Wafti uu Hor Kacayo Madaxweyne Ku-geenka S/land oo Maanta Boorama Soo Gaadgay

 


Wafdigii uu horkacayey madaxweyne ku-xigeenka soomaaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta gelinkii hore soo gaadhay Boorama, isagoo halkaasi ay kusoo dhaweeyeen boqollaal ka tirsan dadweynaha ku nool Boorama daafaheeda iyo maamulka dawladda heer gobol ilaa heer degmmo.

Wafdigan oo kasoo kicitimay magaalada xariirad, ayaan oo maanta gelinkii ka sasanayey socdaal dheer, ayaa la filayaa in hawshiisu caawa bilaabato wakhti saacado koobanai ka hadheen diiwaangelinta codbixiyayaasha la doonayo in 23 ka bishan laga bilaabao Gobolka awdal.

Sidoo kale wafdi ka socda maamulka sare iyo hawlaha diiwaangelinta, uuna horkacayey guddoomiyaha.

komishanka diiwaangelinta, ayaa iyagauna maanta soo gaadhay, iyagoo ay la socdaan hawlwadeenno tiro badan oo ka qayb qaadan doona hawsha diiwaangelinta codbixixiyaasha.

Guud ahaanba jawiga magaalada ayaa maanta deggen, balse waxa jira dareenno kala duwan, welwel iyo farxad qaybaha kala duwan ee dadweynuhu kusoo dhaweynayaan hawlaha diiwaangelinta.

Si kastaba ha ahaatee, waxay hawlahanai bilaabanayaan iyadoo ay jirto kala daadsan badan oo la xidhiidha dhinaca diyaargarawga ,balse lagu rajoweynyahay in si buuxda looga gun gaadho.
 

 



Harowo