Wada hadalka Somaliland iyo Somalia: Tab xeeladaysan oo Muqdisho dib loogu noqonayo (qaybtii 1-aad)

 



Sida aynu la wada socono waxa February 2012-kii Ingiriisku shir ugu qabtay London dalka Somalia kaasoo Somaliland-na kasoo qayb gashay. Shirkaas oo ujeedadiisu ahayd in Somalia laga saaro ku meel-gaadhnimadii Ingiriisku-na adduunka isu tuso bad-baadiyaha Somalia, waxa qodobadii kasoo baxay ka mid ahaa (qodobkii 6-aad) in Somaliland iyo TFG-gu (Transitional Federal Government) amma ciddii badisha wada hadlaan si ay u qeexaan xidhiidhkooda mustaqbalku sida uu noqonayo.


Hadaba iyadoo qodobkaas 6-aad dabasocota ayeey Somaliland dalbatay in wada hadalka la furo oo ay dawladii TFG-ga la kulmaan. Dalbashada Somaliland ka dib waxa dhacay kulankii ugu horeeyay ee Somaliland iyo Somalia oo markaas dalka Ingiriisku si kal iyo laab ah u marti galiyay kana dhacay Chevening House.


Isagoo markaas Ingiriisku ka abaal gudaya kasoo qayb galkii Somaliland kasoo qayb gasha y shirkii Somalia, qadarinayana taariikhda 2-da dal wadaagaan, ayaa Ingiriisku wada had alka u diyaariyay madal iyo hab wada hadal oo 2-dii dal ee qaranimo isku hayaa u wada ha dlaan. Ingiriisku shirkii wuxu u diyaariyay dad dhex-dhexaadiya Somaliland iyo Somalia oo waxa kasoo qayb gallay oo damcay inay 2-da dal kala guraan 3-di qof oo kala-matalayay Ingiriiska, Norway iyo EU-da (Midawga Europe). Dhex-dhexaadintan qaarada dhan (Euro pe) ka socotay ayaa ku tusi karta sida Ingiriisku u damacsanaa inay Somaliland ka faa’id aysato kulankaas oo gun dhig u noqon lahaa geedi socod wada hadal oo qaranimada Soma liland ku qanciya Somalia.


Inkastoo aan qoraal ka qoray 24-kii June 2012 natiijadii kulankii ugu horeeyay ee 2-da dal ku yeesheen Chevening House, London, 20-kii ilaa iyo 21-kii June 2012-kii, hadana bal aan dib idiin xasuusiyo khaladkii waynaa ee halkaas ka dhacay.


Waxa aynu la soconaa in, markii wada hadalku bilaabmay shirkii Chevening House, 2-dii guddi ee ka kala socday Somaliland iyo Somalia isla oggolaadeen in dhex-dhexaadiyaashi dibada loo saaro oo ay ku yidhahdeen 3-dii qof ee dhex-dhexaadinayay anagaa Soomaali isku ah oo isla hadlaynee dibada nooga baxa. Dhex-dhexaadiyaashi waxa ay ku noqotay fajaciso oo intii wada hadalku socday kolba albaabka shirku ka socday ayeey istaagayeen oo ay waydiinayeen in wax walba OK yihiin. Waxa ay u qaadan waayeen dal 22-sanadood lahaa waan madax-banaanay oo dalkii madax-banaanidiisa ku haystay si niyad sami ah oo kalgacal iyo hilow ka muuqdo u hor-fadhiistay oo aan wax cadho iyo dareen toona ka muuqan. Taas waxa kaaga daran in 2 saacadood oo kaliya gudahood lagusoo heeshiiyay 5 qodob (qodobka 5-naad waxa ka farcamay 8 qodob oo kale) oo aanay ku jirin arinkii 22-ka sanadood iyo ilaa imika Somaliland ku andacoonayso ee ah madax-banaanida.


Laga bilaabo maalintaas waxa adduunka u cadaatay amma u turjumteen ficilkii diplomaasiy adeed ee dawlada Somaliland ku wajahday wada hadalkan in qadiyada gooni-isku taaga Somaliland wax sidaas usii fog ahayn wada hadalka 2-da dhinac-na xalin doono tabashoo yinka yar-yar ee xagga Somaliland ka jira. Waxa kaloo isbadilay habkii ay beesha caalamku u wajahaysay wada hadalka oo waxa joogsaday dhex-dhexaadintii (mediation)oo isku bad ishay fududeyn (facilitation). Waati iyadoo dareenkaas caalamiga ahi ku xeeranyay, Madax wayne Siilanyo iyo Sharifkii Muqdisho Dubai ku kulmeen oo 2-ba qodob oo runtii riwaayad u muuqday ku saxeexdeen. Dawlada Imaaraadka oo kulankaas Dubai marti galisay amma fud aydinaysay waati si aan gabad lahayn wasiir dawlaheeda ariimaha dibadu Dr Anwar Moha mmed Gargash u yidhi: “Saxeexa ay hogaamiyayaasha Somalidu saxeexeen heshiiskan waxa ay caddeyn u tahay midnimada umadda Somalia, isagoo markaas raaciyay in dalka Imaaraadka iyo Somalia yihiin 2-ba dal oo walaalaa.” Warkani walli wuxu ku jira website-ka wasaarada ariimaha dibada ee dalka Imaaraadka oo ciddii rabtaa ka eegi karto iyadoo xa gga baadhida (search option) ku qoraysa Somaliland. Waxa xusid mudan in dawlada Soma liland haba-yaraate warbixintaas (statement-kaas) ka jawaabin iyagoo masuuliyiinteena badankoodu ku sugna wakhtigaas Dubai. Ileyn ciil umma go’did!


La soco qaybta 2-aad.

 



Iid Xasan Aw Muuse,
Somaliland Activist
London
+44 787 051 5334
iidsl@hotmail.com