Wakaalada Biyaha Hargeysa oo Soo Bandhigtay Waxqabadkeedii Sanadkii 2011
 

 



Masuuliyiinta Wakaalada Biyaha ayaa halkaasi Shahaadooyin kugudoonsiiyey Shaqaalihii iyo Macaamii shii ugu fir fircoonaa Sanadkii tagay.


Hargeysa (TNN)-Wakaaladda Biyaha ee Magaaladda Hargeysa ayaa xalay soo bandhigtay wax qabad keedii Sanadka dhamaaday, munaasibaddii lagu soo bandhigayay Xafladan oo lagu qabtay Hotel Maa nsoor ee Magaal adda Hargeysa ayaawaxa ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Wa siirka Madaxtooyada , Agaasimaha Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Wasaaradda Madax tooyada, Gud doomiyaha Madbacada Qaranka, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha, Xildhibaano iyo marti sharaf kale oo aad u farabadan.


Xafladan ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Ibraahim Siyaad Yoonis, waxana uu ka warbixiyay Waxqabadkii Wakaalada Biyaha, waxana uu si qoto dheer uga hadlay tan iyo wakhtigii uu la wareegay xilka maareeyenimo iyo heerarka ay ku talaabsatay wakaaladdu waxa uu intaasi raaciyay in ay abaal marino gudoonsiin doonaan shakhsiyaadkii sidda wanaagsan ula soo shaqeeyay wakaaladda, Waxana ka mid ahaa hadalkiisii “Xafladan aan ku soo bandhigayo waa wax qabadkii Sanadka, Waxa aanu halkan ku soo gudoonsiin doonaa Abaal marino Shaqaalaha, Sidoo kale dadkii Macaamiisha ahaa waxa aanu ku soo xulanay sida ay u bixinayeen Bisha oo aananu ku soo xul an garasho”,waxana uu intaasi ku sii daray ‘ Markii la igu wareejiyey xilka xaaladu waxa ay ahayd iyada oo aanay jirin mishiino kayd ah iyo kuwa hawl gala”.


Maareeye Siyaad waxa uu intaasi raaciyay in uu wax badan ka qabtay shaqaalaha wakaaladiisa wax ana uu carabka ku dhuftay in ay hagaajiyeen maamulka iyo maareynta xafiiska wakaaladda, waxana uu yidhi “Shaqaalaha Waxbaanu ka qabanay, Maamulka waxbaanu ka qabanay, sidoo kale waxa aanu wax ka qabanay Biyo soo saarka” waxana uu intaasi ku daray “ shaqaalaha markaan ka qaado shaq aalaha waxsoosaarka waxaanu u kordhinay 64, shaqaalaha kalena 26” ayuu yidhi Maareeyuhu.

Mr Yoonis Siyaad waxa si adag ugu nuuxnuuxsaday hawlaha waxqabad ee xafiiska waxana uu sheeg ay in maalintii uu xilka la wareegay uu ugu yimid daymo badan oo lagu lee yahay “waxa aanu bixinay dayn ay ku lahaayeen Shaqaaluhu, maanta waxa nasiib wanaag ah in aanu jirin qof shaqaa le ah oo dayn ku leh Wakaaladaha, waxa jirta markii shaqo la qabanayo way iska dhib badan tahay oo tusaale ahaan nin shaqaale ah oo Injiinada ka shaqaynayey in ay gacantu go’oday markii dhakhtarka la gee yey ee uu bogsadayna, waxa gacantii ka go’oday lagu xaqay 50 halaad, intaasina waanu bixinay, mus haharkiisiina waanu siinay” ayuu yidhi Maareeye Yoonis Siyaad, waxana uu intaasi ku daray ‘Mishiina dii waanu dayac tirnay, Dawladda dhexana waxaanu u xaraynay dhaqaale badan, waxa kale oo aanu sanadkaa soo iibsanay Injiin wayn oo Ingiriis ah, sidoo kale waxaanu soo iibsanay Mishiin kale, Mishiin lacagtiisii badh bixisay Dawladdii horena waanu dhameystirnay, mishiinadaa aanu soo iibsanayna mid na dayn kumaanaanu qaadanayn ee kaash ayaanu ku soo
iibsanaynay”.


Maareeyuhu waxa uu sheegay in wasaaradda maaliyaddu ay soo dirty masuuliyiin baadha halka ay shaqadda ay wadaan marayso, isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi “Wasiirka Maaliyadu waxa uu noo soo diray qolooyin baadha sida aanu u shaqayno waxaanan ku idhi intii aan joogay wixii dhacay igala xisaabtama wixi ka horeeyey iska dhaafa markaa aanu biilasha ka siino Shaqaalaha waxa aanu si toos ah ugu shubnaa Baanka’ ayuu yidhi Mareeyaha Wakaaladda Biyuhu.


Maareyuhu waxa uu tilmaamay in ay wax weyn ka qabtaan arimaha bulashadda waxa uu sheegay in ay ka shaqayaan sidii loo dayactiri lahaa cusbitaaladda iyo goobaha caafimaad.

Suldaan Axmed Daahir oo ku hadlayey afka macaamiisha, oo isna madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in biyuhu ay yihiin laf dhabarka bini aadanka, waxana ka mid ahaa hadaladdiisii “ Caalamka Biyaha mar ka qiimahooda loo noqdo waxa aynu ku cabnaa inagu Biyaha qiimo badan, “Wakaaladu way dedaash ay haddii ay dedaashayna maxaynu ku tari karnaa? Waxa aynu ku tari karnaa in aynu biilasha sidda ugu dhakhsaha badan iskaga bixino waa ta labaade haddii aad aragtaan khasabad jaban in aad soo gaadhsiisan masuuliyiintan wakaaladda”.


Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Maxumed Aw Cabdi oo khudbad ka jeediyay xafladaasi ayaa wa xa ka mid ahaa hadalkiisii “Waxaan jeclaan lahaa in Masuuliyiin badan kaga daydaan sida uu shaqada iyo Xilka u guto, Ibraahim waxa uu ahaa Shakhsiga kaliya ee soo gudbiyey sharcigii Wakaala da Biyah a oo dhameystiran,Wakaaladu waxa ay bilawday Shaqaalihii u horeysay in ay abaal marin siiso shaq aalihii u shaqaynayey, waxa aan jecelahay in qaybaha kale ee Dawladdu kaga dayato”


Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale oo xafladani hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii biyo balaadhin loogu samayn lahaa magaaladda hargeysa, “Maanta halka ay marayso Caasimadu iyo biyaha ka soo baxa Wakaaladu waa kaaf iyo kala dheeri, waxaana y noqotay in aanu ku fikirnao sidii hab cusub biyaha Caasimada loo soo gelin lahaa, Sanadkan gudihiisa waxa laga yaabaa haddii ALLEka dhigo in uu bilaabmo mashruucii Biyo gelinta’ ayuu yidhi Wasiir Xuseen Duaca alle waxana uu intaasi ku daray “Waxaanu jecel nahay in Sanadaha soo socda aynu helno biyo inagu filan oo runtii wax weliba maamulka kama soo hadhaan, Markaa waxaan qabaa in mustaqbalka Wak a aladu fiican yahay, taasi oo ay hogaaminayaan Mareeyaha iyo Shaqaalaha Wakaalada oo karti fiican leh”.


Ugu danbeyntii waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi, iyo Wasiirka Madax tooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxana ay sheegeen in ay biyuhu yihiin halbowlaha umadda, waxana ay tilmaameen in Wakaaladdu ay ku amaanan tahay Waxqabadkeedda. Wasiirka Maaliyadda iyo Wasii rka Madaxtooyaddu waxa ay isku raaceen in Xukuumadau ay diyaar u tahay siddii biyo baalaadhin loogu samayn lahaa wadanka, waxana ay sheegeen in la waddo qorshihiii biyo balaadhin loogu sama yn lahaa Dalka.

Kalla Soco Wararka Dambe .Warbixin sanadeedka wakaalada Biyaha Hargeysa Oo Dhameys Tirsan.
 



Ahmed Mohamed Shaqalle
Timacade News Desk
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland