Wafti Ka Socda Itoobiya Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland

 

Waftigan oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guud ee Jaamacadda  w eyn ee ADMAS ee dalka Itoobiya oo ay wehelinayaan Guddoomiye ku xigeenka Baanka la yidhaahdo lion International Bank ee dalka  Itoobi ya iyo saraakiil kale ayaa waxa ay kula kulmeen qasriga Madaxtoo yada Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin.

Waftigan oo ka soo talaabay xuduuda labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland ee Wajaale waxa soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Cismaan Qaasim Qodax waxaana la sheegay ujeedada safarkoodu inay la xidhiidho arrimao dhinaca ganacsiga ah.

Kulanka ay wada yeesheen waftigan iyo Madaxweyne ku xigeenku wax war ah lagama soo saarin, balse warar u dhuun daloola waftiga ayaa sheegaya inay u socdaan sidii ay dalka uga fulin lahaayeen Mashaariic Ganacsi oo la xidhiidha dhinaca Baananka iyo Horumarinta Waxbarashada.

Jaamacada ADMAS ee dalka Itoobiya ayaa Xarun weyn ku leh  Maga aladda Hargeysa waxaana dhigta Arday farabadan oo reer  Somalila nd ah kuwaasoo xidhiidh dhinaca waxbarashada ah la leh dalka  Itoob iya waxaana la filayaa socdaalka saraakiisha itoobiyaanka ah inay xukuumadda ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa meel marinta iskaashiga ka dhaxeeya.

 


Waaheen