Waftigii Madaxwaynaha Somaliland oo maanta Gaadhay Malaagada Ankara ee Dalka Turkeyga.
 


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo)
 

Ankara (TNN)-madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa gaadhay caasimada dalka turkiga ee Ankara,halkaas oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaraha oo ay kaga hor yimaadeen masuuliyiin sar-sare oo ka socda dawlada turkiga.


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) iyo weftigiiisa waxa lagu qaablay Hab-maamuus sare, waxaana la filayaa in 48-ka saacadood ee soo socda uu ka qayb-gelid oono shirka wada hadlalada Somaliland iyo Somaliya ee sida rasmiga uga furmaya dalka Turkiga gaar ahaan magaalo madaxdiisa Ankara
 

 



Timaacde News Desk
Ankara, Turkey