“Boobe Waxaan Ku Idhi Markii Xilka Loo Dhiibayey, Waar Waxaan Ogahay
In Aanad Xirsi Kabo-qaad U Noqonayn”
Mujaahid Cali Guray, waxa uu sheegay inuu Boobe Yuusuf Ducaale uga
digay....................
Hargeysa (TNN) - Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ah
Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,
ayaa ka hadlay xil ka qaadista Madaxwayne Siilaanyo ku sameeyay
Wasiirkii Warfaafinta iyo wacyi-galinta Somaliland Mujaahid Cabdi
Yuusuf Ducaale (Boobe).
Mujaahid Cali Guray, waxa uu sheegay inuu Boobe Yuusuf Ducaale uga
digay xilka hadda Madaxwaynuhu ka xayuubiyey, isla-markaana u
sheegay inuu ogyahay in aanau wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali
Xaaji Xasan ka amar qaadanayn, taasina ay ku keenayso in xilka si
deg-deg ah looga qaado, taasina maanta rumowday.
Mujaahid Guray, waxa uu sheegay in dadku ilaa shalay markii xilka
laga qaaday Wasiir Boobe ay waydiinayeen Boobe waxa ku dhacay “Dadku
illaa shalay waxay I weydiinayaan oo ay I leeyihiin Waar Cali ka
waran saaxiibkaa Boobe”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Anigu hore
ayaan u sheegay haddana waan sheegayaa inaan Boobe ku idhi markii
xilka loo dhiibayey …Waar waxaan ogahay in aanad Xirsi kabo-qaad u
noqonayn oo kolay xilka waa lagaa qaadayaa”
Mujaahid Cali Guray, oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa,
ayaa fariin u diray masuuliyiinta xukuumadda Madaxwayne Axmed
Siilaanyo, waxaanu u tilmaamay in ninkii aan ka amar qaadanin Xisri
Cali Xaaji Xasan ay u dambayn doonto xil ka qaadista lagu sameeyay
Maxamed Xaashi iyo Boobe “Ninka doonaya inuu meeshiisa sii haystaa
waa inuu hoos tagaa wasiirka Madaxtooyadda, haddii kale waxaan ku
dhici wixii ku dhacay Maxamed Xaashi iyo Mujaahid Boobe oo markii ay
diideen inay Xiniiyahooda hoos geeyaan Xirsi xilalkii laga
qaaday”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Cidii doonaysa inuu
Siilaanyo uu Madaxweyne u ahaado waa inuu marka hore uu Xirsi
xiniiyihiisa u dhiibo, sidaas ayuu ku nabad-galayaaye”
TIMACADE News Desk
Hargeysa,Somaliland
|