Wafti uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo London soo gaadhay............Daawo Sawiro


 


London(TNN)- Waxa xalayto abaaro 11 habeenimo saacada London kasoo degay Airportka Heath row International Airport wafti balaadhan oo uu hogaaminaayey Wasiirka Arimaha Dibada Somal iland Dr Maxamed Cabdilaahi oo ayku weheliyeen,Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaji Ca li...Waxa soo dhaweeyey madaxsare oo ka tirsan safaaradda Somaliland oo uu hogaaminaayo Cali Aadan Cawaale,Gudoomiyaha SSUK Cabdale Qaasim,Agaasimaha TV qaranka Somaliland Khadar Cal i Gaas,Gudoomiyaha Somaliland West London Community Iimaan Maxamed Ciise iyo shacab kale oo Reer Somaliland ah, Waxa madaxda lagu soo dhaweeyey si aad u qurux badan. Waxa kale oo la ii xaqiiijiyey in Madaxweynaha Somaliland iyo Marwadiisu ay shalayto 5 galabnimo soo gadheen Lon don.


Waftiga uu hagaaminaayey Wasiirka Arimaha Dibada Dr Maxamed Cabdilaahi waxa ay ka soo kici timeen dalka Turkey oo ay kaga soo qaybgaleen wadahadalo u dhexeeyey Somaliland iyo Somalia, shirkaas oo laga soo saaray qodobo muhiim ah, Waxa sida aan warar xogogaal ah ku hayo la ii she egay in dhawaan waftiga culus ee ku sugan dalkan Ingiriisku ay u ambabaxi donaan dalka Mareyk anka oo ay casumad ka heleen.

Wixii kasoo kordha waftiga waxaan Hadii Illahay yidhahdo idiinku soo gudbin donaa qaybahayaga danbe.



 


Xamse Axmed Salaan
London