Waano iyo talo ku socota boqorka beesha ayuub


 

 

Waxaan salaamyaa warbaahinta sharfta leh ee noo kala gudbisa wararka iyo fariimaha Asww. intaasi kadib waxaan jecel ahay in aan halkan uga soo jeediyo talo iyo tusaale boqorka beesha ayuub oo had iyo jeer ku qora qoraal cabasho ah warbaahinta kuwaasi oo ku wajahan xukuumada markaa hore boqorow iskamaad iman dad baad meteshaa wixii cabasho ah ee jirra ee la isku raaco ayaad soo jeedin kartaa adiga oo ku hadlaaya magaca beesha hase ahaatee haddii marka wax lagu siiyana aad cabato marka aan waxba lagu siina aad tidhaa waxbaan sugayaa oo caban maayo ma wanaagsana.
Sidaasidarteed waxaan kaa codsanayaa in aad ka fiirsato cabshada badan ee aad raacinayso warbaahinta waayo boqornimadaadu waxay meteshaa dadkaaga gudaha jooga iyo kuwa dibada jooga waxba ha doonan kuma lihi laakiin waa in aad isku ogaatan siyaasiinta iyo wax garadka beesha oo aad adigu ku hadli kartid codkooda marka ay isku raacaan intaasi oo dhan oo la ogaado in cabashadani tahay mid macquul ah oo dadku kuugu garaabi karo,sida aan ka warqabno ayuubku maanta maalin uu ka kuraasi badan yahay idin may soo marin waayo maanta waxaad madax ka tihiin haddii aad beesha ayuub tihiin maxakamada sare oo dhadhaar ka mid ah kuwa ugu sareeya dawlada oo la siman golaha wakiilada iyo guurtida ama xukuumada oo dhinc ah waa marka ayuub la yidhaahdo maxaa la siiyey dawladan Axmed .m.siiraanyo waxa idiin dheer laba agaasime guud oo aydaan dawladihii hore heli jirin balse xukuumadani idiin garatay,waxaa iyaduna jirta oo aan qarsoonay inaad ka mid tihiin agaasima waaxeedyada wasaaradaha kala ah, waxbarashada,gaashaandhiga,madaxtooyada,maxkamada ciidamada,saraakiisha kal duwan ee pliceka iyo ciidamada qaranka iyo wasaardaha oo aad ku leedihiin intaasi oo shaqaale ah, golayaasha qaranka oo aad ka mid tihiin haday guurti tahay haday wakiil tahay haday gole degaan tahay,haday shaqaale dawlad hoose tahay.
Hadaba boqorow waxaan kaa codsanayaa wixii aad tebaysaa ma wisiir ku xigeenkii gaashaan dhigaa kaasi oo kali ah ayanu ku lahaan jiray dawladihii hore ma waxaad doonaysaa in aan kaasi oo kali ah la inoo soo celiyo markaasi ayaynu qaboobaynaa soo maaha, anigu waxaan ahay xubin qurbajoog ah waxaan aad u dhibsadaa marka aan arko boqorkii ayuub oo ku cabanaya warbaahinta waayo horta waa in laguugu garaabo cabashadaada oo ay noqoto mid macquul ah,mida kale warbaahinta uun laguma cawde golyaasha ay somaliland isugu timaado ayaa laga jeediyaa wax aad tabanayso ee laguugu garaabayo adiga oo eegaya in cabashadaasi ay tahay mid jirta haddiise lagula garnaqsado oo laguu yeedho oo lagu yidhaa sadka nagaga kaa maqani waa maxay waa inaad u heshaa garnaqsi ku haboon haddii aad hayso sadbursiimo miyey soconaysaa cabashadaadu waa maya.

Aniga codsigaygu wuxuu yahay cabshada aad cabataa ha noqoto mid wax badani kaa maqan yihiin sidkaagiina aan lagu siiin,adiga iyo beeshaada toona haddiise ay iska noqoto iska hadal waxaan kaa codsanayaa inaad joojiso cabshada aan lahayn meel loo raaco.Mida kale waxaan kuu sheegaya boqorow xilku waa meerto maalinba nin baa lagu eegaa haddii aad tidhaa hebel yaan la bedelin soo ma ogid in aad dulmiday mid kale oo beeshaada ah oo gacanta yara gelin lahaa dawlada oo kamaad eexan kaasina waxaan kaa codsanayaa waxaad tahay boqorkii beesha markaa la soco halka ay wax ku maqan yihiin iyo halka ayna wax ku maqanayn,xukuumadan uu hogaaminayo Axmed maxamed siiraanyo waxay u samaysay beesha ayuub boosas hore aynaan u heli jirin haddii la garnaqsadan badh dib la inooga celinayo markaa ha inagu soojeedin ummada boqorw siyaasiinta beeshan la soco wixii maqan iyo wixii kale iyaga ayaa kuu kala sheegi doona raali iga ahaada haddii aad dhibsataan waa iga waano intaasi.
 

 


Cabdi D.Camuud
UK
adamuud@hotmail.co.uk