Wafti ay Hogaaminayaan Madaxda Kulmiye waa Muse Biixi iyo Maxamed Kaahin Oo Si diiran Loogu Soo dhaweyey Caasmida Dalka Chine Ee Beijing.....(Sawiro)


 

 


Beijing, 17 Dec ,2011 (TNN)- Wefdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Xukuumadda So maliland ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, oo socdaal booqasho todobaadyo ah ugu baxaya shalay Jimcihii 16 Dec, 2011, dalka china ,ayaa maanta ka degey xarunta Caasimada dalkaa ee Beijing, sidaana waxa lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Xisbiga Kulm iye ,qaybtiisa waxrbaahinta ee Magaalada Hargeysa.

Xubnaha wefdiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ,waxay ka degeen madaar ka Caalamiga ah ee International Airport ka Beijing, waxaana halkaa si farxad leh ugu soo dhaweeyey madax sare oo ka socotay dowlada china, kuwaas oo ay ku jiraan Maayarka caasimada Beijing Mr: Dong iyo saraakiil sare oo ka socotay xisbiga talada wadankaa haya ee loo yaqaan China communist party.

Sidoo kale wefdiga Kulmiye ,waxa halkaa ku soo dhoweeyay oo weheliyay masuuliyiinta soo dhowaysay ganacsato waawayn oo ah kuwa maamula shirkadaha waaweyn ee dalka Chi na.


Dhinaca kalena, kooxo ka socday dhalinyarada waxbarashada u joogaa dalkaa iyo xubno ka socday jahliyada reer somaliland ee dagan wadanka china ayaa ka qayb qaatay soo dhow aynta wefdiga, waxaana xubnahaa wefdiga loo gelbiyay Huteel loo qorsheeyay, iyadoo ay sida lagu sheegay qoraalkaa kooban ee kasoo baxay safarkooda casho sharaf loo sameey ay wefdiga Kulmiye eek u sugan China.

Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka Somaliland ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo ay safarkaa ku weheliyaan Masuulliyiin sar sare oo ka tirsan Golaha Fulinta ee xisbiga Kulmiye, oo ay ka mid yihiin; Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ah Afhayeenka xisbiga iyo Mudane Axmed Cabdi Xuseen oo ah xidhiidhiyaha hawlaha xisbiga, waxay mudada ay halkaa joogaan kula mo la yeelayaan masuuliyiin ka tirsan xukuumadda dalka china, ganacsato iyo saraakiil ka tirsan xisbiga China communist party.