WAR-SAXAAFADEED


Waftiga Jamhuuriyada Somaliland uga qayb-galayey wada hadalada dalka Somaliya oo ku sugan ma gaalada Addis-ababa xarunta dalka Ethiopia, oo maal-maha inagu soo aadan u amba bixi-doona dal ka Turkiga, ayaa maanta magaalada Adis- ababa kulan, kula yeeshay madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Obasango.

Waftigan oo uu hogaaminayay wasiirka Arrimaha debadda Somaliland, Mudane, Maxamed Biixi Yoo nis, waxa kulankaasi ku wehelinayay wasiirka madaxtooyada Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaa na madaxweynihii hore ee dalka Nigeria uga xog warameen marxaladihii kala duwanaa ay Somaliland soo martay nabadaytii beelaha, dhismaha dowladnim iyo sababihii keenay in qarinameeda dib-u-la soo noqoto Jamhuuriyada Somailand.

Waftiga waxay sharaxaad mug leh ay ka siiyeen madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Obasango, gu ud bahaanba xaalada jamhuuriyada Somailand. Heerarkii nabadgalyo, dhismaha dowladnimo iyo dimo qraadi yada Somaliland ay ku talaabsatay oo ku dhisan dhidibo adag oo qawaaniin iyo sharci distoori ah ku qotanta.

Waxa kaloo intaas ay ugu dareen xog waranka ay siiyeen madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Obas ango. In Somaliland kaalin nabad-galyo oo muhiin ah kaga jirto gobolka geeska Afrika, oo dhibatooy in badan oo soo jiitamay oo mahadhi waaya ka jireen mudo dheer.

Madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Mr. Obasango. oo horeba xog buuxda uga haystay xaalada Som aliland, waxa uu ku amaanay dowlada iyo shacabka Somaliland horumarka ay gaadhay iyo talaaboo yinka ay qaaday oo mudan iyo kuwo u noqonkara tusaale wanaagsan oo inay ku daydaan ay tahay wadamo badan oo ictiraaf haysta, waxaanu xusay Mr. Obasango. Muhiiimada iyo sida loogu baahan yahay in beesha caalamku barbar istaagto dadaalka ay wado dowlada Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Kulankan oo ahaa mid qiimo gaara u leh labada dhinacba ayaa ku soo gabagaboobay jawi wanaagsan

 

 


ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.