Wafti Uu Hugaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Manta U Ambabaxaya Dalka Shiinaha

 

 

Mujaahid,Mudane Muse Biixi Cabdi

 


Socdaalka weftiga KULMIYE ku tegayo dalka Shiinaha , waxa uu ku saabsanyahay.......



Hargeysa (TNN) Wafti uu hugaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa la fil ayaa in ay manta Socdaal ugu kicitimi doonaan Dalka Shiinaha

Guddoomiyaha xisbiga, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa socdaalkiisa ku weheliya Masuulliyiin sar sare oo ka tirsan Golaha Fulinta ee xisbiga KULMIYE, oo ay ka mid yihiin; Mujaahid Maxamed Ka ahin Axmed oo ah Afhayeenka xisbiga iyo Axmed Cabdi Xuseen oo ah xidhiidhiyaha hawlaha xisbi ga.

Socdaalka weftiga Kulmiye ku tegayo dalka Shiinaha waxa uu ku saabsanyahay martiqaad rasmiya oo hoggaanka sare ee xisbiga talada haya Dawladda Jamhuuriyadda Shiinaha uu ku casuumay hog gaanka xisbiga Kulmiye.

Waftigan ayaa la filayaa in ay dalka Shiinaha ku maqnaan doonaan muddo kal todobaad ah.Masuu lliyiinta Xisbiga KULMIYE mudada ay booqashada ku joogaan Dalka Shiinaha, waxay la kulmi doona an madax sare oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriyadda Shiinaha.

Labada dhinac waxay yeelan doonaan wadahadalo ku saabsan xidhiidhka iskaashi iyo wax wada q absi oo dhexmari doona labada xisbi xaakim ee labada Jamhuuriyadood, Shiinaha iyo Somaliland.

Waxa kale, oo weftiga Xisbiga Kulmiye la kulmi doonaan masuulliyiin ka tirsan Xukuumadda Shiinaha iyo madaxda qaar ka mid ah Shirkadaha ganacsi ee Shiinaha iyo kambaniyada caanka ku ah maalga shiga debedda.

 



Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office