Wakiilada iyo
Wacdarihii kala qabsaday Masuuliyiinta
Maaliyada
Saraakiil ka tirsan Wasaaradda
Maaliyadda oo hortegay fadhigii maanta ee Wakiillada, ayaa gebi
ahaanba laga diiday in
goluhu wax su’aalo ah ka weydiiyo miisaaniyadda 2009, kooxdaas oo
Wasiir Maaliyaddu u wakiishay su’aalaha mudanayaasha, waxaannu
goluhu cod aqlabiyad ah ku meelmariyey in Md. Cawil uu horyimaad si
isaga su’aalaha loo weydiiyo.
Fadhigii Wakiillada ee maanta oo loo ballansanaa in xildhibaannadu
Wasiirka Maaliyadda weydiiyaan su’aalo la xidhiidha tabashooyin uga
soo baxay odoraska miisaaniyadda, ayaan suurtogelin, kadib markii
Md. Cawil ka baaqsaday inuu golaha hortago, isagoo hawshaas u
wakiishay saraakiil ka tirsan wasaaraddiisa oo ka mid yihiin
Wasiir-ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo masuuliyiin kale, si ay uga
jawaabaan su’aalihii isaga la weydiin lahaa. Haseyeeshee, waxa
arrintaas waxba kama jiraan ka dhigay mudanayaasha oo sheegay in
aanay aqbalayn in su’aalo ka weydiiyaan miisaaniyadda cid aan
Wasiirka ahayn.
Markii fadhigu furmay ayaa Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdillaahi (Cirro) ku wargeliyey mudanayaasha inay marti u yihiin
saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminayo
Wasiir-ku-xigeenka oo wakiil ka ah Wasiir Cawil, kuwaas oo sheegay
in Wasiirku safar ugu baxay magaalada Berbera, sidaa daraadeed iyaga
xildhibaanadu iyaga weydiiyaan wixii su’aalo qabaan. Hase ahaatee
waxay arrintaasi keentay buuq iyo sawaxan mudanayaashu ku kala
aragti duwanaayeen, iyaga oo qaarkood ku doodayey in wasiirka ay u
baahan yihiin, halka kuwo kalena u ololaynayeen in masuuliyiinta
wasaaradda ka socday su’aalaha la weydiiyo.
Intaa kadib Guddoomiyaha Golaha Md. Cirro ayaa go’aansaday inuu
dhawr mudane u ogolaado inay ka doodaan arrintaasi.
Xildhibaan Faarax Maxamed Cali oo ka tirsan mudanaasha xisbiga UDUB
uga soo baxay Gobolka Togdheer oo ugu horreyn dooda bilaabay, ayaa
waxa uu yidhi; “Waxa laga hadlayaa waa miisaaniyaddii qaranka,
waxaana Wasaaradda Maaliyadda dalka uga masuul ah wasiirka, goluhuna
wuxuu u yeedhay Wasiirka Maaliyadda ee halkan ka akhriyey
miisaaniyadda, horena umay dhicin in wasiir-ku-xigeen la keeno, way
mahadsan yihiin Wasiir-ku-xigeenka iyo saraakiisha kale ee
wehelinaysaa, laakiin ummaddu waxay xaq u leedahay in ninkii dalkan
loo dhaariyey inuu halkan yimaado oo wax laga weydiiyo, wixii kale
waa buuq iyo qaylo.”
Xil. Axmed Ibraahim Daahir (Axmed-weyne) oo ka soo baxay xisbiga
KULMIYE ayaa isna ku dooday, “Guddoomiye sidan aad sheegayso
sharcigu wuu ogolyahay in ninka masuulka ahi cid kale soo dirto,
laakiin waxa su’aalaha la doonayo in laga waydiiyo wasiirka waxa
weeye khudbadii uu halkan ka jeediyey, nimankani waa farsamoyaqaano
iyaga wixii loo baahdo ayaa la weydiin doonaa, wasiirka weeye
ninkaynu u baahanahay in aynu khudbadiisii wax ka weydiino. Markaa
waxaan soo jeedinayaa in miisaaniyadda aynu dedejinaa waa muhiim, ee
aynu iska sugno oo berri dib inoogu riixa.
Xildhibaan Xuseen Ismaaciil oo ka tirsan Mudanayaasha Xisbiga UDUB
uga soo baxay Gobolka Togdheer oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa
doodiisa ku bilaabay, “ Waa dhab in Wasiirku halkan ka akhriyey
miisaaniyadda, kambani uu leeyahay xisaabtiisa muu akhriyin,
miisaaniyaddana raggii sameeyey oo isaga uga aqoon badan baa meeshan
jooga, iyaga ayaan xaq loogu leeyahay in wax laga weydiiyo.”
Xdilhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah mudanayaasha xisbiga
UCID uga soo baxay Gobolka Hargeysa oo isna halkaasi ka hadlay ayaa
ku dooday, “ Run bay ahayd waxa loo yeedhay waxa uu ahaa Wasiirka
Maaliyada, sharcigu waxa uu dhigayaa maadaama oo uu wasiirkii
Maaliyaddu dalka gudihiisa joogo oo aanu ka maqnayn hawl qarana
loogu yeedhay Golaha Wakiilada xil ka culus oo uu ku maqnaan karaa
ma jirto, sidaa darted looma baahna cid kale oo mateli karta,
maadaama uu dalka gudihiisa ku sugan yahay.”
Xildhibaan Xamse Gaada-weyne oo ka mid ah Mudanayaasha Xisbiga
Mucaaridka ah ee KULMIYE uga soo baxay Gobolka Sool oo aragtidiisa
ka dhiibtay arrintan ayaa waxa uu yidhi “U jeedadu maaha in Wasiir
ku-xigeenka iyo raggan kale ee khubarada ah in la yaraysanayo,
xaasha waanu naqaanaa dhamaantood, waa rag muxtarima oo aqoon leh
wax alaale wixii la weydiiyana way ka jawaabi kaaran, balse meesha
qodob baa ku jira , Wasiirku xaq uma laha inuu Berbera qabto isaga
oo ogsoon inuu golahan la leeyahay ballan, waxa laga hadlayaana waa
miisaaniyaddii ummadda, markaa waxa meesha ku jirta inuu Wasiirku ku
mar-marsoodo Berbera ayaan tagayaa.”
Ugu dambayntii Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka
mid ah mudanaayasha xisbiga UDUB ee Gobolka Maroodi-jeex, kana
tirsanaa Golihii hore ee Wakiillada oo khibrad u leh, ayaa hadal
kooban oo uu halkaa ka yidhi waxa uu u soo jeediyey Shirguddoonka,
“Guddoomiye marka ay arrinta noocan oo kale ahi timaado adiga oo iga
raali ah rayiyada la keenay inaad cod na geliso si loogu kala baxo
arrintan oo loo qaato mudanayaashu fikirka ay u bataan weeye.”
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi
(Cirro) waxa uu go’aamiyey in labadaas aragtiyood ee mudanayaashu
kala qabaan cod la geliyo, waxaana fadhiga joogay 45 mudane, kuwaas
oo 27 ka mid ahi u codeeyeen in aan wax su’aalo ah la weydiin
saraakiisha ka socotay Wasaaradda Maaliyadda, isla markaana loo
yeedho Wasiirka, halka 15 mudane u codeeyeen firkaas hore mid ka soo
horjeeda oo ah in aan Wasiirka loo yeedhin, 2 mudana way ka
aamuseen. Sidaa daraadeed waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in la isku
raacay in Wasiirka Maaliyaddu golaha horyimaad.
Fadhiga kadib ayaa warbaahintu warbaahintu wax ka weydiisay go’aanka
goluhu qaatay Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda, waxaanu sheegay in
aannu wax dhib ah u arag go’aankaasi, isla markaana goluhu uu xaq u
leeyahay fikirkiisa.
“Walaahi barlamaanku iyaga ayaa arrintan xaq u leh ceebna maaha
haddii ay dalbadeen inuu wasiirku horyimaado,” ayuu yidhi
Wasiir-ku-xigeenku.
TogdheerNews
|