ka madnuuco laakiin waxaan ku Qadariyay Sharaftiisii hore iyo Sidii wanaagsanayd ee uu Iskuulka Magaciisa kor ugu qaaday naftiisa uga adkaaday balse hada war malahe !!!, adeer ilaahay u bari in viruskan dawo loo helo !!

Wuxuu sameeyay maalin dhawayd hadaan kuu waramo Runtii waad la fajacaysaa, Macalinkooda Physics-ka ayaa waydiiyay what is the physical changes? Ka dib wuxuu ku jawaabay, It is the civilization of the students and culture changes. waxa ay ka ahayd Dheel dheel iyo Ruwaayad waanu ku adkaysanayay jawaabta uu bixiyay inay tahay jawaabta ugu saxsan, ilayn waa wiil Isbadal doon ahe. waxa uu macalinkii ku yidhi orod oo Xiisadayda iiga bax si bilaa ixtiraama ayuu wiilkaagu ugu jawaabay: Ma meeshanaad Aniga iga bixinaysaa waar meeshani waa Maqaaxi Maqaaxiyuhuna Magaalada way ka buuxaane sifiican u Shido,Macalinkiina wuu ku Xanaaqay, is Af-dhaaf ka dib waxay gaadhay inuu Macalinkii la Dagaalamo Nasiib wanaag Anigoo Lacagtii Bisha Uruurinaya ayaan arkay Macalinkii iyo ardaygii oo is haysta waanan Kala qabtay labadoodiiba waan soo saaray mise waa Cali yare oo aan akhlaaqdiisa Aqaanay waxaa igu dhacay u qaadan waa waxaan ogaa Cali yare inuu yahay Dhawrka arday ee aan iskuulka ka tirsado ee aan ku xisaabtamo kuna kalsoonahay waxbarashadooda , Maalmahana wuxuu la soo baxay inuu maalina yimaado maalina iska daayo, xiligii doono ayuu yimadaa subaxii……

Markaa Wiilkaagii wakaa balse waxaan ugu ducaynaynaa inuu ilahay kaso weeciyo dhaqankan xun ee uu laso baxay iyo isbadaladaas Waxuushinimadaa .

Aabo oo yaaban oo fajacsan oo Dhidid buurbuuran kasoo booday kana yaaban akhlaaq xumada intaa leeg eee aad baryahan lasoo baxday waa uu ku kaxeeyay oo ku waraystay balse waxa Jawaab ah oo qancisa wuu kaa waayay ka sokow Hadalka qalafsan, Dhinacyadan aad baryahan Xiirato, Surwaalkan kaa dhacaya ,Dhaqankan reer yurub ee aad qaadatay waxaa kale oo uu indhahiisa ku arkay Midha Sigaarkaa ee aad Mataanawdeen, Wuu ku waaniyay in badan balse adigu Dhagna waad ka Maqashay Dhagna waad ka sii daysay wax ahmiyadana maad siin .

Jimcihii dhawaa Adigoo fadhiya Kaabadi yarayd ee Dhalinyaradu iskugu iman jirtay waadigii ka waayay Saaxibadaa laba mooyaane kadib woxogaa markii aad fadhiday waxa idiin yimid Farah Seanpaul Wuxuu kuu sheegay in uu caawa jaad kasoo kacay waxanu kaaga sheekaynayay habeenkii oo dhan inuu caawa Mirqaan hawada  mara yo oo uu tagay maqaaxi yaroo suuqa ku taal , waxuu kaaga sheekeeyay Mirqaanka iyo waxa kujira waxa uu kuu sheegay inuu Maankaagu is badalayo oo aad Xidigaha tirinayso hada Xidigaha ,Habeenkii oo dhana aanad seexanayn ee aad dhisayso fooqyo dhaadheer oo bilaa tayo ah oo subaxa dumaya ,

Waxa uu habeenkii oo dhan kaaga sheekeynayay “Dunida kale” aduunyada  mirqaa nka sida ninkii somaliyed ee yidhi “Mirqaanku waa Naf meel ay ka baxdo wayday” .waxaa kugu dhashay xiiso badan,

Seanpaul waa kii ku yidhi aduu sheediida (Khamiista) isoo mar anaa kuu qaadiye misna adoo ku faraxsan ayaad aqbashay codsigii saaxiibkaa ilayn Hada waxaad noqotay wiil dhan walba loo duufsan karo kolbana dhinac loo badalo, oo waxaad tahay Isbedal-doone, Calaa kayfak dimuqraadiyad, ilbaxnimo, ilayn duniba war umaan hayn, Geesi dheh !!


Khamiisti ayaa kugu dheeraatay Awal todobaadku ma sidan uun bu udheeraa? yaad is waydiisay haa sidan uun buu aha laakin adiga xiiso gaar ah ayaa ku haya, Markaa khamiistan soo socotaa waa mid kuu gaar ah adiga. Markii la gaadhay khamiistii waxaad duubateen dhawr Mijood oo qaada waxaanad tagteen maqaaxi yaroo ku taal Faras Magaalaha.

Aaaaaah Koobabkii iyo Falasad Shaahoo Bigays-cadays ah keen, Jeeg biyaana keen,

Aax Macaanaa Qaadku,Maanta qaali buu yara ahaa laakiin wuu u qalmaa intaa iyo in kabadanba, wax laga Tuuraba malaha, waxaa laguu sawiray humaag iyo Nolol khayaali ah kolba sheeko ayaa laguu saaray waxaad ka sheekaysay arimo badan, Mudo kadib waxaad gaadhay heerka lagu tilmaamo mirqaanka Alaw ha na doorin!!!waxaad gaadhay fikiro badan ma Tahriibtaa? Mayee ……maye…ma?.

Su’aalo caynkaasa ayaa maalinkii oo dhan kugu wareegayay misna wax Jawaaboo sugan umaad helin habeenimadii Laamayda ayaad kolba dhinac u raacday ilaa ay gaadhay Sadexdii habeenimo waa kan yaaban Aabahaa tolow maa la dilay? Mise wuu sixran yahay?

Adna kaama qasna kolba haaf sigaara ayaad saaxiibkaa ka sugaysaa caawa, Taa maku baxnaa way Nuuraysaabee ? Mayee tan ka waran ? Taa yaree canbahaa eeg!! Anuu markaan Mirqaamo Hablaha aad baan u jecelahay, waxaad ka  sheekaynay seen Sheeko khayaali ah iyo dhalanteed.

Waxaad sidii ahaataba mudo kadib waxaad noqotay laaacib wayn waxaanad  saaxib adaa ku yidhaahdaan Ehlu–Mirqaan baad tahay Mirqaaankaaga iyo Sheekadaada waan ka helaa Waadigan iyagii ku baray ka badsaday ilayn “Laga Barayba laga  Bad iye” hada uma kala saartid khamiis iyo khamiis la’aanteed,

Ehlu mirqaan ayaan ahay HAA Ehlu-mirqaan baan ahay ayaad baryahan danbe  isk ugu sheekaysaa,Xaafada imika Habeena waad tagtaa Habeena waad iska daysaa, dhawr Aroorood adoo xili danbe soo seexday ayuu Aabo kuu toosiyay Iskuulka waar orod Iskuulka tag aroortii hore waad toostay laakiin maalinkii danbe waadigii diiday inaad Iskuulka tagto ee aad iska sii huruday Hooyana waatii ku tidhi hooyo Cali orod toos dee, “Eee oradoo shaqayso anaga camal hanaga dhigane”waadigii ku Xanaaqay ilayn Qaadiraad tahee kadib iskuulkii isaga hada waad goysay inkastood sanadkan u fadhiisanaysay Imtixaankii Dugsiga sare, laakiin iskuul maxaad ku  fash aa adaaba imika Macalin wayn noqdee, HAA hada “Adigaa Macalin ah saw maaha?” Ayaad hoos ahaan naftaada u waydiisay waxaanad iskugu jawaabtay HAA Dabcan.



Ciidankii markii hore ku kusoo tobabaray adaa ka dheereeyay sidaas ay tahay hada wax xiisaa uma haysid waxaad la qabsatay ciidan kale oo PHD diyaariyay adna aad hoos imanayso laakiin waxaad isku qancinaysaa kolay kuwana “Anuunbaa macalin u noqon doona”,

Waxaad raacday mid aad saaxiibo tihiin oo dhawr jeer dibadaha laga soo  Mastaaf uriyay waxaad tagteen Guri yar oo ilayn kaaa Qarsoonaa oo ah meel Dumarka iyo Ragu is dhex fadhiyaan Saacado ka dib waxaad ogaatay in meesha “Beerta” lagu naanayso, oo ay ka biqisho Asalo qofka cunaa ku Balaaloonayo, waa laguu yaabaa, Eegmada gidaaradeeda,Gudaheeda intaba, naftu kuma raaxaysanayso waad  arkay saa waxas oo dhan balse waxaad ahayd isbedal-doon markaa ilbaxnimada inaad hor istaagto miyay tahay?Waa maya , Kadib maalinkii hore waad yara yaabanayd oo waxaad is waydiinaysay Niyaw Nimcadan maxaa kaa qarinayay, Saaxiib maantuun baad ina keentay meelihii Mirqaanka loogu talo galay,Alaw ha na doorin !!

Halkaa dhankan bidix waxaa fadhida Gabadh quruxdeedii iyo Dheeheedii duulay  laa kiin aad garanayso inay qurux u dhalatay, adiga balwadaha waad ku yara cusub  ta hay sidaas ay tahay Dhabankaagii wali wuu yara taagan yahay oo aad umaad  gu ban, Gabadhii dhinaca kugu haysay intay aad kuusoo eegtay aya kugu tidhi  wala al Magacaa?,

Adna ado ku faraxsan sheekadan idiin furantay waadigii magacaaga si dagdaga ugu sheegay Cali yare haa cali yare ayaa la I yidhaa saaxiibadayna waxay iigu  yeedh aan Cali Jackson. Adna ii sheeg? Anigana ardo ayay ku tidhi, Inan shaaricaas  dhin aca kugu saarta waligaa maad arag waydinkan is dhex galay ee aad in mudo ah sheekaysateen,

Habeenimadii waxaa la keenay Sharaab aanad hore u arag waad yara diidanayd laakiin waa lagugu Qasbay waxaana lagu yidhi waa “Iskiriin nin wayne caba” waa la kala boobay quraradihii adna waadiga Is yidhi waxan la kala boobayo yaan lagaa dhamayn “dameeri dhaan raacday” ayaad noqotay Hadiiba ay quraradani  ilbaxnim ada kaa hor joogsanayso waa inad dhaadhicisaa ayaad hoos ahaan iskula faqday .

La soco Qaybta 4-aad

 

 

 

Fuaad Abdilaahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com