Waayaabe Goormay Berberi Laba Daamood Noqotay
Oo Bari Iyo Glbeed Ah

 

Marka waxan salaamayaa Bahda saxaafada madaxa banaan iyo hawl wadeenadooda hadh iyo habe enba heeganka ugu jira inay bulshadooda Ka haqab tiraan hadba waayaha iyo wadciga taagan wixii ku soo kordha sidoo guud ahaanba shacbka somaliland waxan leeyahay waad salaamantihiin.

Haddii aan u soo daandago dulucda qoraalkaygan waxan maanta jeclaystay inaan wax yar kaidhaah do arrin layaableh oon ku arkay saxaafada qaarkood oo baryahan soo noqonoqonaysay

Waxan Aad ula yaabay Maqaal dheer oo uu soo qoray nin isku sheegay inuu yahay afhayeenka  bee laha habarjeclo balse anigu aan u arko inaanu ahayne uu yahay nin meelahaa gidaarada fadhi  kudi rirka kasoo kacay oo doonaya inuu magaca beelweynta sharafta iyo qiimahaba badan xajiimeeyo, w aayo af beeleed kaliya waxa kuhadli kara sulaadiinta iyo madaxdhaqameedka oo waliba sii kala mud an

Waxa intaas ii raaca waxa wax inagu cusub ah goortan ay berbera noqotay laba daamood oo ay  ka la dagaan laba beelood oo bari iyo galbeed ah maqalkeeduna barayahan soo baxay oo saxaafada  la gu arkayay arrintaas oo aniga iila muuqata fikirkay arrimaha baryahaba somaliyada koonfureed kat aagan ee hal magaalo ay labaatan qolo kala sheegtaan

Berbera waa magaalo waxyaabo badan kaga duwan magaalo madaxyada gobolada dalka ee kale  si day burco oo loo qaybiyo bari iyo galbeed waayo berbera madagaan laba qabiil oo awood qaybsi iyo sinaan degaan kadhexeeyaa sida burco oo kale tusaale ahaan haddaan soo qaadano. Marka Berber a laga hadlayo waxa loo aqoonsanyahay inay majority kataha beel gaar ahi walow beela kale la dag aan

Bal hadda wax yar haddaan hoos ugu daandago anigoon ula jeedin wax turxaan ah sida Gobolka Sa axil mudnaanta loo kala leeyahay iyo saami qaybsiga kajira ila eega, Gobol sidiisaba waxa Badhasaa b Ka noqda ama Mayer cidii degaan ahaan ugu awood badan Gobolkaas

Berbera Badhasaabka Gobolka, Mayorka degmada, Maareeyaha Dekeda,Taliya qaybeedyada, iyo Ha yadaha muhiimka ah waxa taladoodu ka go,daa oo gacanta kuhaysa beel gaar ah oo ah beesha ugu awooda badan Gobolka sidoo kale Ku xigeenada waxa iska leh beel kale oo loo aqoonsanyahay bees ha labaad ee gobolka

Xildhibaanada Baarlamaanka waxa Saaxil ka soo baxa Gobolka Saaxil oo kakooban 10 Xubnood bal hadda iyagana sidee lookala leeyahay

7 Xildhibaan Beelaha Ciise Muuse,  2 Beelaha Muuse Cabdalle , 1 Beesha Sacad Muuse , guud ahaan waa 10 xildhibaa .Sidoo kale Golaha Gagaanka waxa haogaamiya oo 75% iska leh hadaanay kaba ba dnayn beelaha Ciise Muuse .


Bal haddaba ninkan sheeganaya Beesha Bariga Berbera , waxa uu ku sheeganayaa Berberi maxay tahay , waxba ilayn kama ahee , mise waa meelahaa Saxaafada uun halagu arko magacaaga


Ugu dambayn waxaan bulshoweynta reer somaliland u soo jeedinayaa inay ka fogaadaan waxyaab ahA turxaanta leh , ee bulshada iska horkeenaya , hana laga waantoobo sheegashada dhul aan la lahayn , waayo afxumo nabadna way kaa fogaysaa colaadna waxba kaagama tarto




wabillaahi tawfiiq

 


 

 

 

Ahmed khaliif