Wada hadalka Somaliland iyo Somalia: Tab xeeladaysan oo Muqdisho dib loogu noqonayo (qaybtii 5-aad)

 



Akhriste qormadan 5-naad iyo qormooyinka dambe ee qoraalkaygan taxanahaa waxa aan ku eegi doonaa heshiiskii ugu dambeeyay ee ka dhacay Istanbuul, jawigii uu ku dhacay, dhacdoo yinkii heshiiskan ka hor dhacay iyo bal in aan umadda Somaliland usoo bandhiggo dalalka qadi yadeena oo kale soo maray amma ku jiraba si aan Somalilanders-ka u tusaaleeyo in wada had alka aynu kula jirno Somalia aanu si-naba u noqon karin mid Somalia ku qanciya qaranimadee na adduunkuna ku garawsan karo amma ku rumaysan karo himiladeena qaranimmo.

Dhaq-dhaqaaqyadii iyo dhacdooyinkii diplomaasiyadeed ee ka hor shirkii ugu dambeeyay ee Istanbuul dhacay

Sidaan qormaddii 2-aad ee qoraalkaygan idiinkusoo iftiimiyay, shirkii ugu horeeyay ee Somalila nd iyo Somalia iskugu yimaadeen Turkey-ga waxa la abaabulay ka dib markii Somaliland diiday kasoo qayb galka shirkii London oo markaas la damcay in la hor-fadhiisiyo Somaliland dawladii cusbayd ee Somalia si shirkii London loogu xuso in dawlada Somalia waddo dadaalkii dib-u-hes hiisiineed ee dawladii ku-meel-gaadhka aheyd bilowday, taas oo looga dan lahaa in ay markaa s qayb ka yihiin dadaalkan “Somalia” lagu taageerayo qaybaha markaas ka maqnaa shirkii Lon don.

Siday qorshaysteen waxa warbixintii kasoo baxday shirkii London bishi May 7-deedii lagu xus ay guud ahaan wada hadalka u bilaabmay xukuumadda federal-ka ah iyo deegaamada (the regions) iyo ka Somaliland iyo Somalia waxaana lagu yidhi warbixintaas: “Waxa aanu soo dha waynay wada hadalka (the dialogue) ku aadan qaab-dhismeedka Somalia ee mustaqbalka ee ka dhex bilawday xukuumada federal-ka ah iyo deegaamada (regions)”. Warbixintoo sii socot ana ayaa hadana tidhi: “Waxa aanu soo dhawaynay wada hadalka xukuumada federal-ka ah iyo Somaliland ee ka dhacay Ankara bishii April 2013-ka si ay u qeexaan xidhiidhkooda musta qbalka….iwm”.

Haddii dareen foojigan iyo aragti diplomaasiyadeed lagu eego siday u dhigantay warbixintani, waa mid Somaliland si cad ugu biirisay Somalia madaama aan cida Somaliland la hadlaysa lagu tilmaamin Somalia ee la yidhi dawlada faderal-ka ah isla markaana si guudna loo xusay wada hadalada ay kula jirto deegaamada amma maamulada kala gadisan ee Somalia. Iyadooy sidaas tahay waxa soo dhaweeyay warbixintan bishii May 8-deedii xukuumadda Somaliland oo uu u hadlay wasiirkii horee ariimaha dibada wuxuuna yidhi: “Waxa aanu soo dhawaynaynaa maxs uulka (the outcome) shirkaas madaama tuduc-ca 4-aad (paragraph four) si cad loogu taage eray wada hadalka u socda Somaliland iyo Somalia”.

Ka dib shirkii London, waxa kulammo kala gadisan la qaatay bulshadiisa madaxwaynaha Soma lia. Kulan saxaafadeed ay VOA-du qabanqaabisay bishii May 9-keedii oo madaxwaynaha Som alia kula hadlayay, sida loo dhigay weeye, dhalinyarada Soomaalida, ayaa waxa su’aal waydi isay madaxwaynaha Somalia gabadh sheegatay inay kasoo jeedo deegaamo ay ku magcaw  day Khaatumo taasoo ka cabanaysay in dadka reer Khaatummo la ilaabay oo wax taageero ah la siinin iyagoo hadana u taagan mid-nimada Somalia. Madaxwaynaha Somalia wuxu ku ja waabay oo hadaladiisii ka mid ahaa: “Yaan loo qaadanin sa-sabaada aanu sa-sabayno dadka midnimada diidan in aanu ilawnay dadka iyagu midnimada u taagan”. Isagoo kulamadii uu la qaadanayay dadkiisa sii wata ayuu madaxwaynaha Somalia bishii May 11-keedii taggay maga alada Birmingham oo uu kulan kula qaatay dadka reer Somalia ee daggan magaaladdaas.

Gudoomiyaha xisbiga UCID ee JSL Faysal Cali Waraabe oo isaguna kulan ku lahaa magaaladaas ayaa salaan sharafeed ugu taggay madaxwaynaha Somalia. Runtii sharaxi maayo cidda sal an sharafeed kaa mudan iyo cida kaa mudneyn oo qoraalka ayaa igu dheeraanaya ee laakiin wa xa qalbiga fayaw, mid Islam iyo mid kale-ba, aanu ku siineyn in nin ku dafirsan oo jiritaankaaga kasoo horjeeda aad salaan sharafeed ugu tagto, diplomaasi ahaana waa toogasho aad qaran imadaadii adigu toogatay mar haddii ninkii kasoo horjeeday adigu sharaftay. Waxa xusid mud an Faysal inaanu ficilkan kalli ku aheyn ee dhammaan siyaasiyiinta Somaliland kala simanyiin, qormooyinka dambena waan kaga faaloon doonaa.

Falalka diplomaasiyadeed ee qadiyada qaranimmo ee Somaliland xaalada gunaanadka ah (ag ony) galiyay halkii ayeey si xawli ah ugasii socdeen oo shirkii London ka dib wuxu madaxway naha Somalia ku noqday dalkiisii oo isagoo ka hadlaya munaasibad lagu qabtay meel Somalia ka mid ah 18-kii May ayaa isagoo la hadlaya reer Somaliland yidhi: “Waxa la gaadhay wakhtigii gobolaysiga iyo cadifada la dhaafi lahaa oo midnimada iyo horumarka Somalia laga shaqeyn lahaa”.

Waxa kaloo magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu qabtay shir loogu yeedhay “Shirka dib-u-dhiska, maalgashiga iyo Bandhigga Soomaalida” (Somali Reconstruction and Investment Conference and Exhibition). Iyadoo aynu oggeen sidii Somaliland u diiday shirkii London ee dawlada Ingiriisku qaban-qaabisay ayaa hadana xukuumadda Somaliland ka qayb gashay shirkii Nairobi. Wasiirkii horee ariimaha dibada JSL ayaa isagoo shirkaas ka hadlaya yidhi: “Shirkan waxa qaban-qaabisay hay’yad ka diwaangashan dalka Somaliland wuxuuna ku saabsanaa geeska Africa oo dhan”. Waxa xaqiiqo (facts) ah in hadalka wasiirku been cad uu ahaa. Website-ka hay’yada Hanvard (www.hanvard.com) ee qaban-qaabisay shirkani waxa ay sheegaysaa inay ka diwaangashantay Somalia, Kenya iyo Uganda. Dabcan Somaliland ayeey Somalia u taqaanaaa hay’yadaasi, shirkaasna Somaliland waxa ay ugusoo marti qaaday maamul amma qayb Somalia ka mid ah, taasna waxa xaqiijinaya qoraalkeeda ku aadan ujeedada shirkii Nairobi oo sidatan u dhigaya Somaliland: “A new era has dawned on Somalia and Somaliland and the country is embarking on a dynamic path of political and economic renewal ……etc.” Haddii aan af’soomaali ku turjummo waxa ay tahay: “Waa cusub ayaa u baryay Somalia iyo Somaliland oo dalku wuxu cagta saaray dhabbo xawaaradaysan oo dib u cusboonaysiin siyaasadeed iyo mid dhaqaaleed-ba leh…..” Bal u fiirso habka qoraalkani u dhigganyay. Iyadoo hay’yadu leedahay Somalia iyo Somaliland ayeey hadana dal qudha oo waa cusub u baryay ka hadlaysaa. Mida kale waxa xaqiiqo dhab ah (facts) ku haya in hay’yada Hanvard caalamadda qaranka Somaliland ku dhajisay qoraalka lagaga hadlayay shirkaas ka dib markii wasiirkii horee ariimaha dibadu taggay Nairobi ee uu shirka ka qayb gallay. Waxa aan ilaa maanta gacanta ku hayaa qoraalkii (concept note) shirkaas oo 2-ba weeg ka hor intaanu shirkaasi qabsoomin la daabacay, waxaanan umadda reer Somaliland u xaqiijinayaa inaan caalamadda qaranka Somaliland (National Emblem) ayna ku oolin. Dadaka reer Somaliland waxa aan ku dhiiri galinayaa inay internet-ka ka baadhaan qoraalka shirkaasi iyo hay’yadda Hanvard-ba oo ay hubiyaan waxa aan qorayo amma waxa ay dawladeenu innoo sheegayso. Dabcan shirkaas Nairobi istoogasho kale ayeey ku aheyd qadiyada qaranimmo ee Somaliland, xukuumadda Somaliland-na ilaa maanta waxa ay u haysataa inay guul siyaasadeed aheyd.

Kulankii Istanbuul ee Somaliland iyo Somalia

Iyadoo diplomaasiyan la is-odhan karayay wada hadaladii way burbureen madaama dawlada Somalia tallaabo walboo ay qadiyada Somaliland ku wiiqi karto qaaday ayaa hadana Somaliland iyo Somalia markii 4-aad iskugu tageen magaalada Istanbuul ee dalka Turkey-ga bishii July 6-deedii ee sanadkan.

Sidii caada-da u aheyd ayeey waftigii Somaliland u wajaheen kulankii oo 2-dii wafti ayaa Hotel la iskugu geeyay oo dad wada socda oo aan waxbaba isku heyn, iska-daa inay qaranimmo is ku hayaane, ayaa laga dhiggay oo ay isku dhex galeen. Waxa xusid mudan, oo aan rajaynay aa inay reer Somaliland bal in uun wax ka bartaan sida dadka marti galinaya ay u arkaan hab ka iyo jawiga uu wada hadalku ku qabsoomo. Waxa aan u malaynayaa in dadka reer Somalila nd ay adduunka intiisa kale ka dareen duwanyiin oo ayna u fiirsan waxyaabaha dadka dunida kale u fiirsadaane, mar uu wasiirka ariimaha gudaha Somalia u waramayay idaacada BBC-da laanteeda afka soomaaliga bishii July 7-deedii ayuu tilmaamayay in dadku la yaabanyiin sida iyaga iyo waftiga Somaliland ka socday ay u wada sheekaysanayeen oo ay isku dhex gala yeen. Isna wariyihii BBC-da laanta af-soomaaliga ee Istanbuul joogay ayaa July 8-deedii soo warinayay in dadku aad ulla yaabayeen hab-ka ay u wada dhaqmayeen 2-da dhinac ee wada hadlayay.

Hadaba waxa iswaydiin mudan sababta ay dadku ulla yaabayaan, muslim iyo gaal-ba, habka aynu u qaabilayno amma u wajahayno wada hadalka. Waxa haboonaan laheyd in siyaasiyiinta Somaliland ka shidaal qaataan adduunkan aynu ku noolnahay habka la iskula dhaqmo ileyn wa xa aynu aqoonsi ka rabnaa waa quruumaha dunidan ku noole. Mida kale adduunkan korkiisa wax ibn-aadam isku qabto amma iskaga horyimaado waxa ugu wayn qaranimmo sidaa daraa deed wax si fuduud la iskugu hor-fadhiisto maaha oo hay’yadahan iyo ururadan waawayn ee UN-tu ka midka tahay waxyaabaha loo samaystay ayeey kaw ka tahay-ba.

Qodobadii heshiiskii Istanbuul iyo tusaaleyntii kale-ba waxa aan kusoo qaadan doonaa qormadda 6-aad insha Allah.



Iid Xasan Aw Muuse,

Somaliland Activist

iidsl@hotmail.com

London