Wafti Ka Socda Xukuumada Somaliland Oo Maanta Gaaray Maga alada Muqdisho Si heer sare ahna Loogu soo Dhaweeyey.

 


Muqdisho,24 September 2011 (TNN)-Wafti Heer Qaran ah oo Ka Socda Xukuumada Somaliland ayaan Maanta Soo gaa ray Magaalada Muqdisho. Kadib Markii Ay ka so o degeen garoonka wayn ee Aadan Cade Intenat ionl airport ayaa waxaan ku soo dhaweeyey ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir oo uu hogaaminayay guddoo miyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. odayaal dhaqameeydyo haween, barbaarta gaashaaman, fannaaniinta qaranka iyo ururada bulshada rayid ka ah.


Xubnahan ka socday Xukuumada Soomaliland ee deeqda u wada walaalahooda Soomaaliyeed ay aa markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha waxay mid mid u gacan qaadeen dhamaan da dweynihi ku soo dhaweeyay garoonka, iyadoo fannaaniinta hobolada Waabarina ay halkaasi ku soo bandhigeen heeso ay ku soo dhaweeynayaan wafdiga ka socda maamulka Somaliland.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland ahna hoggaamiyaha wafdigan Xasan Axmed Cawad oo saxaafadda kula hadlay garoonka ayaa ka warbixiyay socdaalkan ay ku yimaadeen Magaalada Muqdisho waxa uuna sheegay in ay ka damqanayaan abaarta heyso walaalaha Soomaaliyeed ee ku sugan koofurta Soomaliya.

Sidoo kale guddoomiyaha maamulka gobalka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ku soo dhaweeyay garoonka wafdiga ka socda Somaliland ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay gargaarkan ay keeneen walaalaha reer Somaliland Sidoo kale Waxay Wafti kale oo ay hogaaminayaan Xubno Wasiiro ah ayaa ku ticitimaday Xeryaha qoxoontiga ee Somalidu u qaxday ee ku yaala Dalka Ethiopia iyo Kenya

SMC