Wafti Ka Kooban 9 Maayirada Oo Galabta Safar Ugu Baxay Dalka Tansaaniya

 



Waa markii ugu horeysay ee Tirro Maayiro ah oo intaas leegi Safar shaqo ugu baxaan Dalka

Hargeysa (TNN):-Mayirada 9 Degmo oo Somaliland ah ayaa Galabta Safar ugu baxay Dalka Tansaaniya oo ay casuumad ka Helen golaha deeganka Caasimada Tansaaniya, Maayiaradan ayaa ka kala Socday Magaalooyinka Hargeysa, burco, Boorama, Gabiley, Berbera, laascaanood, Ceerigaabo, Saylac iyo Caynaba waxanu Safarkoodu qadan doona Muddo 4 Cisho ah.

Waxayna Galabta ka Dhoofeen Madaarka Cigaal Internation ee Magaalada Hargeysa.

Shirkaasi ayey ku tilmaamen in uu yahay mid qiime weyn ugu fadhiya Degmooyinka Somaliland, Wana markii ugu horeysay ee Tirro Maayiro ah oo intaasi leeg ay Safar shaqo ugu baxaan wadan Afrika ah.