Wadahadallo la
Xidhiidha Shirka London oo u Socda Dawladaha Somaliland iyo
Ingiriiska
“Waxaa laga shaqaynayaa sidii loo heli lahaa hab lagu wada qanacsan
yahay oo Somaliland k aga qaybgeli karto shirka arrimaha Soomaaliya
ee ka dhacaya magaalada London”
Hargeysa (TNN)- Wadahadallo la
xidhiidha qaabka Somaliland uga qaybgeli karto shirka arrima ha
Soomaalida ee ka qabsoomi doona magaalada London, ayaa si wadajir ah
uga dhex socda dawladaha Britain iyo Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaa waxa wadajir ugu dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Dibedda
Somaliland Dr. Maxamed Cabdi llaahi Cumar iyo Wasiirka Xafiiska
Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka u qaabilsan dawl adda
Ingiriiska Mr. Lord Howell, kuwaasoo caddeeyey in labada dal
leeyihiin wadaxajood la xidhiidha qaabka Somaliland uga qaybgeli
karto shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee 23 February 2012
ka dhici doona magaalada London.
Sida lagu baahiyey bogga wararka internetka ee Baarlamaanka
Ingiriiska, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka ee
Britain Mr. Lord Howell oo ka jawaabayey su’aal uu shirka London ka
waydiiyey mudane ka tirsan baarlamaanka dalkiisa, waxa uu sheegay in
shirkaas lagu martiqaaday Somaliland, balse hadda labada dhinac u
socdaan wadahadallo ku saabsan sidii Somaliland shirkaas uga
qaybgeli lahayd hannaan labada dawladoodba ku qanci karaan.
“Shirka London waxa lagu casuumay Somaliland, martiqaadka Somaliland
loo fidiyeyna waxa d aba socda wadahallo iyo wada-xaajoodyo u
dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska, waxana laga shaqaynayaa sidii
loo heli lahaa hab lagu wada qanacsan yahay oo Somaliland kaga
qaybgeli karto shirka arrimaha Soomaaliya ee ka dhacaya magaalada
London. Aad baannu u rajaynay naa in Madaxweyne Siilaanyo ka
qaybgeli doono shirka London. Somaliland waxay leedahay khibrad la
doonayo in lala wadaago si loo sameeyo xasiloloni buuxda oo ka
hirgasha Gobolka geeska Afrika.
Waxa kale oo shirka London lagu martiqaaday dawlado badan iyo ururro
kala duwan oo saamayn la leh Soomaaliya, waxaanunaaad ugu
faraxsanahay in aannu sheegno inay shirkaas ka qaybgeli doonaan
madax sare oo ka socda Gobolka Geeska Afrika. Tusaale ahaanl dalalka
Itoobiya, Kenya Uganda iyo beesha caalamkaba sida Turkiga, Qadar,
Nayjeeriya, Sweden iyo Midowga Yurub, wakiillo ka socda dalka
Soomaliya, Midowga Afrika iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay,”
ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka u
qaabilsan Boqortooyadda Ingiriiska.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed
Cabdillaahi Cumar oo khadka telefoonka ugu warramay Jamhuuriya
shalay isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxa
uu shaaciyey inay dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska u socdaan
wadahallo ku saabsan qaabka Jamhuuriyadda Somaliland uga qaybgeli
karto shirka London.
“Waxa jira wadahadallo u socda dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland
oo la xidhiidha qaabka Somaliland uga qaybgeli karto shirka London,
maadaama Somaliland aanay la mid ahayn maamullada iyo kooxaha ka
jira Soomaaliya ee shirkaas ka qaybgelaya, markaa iyadoo Somaliland
ku jirto wadatashiyo la xidhiidha shirka London, haddii tallada
qaran noqoto in shirkaas laga qaybgalo waxa meesha taal sidee ayey
Somaliland shirkaas uga qaybgeli kartaa? Waxaanan doonanaynaa in
dawladda Ingiriiska iyo beesha caalamkuba go’aamiyaan qaab lagu
qanci karto oo shirkaas lagaga qaybgalo.”
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa kaloo uu sheegay inuu Addis Ababa
kulamo kula yeeshay Wasiirrada Arrimaha Afrika iyo dhinacyada
horumarinta u qaabilsan dawladda Ingiriiska, isla markaana ka
wadahadleen qodobo la xidhiidha iskaashiga labada dawladood iyo
shirka London.
Waa markii u horreysay ee uu bannaanka u soo baxo in wadahadallo ku
saabsan shirka London u socdaan dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland.
source:
amhuuriya
|