WADDANI TORONTO :TAAGEERO DOODA QARAN

 “ NATIONAL DEBATE”

 


Guddigga & Taageerayaasha Xisbigga WADDANI ee Toronto waxay isugu yimaadeen kulan ay ku lafo- gureen xaaladda guud ee Somaliland iyo “ Dooda Qaran” ee ay qaban qaabinay aan labada Xisbi Mucaarid ( WADDANI & UCID). Falanqayn dheer ka dib, waxay isla qaate en qoddobaddda soo socda:

Waxaanu taageero buuxda - cilmi , caqli, iyo maalba - u fidinaynaa “ Dooda Qaran”, oo aa nu u aragno dood cilmiyeed “ Symposium”, lagu lafo guraayo dhibaatooyinka Somaliland ka taagan, iyo sidii xal loogu heli lahaa.


Waxaanu u aragnaa Dooda Qaran inay beddel u noqon doonto “ Shir Beleedyadda” isdaba jooga ah oo aanay wax faa’ido ahi kasoo bixin.
Dooda Qaran waxa kasoo qayb geli doona bulshadda rayidka ah qaybaheeda kala duwan- Ardayda, Haweenka, Madax dhaqameedka, culm’udiinka,Wax-Garadka, siyaasiyiinta, iyo qaybo kale oo fara badan . Waa dood cilmiyeed salmi ah oo sal balaadhan oo qof waliba fikirkiisa xorta ah ka diiban doono.


Waxaanu ku boorinayna Xukuumadda & Xisbul _Xaakimka inay si niyad sami ah uga soo qayb galaan “ Dooda Qaran”, soona bandhigaan waxay umadda u qabteen mudadi ay ka talinayeyn dalka JSL. Sida laga warqabo, Xukuumaddu waxay taageero iyo hantiba u fidisa “Shir Beleedayadda”. Waa inaanay carqalad ku noqon “Dood Cilmiyeed Qaran ”.
Dawlada Maxadweyne Axmed Maxamed Silaanyo iyo Xisbi xakimka waxaanu xusuusinayna in ay ka qayb qaateen markay xisbi Mucaaradka ahaayeyn Dood Qaran oo la mid ah tan hada joogta kuna baaqeen qodobo la mid ah kuwa maanta laga doodaayo. Ilowshiinya dhawa Dawlada madaxweyne Silaanyo iyo xisbiga Kulmiye durba ma ilaabeyn waddaday u soo marayn taliska dalka



Alla Mahad-leh.
Xubnaha bayaayankan wadajirka u soo saaray:

Jama Herad Jama- Gudomiyaha Laanta Toronto
Yasin Abdi Hassan- Gudomiye Ku-Xigeenka
Zuhuur Hassan Abib- Gudomiyaha Garabka Haweenka
Ali Hassan Maygaag- Afhayeenka
Mustafe Ismail Geele- Xoghayaha Dhaqaalaha
Prof. Ibrahim Absiye
Prof. Ali Sugal
Awil Mohamoud
Ali Ibrahim
Ahmed Adam Doobaje
Khader Isse
Ahmed Abdi Da’ad
Amina Abdi Jama
Zeinab Indhayare
Nura Xaliye
Ahmed Adam Marayare
Obied Mogeh
Abdirazak Mohamed
Abdirahman Abokor
Ali Sudi
Ahmed Ismail Ereg
Mohamoud Abdillahi Awed