Wajaale: Ciidanka Itoobiya oo qabtay lacagtii ugu badnayd ee la doonayay in sharci-darro lagu soo geliyo Somaliland

 


igjiga 26, January 2011 (TNN)- Booliska gobolka Is-maamulka Soomaalida Itoobiya ee Xuduudka ay  So maliand la wadaagaan, ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen nin doonayay inuu magaalada Wajaale kala soo talaabo lacag xaddigeedu badan yahay oo been-abuur ah. Siday faafisay shabakadda WIC ee Itoobiya oo soo xiganaysa Taliyaha Booliska Ciidanka baadhista Itoobiya ee Wajaale Mr. Maxa med Muxumed, ninkan oo shalay la qabtay waxa uu sitay lacag dhan 103,900 USD. Warku wuxuu intaa ku daray, in ninkan oo aan jinsiyadiisa la sheegin ay qabteen ciidanka Itoobiya ee Wajaale.

 

Siday sheegtay WIC, Taliyaha Booliska Wajaale Maxamed Muxumed, waxa uu shalay u sheegay in  nink aas la qabtay, ka dib markii uu isku deyay in lacagtaas si aharci-darro ah ugula soo gudbo dhinaca  So maliland oo uu kala soo talaabo magaalo-xudeedda ganacsiiga ee Wajaale. Sida uu sheegay Mr. Max amed, waxay Booliskoodu waxay hore ugu talaabsadeen dedaalo lagu doonayo in lagu qabto lacagaha been-abuurka ah ee ka soo gudbaya meelaha xuduudka ah. Sida uu taliyaha ciidanka Itoobiya ee  deg mada Wajaale xusay, dhowaan waxay xabsiga u taxaabeen nin kale oo isku dayayay inuu Somaliland uu soo tahriibiyo 23,000 USD. Sida uu shabakaddaas u sheegay Mr Maxamed, dedaal wada-jir ah oo ay iska kaashanayaan Booliska federaalka Itoobiya iyo kuwa Somaliland, waxa uu sidoo kale suurtogeliyay in Khamiistii la soo dhaafay ay qabtaan 22 jawaan oo ay ku jireen alaabooyinka Kootarabaanka ah.
 


Source:Ogaal/WIC