Waa wax af ka wayn waxan Xirsi ku hadlay, iyo awood ayaan u leeyahay inaan dadka iska xidhxidho



Waa wax af ka wayn waxan Xirsi ku hadlay, iyo awood ayaan u leeyahay inaan dadka iska xidhxidho. Mr. Siiraanyo ayaa eedda leh, oo turubka raggu ciyaarayo ku dhex keenay, Xisa abna isagaa laga sugayaaye, hakusii dalacsiiyo macaankeeda.

Xirsi waxaan leeyahay waxba ha ismahadin, hadii Mr. Siiraanyo kuu dhigay dadka sharci dar ro waa lagu xidhi karaa. Been ayuu kuu sheegay. Ta aad manta ka hadlaysaana waxay tilma amaysaa inaadan xafiiskan kusii waaraynin, ee ama waad ka tagi, ama adiga iyo siiraanyoba waydin israaci. Waa wax laga xishoodo, dad ayaan jeel dhigi.

Ma waxaa kugu adag inaad fahanto xilkan inay ummadi leedahay, oo adeerkaa haba kuu dhii bee aanu isaga laftiisu awood u lahayn inuu qof iska yidhaa waan xidhi. Waxaan kuu sheega yaa inaadan is ogayn meel aad marayso. Haddii ay been kuu sheegeen kuwa ku yidhaahda waxaa soo dheh, inaadan runta ka tegin. Waxaan ku odhan lahaa ummadda kaa sii jeedda ha isku soo jeedin, adiga oo adeerkaa Dahab shiil kugu dhaartay in maamulka lagaa shaqaa laysiiyo, haddaad haddana ku darto waxaas ayaan samayn doonaa, waa markii aad kabaha aga ka illan lahayd xafiiska.

Awoodda qaranka raggii taagay ee iskaga dhaqaaqay haddaad manta tidhaa waan xidhxidhi doonaa, waxaa kaaga roon inaad candhuuftaada dib u liqdo, oo iska gaabsato, inta uu hada lku taagan yahay meelaha adiga kaa shisheeya. Way dhacdaa inan awoodda dawladda moo da in ruuxu wax kastaba samayn karo, oo dadka sharci darro, iyo iisoo qabta oo xidha ayaan odhan doonaa ay kaskiisa la marto. Mr. Siiraanyo soo warayso inta aadan erayada noocaas ah warbaahinta ka sii daynin. Waxaan arkayaa inaadan ogayn halka dad kala marayo, ee a ad u haysato, afar askari oo saldhigga Booliska jooga ayaad u yeedhi, oo aad odhan qofkan hala ii xidho.

Xirsiyow waxaan ku leeyahay meelaha qaar lama gaadho, haddaad damacdo inaad waxyaa bo caynkaas u eg ku tallaabsatona, nabadda aad ku dhex botorinayso, ee aad leedahay sh arciga intaan ka tallaabsado, oo awood shakhsi ah adeegsado ayaan askar amar siin doonaa dadka ii xidha. Waa wax maanta aynu joogno yoomalqiyaamuhu ka sokeeyo, suurana geli ma yso malahaaga kooban, ee aan cagaha dhulka ku haynin. Nabadduna hadday badato doqontu waxay ilawdaa runta, iyo inay marka horeba nabadi jirtay.

Waxaan kuu sheegayaa haddaad u haysato sharciga dalka intaad ku xad gudubto, oo aad x uduudda ka tallaabsato, adiga ayay ku dambarsanaysaa. Albaabkaasi hadduu furmona, wax aan hubaa in aan adiga Madaxweynaha toona aanay dib u xidhi kari doonin.

Sharcidarrada haddaad manta ku baanayso inaad isku dayi karto, sharcidarrada ayaanad waaya aragnimo u lahayn. Saa afkaaga kamabay soo baxdeen ragbaan jeelka dhigi doonaa, oo aniga ibarya.

Waxaan ku odhan lahaa haddii malahaagu ku tusay, inaad awood qaran ku tagri fali karto, shan jeer iyo lix jeer dib uga fiirso.

Waxaa layaab ah in dad sidaas ahi ay ummadda masuuliyaddeeda qabtaan,


Xirsi miyaanu ogayn waxa nin waliba ka dawrsanayaa, ee looga sii jeedaa ay tahay uun muq uuno, iyo yaan la is eersan. Miyaanu xirsi ogayn in erayada caynkaas ahi, ay yihiin ku wii ay odhan jireen, nimankii moorgan ka midka ahaa, ee hadh cad innamada yaryari iyagoo ul wa ta, ay Hargaysa kaga saareen, isaga iyo Kaarihiisiiba. Miyaanay Xirsi u kala soocnayn waxya abaha uu ku tallaabsan karo, iyo waxa kale, ee aanu sharci intuu cid ugu hanjabo, aanay dhacaynin. Miyaanu ogayn inaanu ahayn tiir meesha ka baxay, ee uu yahay inan adeegkii meesha ku shaqaaleeyay, oo weliba raggu wax badan diidayaan inay sameeyaan.

Waa wax lala yaabo inuu Xirsi yidhaahdo, dad baan xidhxidhi, iyo waxaan tabartiisa ahayn. Siiraanyona waa ninka weliba waxaa ku horsocda, wax kasta oo ka yimaaddana isaga ayaa ka jawaabi, haddii sharciga lagu koobnaan waayo, oo wax baan xidhi karaa, iyo awood ayaan leeyahay, arrinku dhaafi waayo, si wanaagsan ayaa dadku isu wada horfadhiisan, oo ninba geedka u qalma la fadhiisin doonaa.

Xirsi waxaan u sheegayaa awoodda dawladu waa harag shabeel, waxaana loo samaystay, in lagu xakameeyo cidda sharciga aan jeclayn in lagu dhaqmo, haddiise ay ku deeqi wayday inaad iska huwanaato, nabadda aad diiddan tahay, iyo hanjabaadda aan meesha leekayn, adiga ayaa hadhaw nabadda lafteeda baryo ku soo waayi.

Xukuumaddan Siiraanyona sharcigan ay dhoobo walaaqayso, haddaanay sida saxa ah ugu shaqaynin, ta uu siiraanyo rabo, ee ah in dalkan lagu kala tago, ayay ku dambayn. arrinka ah in dadna sharciga si fool xun ugu tuntaan, dad qaarna ay ka haybadaystaanna waa mid iskaba gudhaysa, oo qofwalba wuu karaa inta Xirsi iyo Siiraanyo iska dhaafa loogu taag la’yay.

Ummaddanna Golayaashi cawilka u noqon lahaa waa kuwa arrinkoodu noqday, xilma saarna, dhayalsi. Wayse eedi doonaan haddaanay wax ka qaban intay goori goor tahay.

Mr. Saleebaanna dalkan wuu arkaa halka uu siiraanyo kuwado eh, ama arrini halkay leedah ay ha dhigo, ama dambiga siiraanyo cid kale ha ku eedeeyo.

Golayaashan rag moodayo in lagu dan qumisan karayo, inta laga xishoonayo, ayuu gole yah ay, haddiise runtu timaaddo mid walba isaga oon cidina abaal ugu haynin ayuu ka hulleeli.

Ninkii carruurta caanaha iskala dhan loogu taagwaayay ha noqon.

Nabadi waa aad, cidda malaha aan arag nabad la yaboohinaayo, ayay la fududdahay.
 

 

 


Eng. Youssuf Ahmed

London U. K.
jicsin@hotmail.com