Waftiga balaadhan oo u hogaaminaayo G/Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada JSL C/Casiis Maxamed Samaale oo booqday Allaybaday

 

Waftiga booqday Allaybaday ee uu hogaaminaayo G/Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada JSL C/Casiis Maxamed Samaale waxa ku wahelinaayay masuuliyiin sare uu ka mid yahay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Duulista hawada Amed Cumar Cagadable , Maayar kuxigeenka degmada Gabiley Khadra X Gaydh iyo Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Gabiley C/risaaq Sh Aadan Cali waxayna ujeedada safarkoodu la xidhiidhay laba arimood oo kala ah qiimaynta dab shalay qabsaday Maherado ku yaala badhtamaha magaalada Allaybaday oo khasaare wayni kasoo gaadhay ganacsatadii maheradaha ku lahayd iyo dhismayaashii meheradahaasi kuyaaleen iyo olole balaadhan oo ay dadka deegaanka degmada allaybaday kuwacyigalinayeen sidii ay ugu diyaargaroobi lahaayeen diiwaangalinta.

Waftigaasi waxa ay soo mareen tuulooyinka hoos yimaada Degmada allaybaday waxaanay dadwaynaha deegaanadaasi ku nool kala hadleen meelo fagaarayaal ah waxaanay u sharaxeen faaidada ay diwaangalinta iyo kaadhka muwaadinimadu ay u leeyihiin,iyagoo dadka u sheegay in ay usoo baxaan oo ay qaataan labada kaadh ee lasiin doono si ay ugu codeeyaan doorashooyinka soosocda .

Markii ay soo gaadheen Xarunta Degmada Allaybaday waxa ay booqdeen goobtii shalay dabku qabsaday waxaanay indha-indheeyeen baaxada uu leegyahay khasaarihii shalay uu dhaliyay dabkii qabsaday Meherado Ganacsi oo gaadhaya 14 maheradood kuwaasi oo dhamaantood shufbeelay wixii hanto hoos taalayna ay ku baaba’day.

Gudoomiyaha degmada Allaybaday warbixin uu waftiga goobtaasi kusiiyay waxa uu ku sheegay khasaaraha goobtaasi ka dhacay in ay degmo ahaan ku qiyaaseen lacag gaadhaysa 480200 dollarka maraykanka ah waxaanu baaq usoo jeediyay in la caawiyo loona gargaaro dadka khasaarahaasi soo gaadhay oo dhibaato wayni haysato .

Gudoomiye kuxigeenka golaha wakiilada JSL C/casiis Maxamed Samaale iyo Wasiir kuxigeenka oo dadwaynaha allaybaday kala hadlay burburkii goobta uu dabku qabsaday ayaa dadwaynaha ka tacsiyadeeyay khasaarahaasi soo gaadhay waxayna u balan qaadeen in ay gaadhsiin doonaan baaq caalamiya Hay’adaha iyo Xukuumada somaliland si wax loogala qabto khasaaraha soo gaadhay ganacsatadaas, sidoo kale waxa ay dadwaynaha ku wacyigaliyeen in ay usoo baxaan diiwaangalinta .
 

 

 

 


Ismaaciil Cabdi Hilqad

Allaybaday