Wafti uu hogaaminayo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdirax man oo safar shaqo ugu ambabaxay Qaarada Yurub iyo ujeedooyinka uu la xidhiidh safarkoodu

 


 


Wafti uu hogaaminayo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo si diiran loogu soo dhawe ey ay Caasimada Dalka Sweden ee Stockholm


Hargeisa (TNN):- Suldaanka Guud Ee Beelaha Sacad Muuse Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxma an Sh Muxumed Oo Ay Wehelinayaan Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada Somaliland oo uu Ka Mi d Yahay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare,Asxaabta Qaranka iyo Saraakiil kale Ayaa Safar gaara ugu Ambabaxay Qaarada Yurub Gaar Ahaan Waqooyiga Yurub, Waxaa na Ujeedada Safarkani Tahay Sidii Shacabka Somaliland ee Ku Dhaqan Qaarada Yurub Ay Kula mo Xog-waraysi Ah ula Yeelan Lahaayeen, Waxaana Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Subaxni madii Hore Ee Saaka Waftiga Uu Hogaaminayo Suldaanku Garoonka Diyaaradaha Caasimada S weden Ee Stockhom,


Waftigani Ayaa kulamo kala duwan La Yeelan Doona Shacabka Qurbejoogta reer Somaliland e e Ku kala Nool Qaarada Yurub Ayaa ah Kuwo Suldaanka iyo Waftiga la Socdaa ugaga xogwar ami Doonaan Shacabka Reer Somaliland ee Ku Maqan Dalka Dibediisa Ulana Socodsiin Lahaaye en Xaalada Dalku Marayo iyo sidii loo horumarin lahaa shaqsi kasta oo reer Somaliland ahina uga shaqayn lahaa Qadiyada Qaranimada Somaliland jiritaankeeda.

Waxaana Ujeedada Waftigan Uu Hogaaminayo Suldaan ismaacill Suldaan C/raxmaan uu yahay mid ku Qotoma Sidii Shacabka Reer Somaliland oo Dalka Ka Maqan loo Dareensiin lahaa Xaalad a Guud ee dalku Marayo iyo Sidii loosii Xoojin lahaa Kaalintii Horumarineed Ee Muwaadiniinta Q urbejoogta ahi ku Lahaayeen dalka usii Libin laabi lahaayeen.
Waftigan Ayaa Socodaal Qaadan Doona Maalmo kooban Kulamo Kala Duwan Kula Yeelan Doon a Qurbejoogta Somaliland eek u dhaqan qaarada yurub.

Inta La Ogyahay Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan Muxumed Oo Ka Mida Bahda Dhaqanka reer Somaliland isl Markaana ah xubin katirsan golaha Guurtida Ayaa Door Laxaad Leh Kasoo Qaatay Nabadayntii Qarankan Somaliland isagoo suldaanku si gaara ugu suntan Dhex dhexaadi nta iyo ka Shaqaynta Colaado kala duwan oo soo dhexmaray qaar kamida beelaha Somaliland, Waxaa sidoo kale suldaanku uu ka shaqeeyey Wakhti laga Joogo billo ka hor inuu Gog-gol isug u keenay Musharaxiinta labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani Oo Xafiiltanka Hirdanka Ololaha Doorashadu Sababay in Hadalo Xanaf leh ay isu mariyeen warbaahinta taas oo uu suldaanku u arkay in ay kala fogayn karto jiritaanka iyo wada noolaanshaha shacabka reer Somaliland.

Isku Soo Duuduuboo Suldaanka Ayaa Lagu Xasuusan Doonaa Xalinta Khilaafaad Faro badan O o Ay kamid Yihiin Asxaabta Qaranku Doorkii uu ka ciyaaray iyo sidii Uu u Afjaray Mushkiladahaasi.