Wadaada Jigjiga ilaa Wajaale oo La Furayo iyo 18Km ee ilaa Kalabaydh oo lagha tagay Markii Xukuumadda Somaliland Lacag u Wayday.

 



“18 km ee ilaa Kalabaydh waa wadada ugu xun Somaliland” Melese Mamo, Madaxa Dhismaha Wada da ee Shirkadda Akir Construction

Hargeysa (TNN)- Jidka isku xidha magaaladda Togwajaale iyo Jigjigga ayaa bishan xadhiga laga jar ayaa kaas oo dhererkiisu dhan yahay 64.3 Km, jidkaas oo dhismahiisu socday muddo 3 sanno iyo b adh, oo ay wadday shirkad laga leeyahay dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Akir Construction Plc.

Sida lagu sheegay Wargeyska Fortune ee amuuraha ganacsiga ka faalooda ee ka soo baxa Dalka Itoobiya, waddadan ayaa ay ku baxday lacag dhan 353 milyan oo Birr. Waddadan oo ayaa sida  la gu waday hore ay u qorshaysnayd in la soo gaadhsiiyo tuuladda Kalabaydh, ayaa aanay  suurta galin ka dib markii Xukuumadda Somaliland ay ku guuldaraysatay inay lacagtaasi ku soo xarayso wakhtigii loo baahnaa, iyadoo lacagtaasna sida lagu waday ay bixinaysay Midawga Yurub. Meles Mamo oo ah madaxa mashruuca dhismaha waddadan ayaa isagoo arrintaasi ka hadlaya yidhi, “In aanu waddada ku dayno oo gaadhsiino oo kaliya magaaladda Wajaale, halkii ay ahayd in aanu  gaa dhsiino Kalabaydh waxa keenay ka dib markii ay Xukuumadda Somaliland ay soo xareyn waayday kharashka ku baxaya waddada eek u soo hagaagayey, waana waddada ugu xun Somaliland, taas oo u baahan kharash dheeraad ah oo qiimahiisu dhan yahay 67 milyan oo Birr.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa hore u sheegay in  lacag ta ku baxaysa waddadan ay u bandhigeen Midawga Yurub, taas oo illaa hadda lacagta ay ka  hele en ay tahay mid ay kafaynaysa hawlaha loogu gogol-xaadhayo oo kaliya dhiska waddaasi.

Wasiirka oo u waramayey Wargeyska ayaa yidhi, “Xukuumadda Somaliland waxay xidhiidh la  sama ynaysaa cid kasta oo danaynaysa maalgalinta mashruucan, oo aanu filayno in dalka dhawaan  mad axbannaanida qaadanaya ee Koonfurta Suudaan in uu dakadda Berbera ku xidhmo iyadoo  wadda du sii dhexmaraysa dalka Itoobiya.”

Waxaana wasiirka uu sheegay in waddadan cusubi ay labadda dal ka caawin doonto isku socodka, ka dib markii uu istaagay duulimaadkii Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airline, waxa kale oo uu wasiirku Itoobiya u soo jeediyey in Wajaale iyaduna dhinaceeda Degmo uga aqoonsato, sida ay  So maliland yeeshay muddo 18 bilood ka hor Degmo ugu aqoonsato, sibuu yidhi, labada dal  cashuura ha iskaga kaashadaan.

Dhinaca kale, hay’adda Cuntadda Adduunka ee WFP, haweenay u hadlaysay ayaa soo dhawaysay dhismaha waddadan iyadoo sheegtay in marka la dhamaystiro ay dib u bilaabi doonaan hawlaha daabulka raashinka Itoobiya loo wado ee dakadda Berbera ay kala soo dagi jireen, kaas ay  joogs aday bishii May ee sannadkii 2010 ka.

Nin u hadlayey haya’da Wadooyinka ee Itoobiya ee ERA, ayaa sheegay inay wadadani faa’iido  we yn u leedahay labada dal, gaar ahaan gobolka Soomaalidu dagto, halkaas oo dalka Itoobiya ay dak adda Berberi u noqon doonto meel muhiimad u leh oo ay wax kala soo dagaan, marka wadada la dhamaystiro.
 

 

Source: Waaheen