Waan baahanahay looma bahalo cuno
Markaa waana in aqoonsiga loo galaa halgan
dheer sidii kii xornimo doon kii ee lixdankii oo kale, waana waajib
saaran qofkastoo Somaliland u dha shay inuu dalkiisa iyo
dadkiisaba u dadaalo sidii horumar waara loo heli l ahaa...
Nacima Yousuf Elmi
Waxaynu
ognahay oo aynu ka wada dharagsanahay in dalkeena la dulm iyay
oo xaqiisii la iska indho tiray. Waxaynu nahay dal leh dhamaan wixii
looga baahnaa dal jira, waxaynu leenahay nidaam dawladeed oo
dhama ystiran kuna dhisan dimuqraadiyad hufan oo maamulka lagu soo
doorto.
Somaliland iyadaa maanta is dhexgaysay meelkasta, aqoonsiguna wax a
dag maaha laakiin aqoonsigu wuxuu ku adkaaday dalkeena oo waxay u
haystaan wax adag. Waxaa loo soo maray kaliya wado dheer, markaa
w aana in aqoonsiga loo galaa halgan dheer sidii kii xornimo doonkii
ee lixda nkii oo kale, waana waajib saaran qofkastoo
Somaliland u dhashay inuu dalkiisa iyo dadkiisaba u dadaalo sidii
horumar waara loo heli lahaa.
Waxaan jeclaan lahaa inaynu noqono dal karaamo ku leh dunida
guudke eda oo jecel sharafta, waana inaynu aqoonsigeena meelkasta u
galno sidii aan u heli lahayn. Wadamada xidhiidhka fiican aan la
leenahayna waa inaynu xoojinaa kuwa aan doonayn in la ina
ictiraafona waa inaynu ka gaabsano oo xidhiidhkooda joojino.
Waxaanan anigu qabaa inay Jabuuti ugu horayso wadamada aan doonayn
in Somaliland la ictiraafo.
Hadaba waan baahanahay looma bahalo cuno ee waxaynu u baanahay
inaynu dalka Djibouti tusno inaynu nahay dad karaamo leh, haday
garan waayaana waa inaynu jaarnimadoodii ka maaranaa waayo waa dalka
kaliya ee maanta inoogu neceb aduunka.
Waxaan maqaalkaygan kusoo gagabayn lahaa inay jabuuti markasta
ma skaxda ku hayso inaanay Somaliland dadkeedu mardanbe soomaaliya
ku noqon doonin. Hadaad ka shaqayso sidii aad Somaliland uga hor
taagna an lahayd ictiraafkana jaarnimadeenu jiri mayso.
Guntii iyo gabagabadii waxaan aad iyo aad ugu hambalyaynayaa dadka
reer Somaliland ee inta badan isku hawla horumarinta qadiyada
madax banaanida jamhuuriyada Somaliland oo aan leeyahay aniga iyo
inta ila fakir ahiba waanu ognahay kaalinta aad noogu jirtaan,
taariikhda Somalil andna way idin xusi doontaa ee haka daalina.
Wabilaahi Tawfiiq
Naciima Yousuf Elmi
Naciima_happy@hotmail.com
|
|