WAFTIGII MADAXDA UCID OO BOOQDAY AQALKA BAARLAMAANTA EE ENGLAND

 

Wafti heer sare ah oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Barlamaank Somaliland C/raxmaan Maxamed C/lahi Ciro iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali waraabe oo ay weheliyeen Gudoomiye kuxigeenak koowaad Adan Maxamed Mire Waqaf iyo C/nasir Yusuf Cismaan, Xamse Ahmed Salaan ayaa manta booqday aqalka marlanaaka dalkan England halksaoo aad loogu soo dhaweyey


Waxa Aqalka Barlamaanka dalka England kusoo dhaweyey Mudane ka tirsan aqalka barlamaanka dalka England Allen Michael oo ahna German and Secretary of all party Parliamentary Group iyo Gabadh iyana ka tirsan barlamaanka dalka england Kerry McCarthy oo labaduba u ololeeya qadiyada Somaliland iyo weliba madaxsare oo ka tirsan dalka engiriiska.

Intaas ka dib waxa madaxda uu hogaaminayo Gudoomiyaha barlanaanka Somaliland warbixino siiyeen guud ahaan Xalada Somaliland iyo sida aw u qabsoontey diiwaangelintu isagoo Gudoomiyuhu aad ugu dheeradey,Gudoomiyaha Barlamaanka waxa uu ka dhawajiyey in guud ahaan diiwaangelintii ay si wanagsan u dhacdey .

Waxa isna warbixin dheer oo qiimo badan ku fadhiday siiyey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna Musharaxa Madaxweynaha Somaliland UCID Eng Faysal Cali waraabe oo aad ugu amaanay sida wanagsan ee losoo dhaweyey iyo weliba sida ay had iyo jeer u garabtaagan yihiin qadiyada Somaliland isaga oo Gudoomiye Faysal uu madasha ka sheegay hadalo ay ka mid ahayeen in dhaqaalaha lagu caawiyo Somaliland ay sitoos ah loosiiyo oo aan cidkale losoo marin waxa kale oo uu gudoomiye faysal sheegay ay Insha Alaa filayaan in dorashada soo socota ay si kalsooni ku jirto u dhici dooonto sidii kuwii kuwan ka horeyey ay u dhaceen iminkana loo bahan yahay inay caalamku u fidiyaan ictiraaf buuxda.

Intaas ka dib waxa isna madasha ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka kawaad Adan Maxamed Mire Waqaf oo mahadnaq usoo jeediyey dalka engiriiska sida wanagsan ee ay noo qaabileen gaar ahaan madaxda u ololeeya qadiyada Somaliland warbixin koobana kazoo jediyey.

Warbixintaa ka dib waxa hadalkii la wareegay Allen Michael oo mahadnaq usoo jeediyey waftiga uu Gudoominayo gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland isagoo sheegay in aan ka war hayno sida wanagsan ee diiwaangelintu u dhacdey rajeynaynana in sidasoo kale ay u dhacdo ta madaxtooyadu waxa kale oo Allen Michael uu ka dhawaajiyey in dhawaan la filaayo in Madaxweynaha Somaliland uu socdaal ku iman doona Dalkan Engiriiska, Waxa kale oo Allen Michael maykal ka dhawaajiyey in commonwealth ay Somaliland ka tahay xubin sidoo kale
Wax uu sheegay in International parlimentry union ay Somaliland xubin ka noqotey uguna hanbelyey waftiga isagoo Allen Michael waftiga mesha ku gudoonsiiyey buugaag ku sabsan Somaliland iyo horumarka ay ku talaabsatey.

Sikastaba ha ahaate waxay ahayd boqashadii waftiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland mid si heersare ah u dhacdey iyadoo madasha ay ka muuqatey farxan iyo horumar usoo hoyatey dhamaan Umada Reer Somaliland.

 


Togaherer