Wajaale iyo Maalintii labaad ee Diiwaan galinta Gobolku halka ay marayso

 

Siilaanyo oo ku sugan magaalada Tog-Wajaale


Wafti balaadhan oo Xisbiga kulmiye ah oo kormeer ku soo maray Goobaha Diiwaan Galinta Gobolka Hargeisa iyo Maalintii labaad ee Diiwaan galinta Gobolku halka ay marayso:-

Wafti balaadhan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Kuxigeenkiisa C/raxman Saylici iyo Xubno ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbigaasi ayaa Saaka Abaaro 8:30 Am Subaxnimo kormeer ku soo maray Goobaha Diiwaan Galinta ee Gabiley , waxaanay kormeerkoodaasi ku xogwaraysanayeen Dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay la kulmeen hawlwadeenada Diiwaan galinta ee Goobahaasi, Waxaa ka mid ahaa Goobahii ugu muhiimsanaa ee ay saaka soo mareen Goobta khayriyada oo ka mid ah goobaha ugu dadka badan Gabiley waxaanay Dadwaynihii Goobtaasi Safafka ku jiray mashxarad iyo Sacab ku soo dhaweeyeen Gudoomiha Xisbiga kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Waftigaasi waxay Saaka kula kulmeen Xarunta Maamulka Gobolka Gabiley Gudoomiyaha Diiwaan Galinta Gabiley Mudane Xuseen Xasan Gaboobe oo uga waramay Waftiga halka ay hawshu marayso isaga oo tilmaamay inay xaliyeen Caqabado badan oo shalay kala soo darsay dhinaca Farsamadda ee Qalabka electronica-dda, Gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisa Sii watana waxa uu yidhi “kolay marka Shaqada la bilaabayo waa wax culays badan markaa maalinta ugu horaysay kolay wareerkeeda ayay leedahay Shalayna dee way noogu horaysoo waa la dawakhay oo madaxaa la isla wada galay laakiin Shalay duhurkii ka dib waxay isu badashay 90% si caadiya waa la xaliyay markaa sifiican ayay ushaqaysay manta waxyar baa nagu hadhay oo waxay maraysaa 98% dhibaatooyinka jiraa aad ayay iskaga yaryihiin kolay waanu ognahay idinkuna madaxda iyo xisbiyaduba warbixino ayay doonayaan iyo hawshu halkay marayso markaa waa illaahay mahadii ee sidaa ula socda”

Waxaa kale oo uu sheegay Xusen Xasan Gaboobe inay ka hawl galayaan wixii dhaliil ah ee loo soo jeediyo iyo wixii cilad ah ee laga soo cawdo waxaana uu noo sheegay inay jiraan Team IT ah oo farsamo yaqaano ah oo ka hawl galaya wixii ciladi ku timaado.

Waxaa kale oo isna uga waramay waftigaasi Maayarka Gabiley Mudane Aadan Muxumed Badde oo kula kulmay waftiga xarunta Gobolka Gabiley waxaana uu yidhi “ waxaan aad ugu faraxsanahay sida nabadda ah ee ay inoogu qabsoontay Diiwaan galintii laakiin dhibaatooyin aan meelaha kale ka jirin kolay way ka jiraan halkan sababta oo ah manta waxaanu Diiwaan galinta kaga qayb galaynaa Degmonimo Masaafadda meeshuna aad ayay ukala fogtahay oo meelaha ay gaadhayaan ayaa aad ukala fog markaa Goboladda kale waxay heleen in laba computer la wada dhigo goobaha Dadka badan leh anagu maanaan helin taasi , dhibaatada kale ee meesha ka jirtaa waxaa weeyaan Computer-adda waa kuwo lagu soo shaqeeyay Programyadiisuna way culusyihiin markaa Socodkii badnaa ma jiro, markaa hadii ay dhici wayday in Computer-dda loo kordhiyo meelaha dadka badanle waxay ahayd in wakhtiga la noo kordhiyo taana ma hayno wali, markaa waxaanu aad uga cabsi qabnaa iyada oo aan dadkayagu inbadan is Diiwaan galin inay naga dhamaato, Commission-ka iyo Dawlada iyo Cidkasta oo wax ka qaban karta waxaanu ka codsanaynaa in arintaasi la noo eego, sida kale hawshu sifiican ayay usocotaa shalay waxaanu ku jiray meeshaasaa fadhida iyo meeshaasaa ijiinkii ka xumaaday oo maalinta taasi way naga go,day laakiin manta way fiicantahay oo inteedii badnayd way xalisantahay laakiin maalintaasi way naga Maqantahay,markaa waxyaabahaasi oo dhan in la noo tix galiyo ayaa muhiim ah Haday Commition- tahay iyo haday cid kale tahayba in laga hawl galo”.

Waxaana kulankaasi mahadnaq uga soo jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Siilaanyo waxaana uu ku amaanay sida fiican ee ay waajibkooda uguteen waxaana uu Xusay in meelihii uu soo maray aanay wax cilad ahi ka jirin laakiin dhibaatoyinkaasi ay sheegayaan ay ugudbin doonaan Cidii ku shuqul lahayd iyaguna qayla dhaanka kula noqon doonaan waxaana uu ilaahay uga baryay inay hawshu sifiican udhamaato,Waxaa kale oo ay kormeer ku soo mareen Saaka waftigani Afar Goobood oo ka tirsan Caasimada Gabiley, tuuladda lo, ka aroor ee duleedka magaalada Gabiley iyo Magaalada kastanka ah ee kalabaydh oo dhamaantood sifiican loogu soo dhaweeyay, waxaanay hawlwadeenadu uga warameen Sida fiican ee ay hawshu usocoto iyo waxyaabihii ay la kulmeen inta ay hawshu socotay, waxaanay halkaa uga sii gudbeen Degmada Tog-wajaale oo ah Degmo aad udad badan laakiin Goobuhu ku yaraayeen oo Magaalada Afar Goobood oo kaliya la iska Diiwaan galinayay waxaana uu ugu horayn Waftigaasi Booqaday Xarunta Schoolkii Day-ga ahaa ee Dawlada hoose agteeda halkaasi oo Sacab iyo Mashxarad lagala hor yimi Masuuliyiinta Xisbiga iyaga oo dadwayhihii halkaasi ku sugnaa ee dumarkii iyo dhalinyaradii ku dhawaaqayeen ereyo qiiro ka muuqato oo ay ka mid ahaayeen “wuu dhacay Siyaad Siiraanyo dhalay” waxaa kale oo ay Ku dhawaaqayeen iyaga oo Sacab iyo Ciyaar isugu Daray “ Axmed Siilaanyo ha noolado” iyo ereyo kale oo amaan iyo soo dhawayn isugu jira , waxaa uu uga sii gudbay ilaa laba goobood oo kale oo ka mid ah goobaha Diiwaan galinta ee Tog-wajaale waxaana Si diiran loogu soo dhaweeyay dhamaan Goobihii uu soo maray Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee kulmiye iyo waftigiisa waxaa ilaa intii uu magaalada ka baxayay daba yaacayay Caruurtii oo ku faraxsan sida fiican ee uu usalaamayay Gudoomiyuhu isaga oo dhex lugaynaya Degmada Wajaale iyada oo aan cidi ilaalinaynin Amaankiisa.

Waxaa kale oo uu kormeerkiisa ku sii maray Gudoomiyuhu Tuulada Wadada Godka oo uu cabaar ku hakatay oo uu ka dhagaystay Dadwayhihii iyo odayaashii deegaankaasi waxyaabihii ay ka cabanayeen oo ay ka mid ahayd Gacan culayska hawl wadeenada Commission-ka waxaana uu gudoomiyuhu kula dardaarmay dad waynaha inay Samaraan oo ay udhabar adaygaan hawshan isaga oo ubalan qaaday inuu qayla dhaankooda gubin doono.

Waxaa kale oo Safarkii Xisbigaasi ay ku soo mareen Deegaanada Gobolka Gabiley ka mid ahaa Magaalada Geed-balaadh oo ahayd hooyadii halkankii Snm iyo Aaasaaskii Afraad waxaanay ay halkaasi kaga dhagaysteen hawlwadeenka ka masuulka ah Goobta Diiwaan galinta ee Magaalada Geedbalaadh warbixintii iyo halka ay hawshu marayso ilaa wakhtigan, waxaanu uu sheegay inay jireen Ciladdo xaga mishiinka ah oo ay shalay ilaa 10:30 Am ay bilaabeen hawsha haddana ay manta Sifiican ushaqaynayso oo ay bilaabantahay wakhtigii loogu talo galay iyada oo la sameeyay ciladii ay ka cabanayeen waxaana uu gudoomiyuhu ku dhiiri galiyay inay dadka Gacanta ufududeeyaan dadaalkooda intaa ka sii kordhiyaan waxaa iyana cabashooyin muujinayay Odayaasha deegaanka oo ka cabanayay Hawlwadeenka ka masuulka ah degmadaasi oo Gaabis ah iyaga oo codsaday in laga badalo hadii uu sidan ku sii wado.

Ugu danbayntii waxaa waftiga qado sharaf loogu Sameeyay Degmada Allaybaday oo ay ku sugnaayeen Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Somaliland Mudane C/casiis Maxamed Samaale,iyo Maayar ku xigeenka Gabiley Marwo khadra X. ismaaciil Yoonis (Khadar X.Gaydh) oo iyagu ilaa shalay ku sugnaa Degmadda Allaybaday ee ka tirsan Gobolka Gabiley

waxaana uu waftigu uga sii gubayaa degmada fara wayne iyo tuulooyin kale oo farabadan iyaga oo kormeerkooda ku eegi doona Meelaha dhibaatooyinku ka jiraan una gudbin doona Caqabadaha jira cidii ku shaqada lahayd.

xg:gabileynews

Siilaanyo oo ku sugan magaalada Tog-Wajaale

Silaanyo oo ku sugan magaalada Tog-Wajaale

Tuulada Wadada Godka oo Siilaanyo lagu soo dhaweeyay