Wacdarihii Xafladii Qallinjabita Dufcadii 3aad Ee Jaamacada ADM AS+Muuqaaladii kalla gadisnaa Ee Madasha+FarxadII Ardeyda Qallinjabineysay=Weedhihii Masuuliyiintii ka qayb Galley...

 


Hargeysa (TNN)-Xaflad aad u balaadhan oo aheyd dufcadii 3aad ee ka qallinjabisa Jaamacada Adm as Qaybt eeda Somaliland ayaa saaka lagu qabtey Hotel Maansoor Ee Magaalada Hargeysa.

Xafladani oo ay kasoo qayb galeen.M/weyne kuxigeenka Somaliland Md: C/raxmaan C/laahi Isma aciil (Sayli ci),Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Md Faysal Cali Waraabe,G/kuxigeenka Xisbiga Udub Axmed yuusuf Yaasiin,W asiirada Kaluumeysiga C/laahi Jaamac Cismaan{Geeljire},Boosaha iyo Isgaadhsiin ta,Axmed Xaashi Nuur{Ode y},Shaqada Iyo ArimahaBulshada Ilhaan Maxamed Jaamac,Agaasimaha Tacliinta Sare Ee Waasarada Waxba rashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland.Md Khadar Axmed Diiriye,Madaxweynaha Jaamacada Admas Qayb ta Itoobiya,Gudoomiyaha Sanate Ee Jaamacada ADMAS Qaybteeda Somaliland Md Axmed Daahir Cadnaa n, Gudoomiyaha Jaamacada Admas,Ixsaan Cumar,G/kuxigeenka Jaamacada Xuseen Xaaji, iyo Martisharaf kalla duwan.

Dufcadii oo aheyd tii3aad ee ka qallinjabisa Jaamacada ADMAS ayaa waxaa ardey Dhan 287 ay manta ka qallinjabiyeen Waxbarashadoodii Jaamacada Qaybta Degree oo ay Muddo Seddexsano Ah Soo baranayeen.

Ardeyda dano oo kalla ahaa 185 Wiil iyo 102 Gabdhood ayaa waxay ka kalla qalinjabiyeen Kulliyada ha Maa mulka{Management} Dhaqaalaha{Economic},Xisaabaadka{Accounting} iyo ICTga.

Madaxa Jaamacada ADMAS Qaybteeda Itoobiya oo kahadley xafladaasi ayaa hambalyeyey Ardeyd a Qallinj abisey waxaa uu sheegey xidhiidhka waxbarashoee kadhaxeeya itoobiya iyo Somaliland iyo sida ya jaamaca da admas marwalba ugud adaaleyso iney ardey tayo leh soosaarto.

Gudoomiyaha Sanate ee jaamacada Admas axmed daahir cadnaan oo kahadley munaasibadaasi ay aa hamb alyeeyey ardeyda qallinjabisay waxaa uu sheegey iney jaamacada Admas ay marwalba xooga saarto sidii ay usoosaari laheyd ardey tayo leh.

Gudoomiyaha Jaamacada Admas Ixsaan Cumar oo isna munaasibadaasi kahadley ayaa sheegey inu u u hamb alye ynaayo ardeyda,iyo waalidiinta ardeydaba sidey iska xilsaareen iney Jaamacada Dh amaystaan,Waxaa uu Md Ixsaan ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee Jaamacaddu soo marta y, waxana uu ku dheeraaday, Aqoonta iyo Waliba qaybaha kala duwan ee ay Bixiso jaamacaddu.



Agaasimaha Tacliinta Sare Ee Wasaarada waxbarashada Somaliland Md Khadar Axmed Diiriye oo x afladaasi qalinjabinta dufcadii seddexaad ee jaamacada ADMAS ka Hadley ayaa ugu horey hamba lyeeyey ardeyda qallinjabisey.

Agaasimuhu waxaa uu sheegey in wasaarada waxbarashada ay aad ugu hambalyeynayso Jaamac a da ADM AS soosaarida dufcadii 3aad ee ardey oo dhamaystay Shaadada DEGREE.

Md Khadar waxaa uu sheegey in jaamacada ADMAS ay tahey jaamacad ay wasaarad ahaan aad uwada sha qeeyaan islamarkaana kamid ah jaamacadahaugu tayada wanaagsan Somaliland,W axaa uu ugu mahadnaq ey Maamulka Jaamacada sida hagar la,aanta ah ee ay ugu dadaaleen iney deeq waxbarasho siiyaan Dad da nyarta ah.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Md Faysal Cali Waraabe Iyo G/kuxigeenka Xisbiga Udub oo halakasi kah adley ayaa umahadnaqey jaamacada admas waxaaney hambalyeeyeen Ardeyda ka qallinjabisey Jaamacada Admas.Si do kale waxay si gooni gooni ah ugu warameen heererkii kalla duwanaa ee ay Somaliland waxbarashadeedu soo martey iyagoo aad ugu bogaadiyey Dawlada Itoobiya Xidhiidhka fiican ee ka dhaxeeya.

Gudoomiyaha Hayada wadaniga ah Ee ODHA Faadumo Siciid Ibraahim oo kahadashey xafaladaasi ayaa hamb alyo balaadhan udirtey Dhamaan ardeyda qallinjabisey ,walidiinta iyo macaliintii ardeyd aasi waxsoo bartey.

Marwo Faadumo Siciid Ibraahim ayaa wax lagu farxo ku tilmaamtey in sanadkan Dugsiyadii Dhexe,K u wii Sare Iyo Jaamacada ADMASBA ay kaalmaha hore ugaleen hablo waxaaney Hambalyeysay ardeydaasi kaalmaha hore galley iyadoo sheegtey iney habeen ambe xaflad aad ubalaadhan oo ay kumaamusayaan ay uqaban d oonto.waxaaney gabogabadii aad ugu duceysay dhallinyaradaasi iney noqdaan kuwii dalkooda anfaca walid kood anfaca.anan tahriibina.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi kahadley masuul kasicdey Dawlada itoobiya waxaanu aad ugu hambalye ey ardeyda qallinjabisey isagoo ku dheeraadey xidhiidhka qota dheer ee ka dhaxeeya Somaliland Iyo Itoobi ya.

Gabogabadii Xafladaasi waxaa kahadley



Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Saylici oo ka Hadlay Munaasibaadaasi, ayaa Si weyn ugu Mah adnaqay dhamaan Ardeydii dhamaystay Aqoontooda waxbarasho, waxana uu tilmaamay isla markaana ku booriyay Ardeydaasi in aanay ka hadhin Aqoonta ee ay sii dadaalaan.

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu Amaan u soo jeediyay Jaamacadda Admas, taasi oo uu sheeg ay in ay jaamacadani ka mid tahay jaamacaddaha Aqoonta wacan ku soo kordhiyay Dal ka, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu Xusay in loo baahan yahay in lagu dadaalo Aqoo nta, taasi oo uu tilmaamay in dalka Somaliland u baahan yahay Dad da,a yar oo aqoon leh.

Waxaa uu M/weyne Kuxigeenka Somaliland Gabogabdii gudoonsiiyey Koobkii Kaalinta Koowood ard eyaduu ku guulaysatey oo aheyd Nasra IIbraahim Xasan.waxaana sidoo kale Agaasimaha Tacllinta sare ee Somalila nd uu shahaadooyinkii gudoonsiiyey Ardeydii qalinjabisey,

Gudoomiyaha Shirkada Alnuur Furniture Md Xuseen ayaa isna gudoonsiiyey Abaal marino ardeydii ugus are eyey Afarta kuliyadood ee jaamacada ka qallinjabiyey. Iskusoowada duuboo waxay ahey d xafladii ugu nidaambka wanaagsanayd ee bulsho intaa leeg iskugu timaado waaydan..
 



Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com