Wakiilka
Somaliland Ee Dalka Ingiriiska Oo Casho Sharaf Ku Casumay Qaar Ka
Mid Ah Madaxda Reer Somaliland Ee Dalka UK Ku Sugan
London (TNN)-Waxa hebeenimadii
xalayto ka dhacday Hotel kuyaala Bariga magaaladan Lo ndon xaflad
aad u qurux badan oo si wanagsan losoo agaasimay, Xafladaas oo
wakiilka Som aliland u fadhiya dalkan Ingiriiska Axmed Cumar
Sangoore uu ka danbeeyey ayey ujeedadee du ahayd is wareysi iyo talo
bixino ku saabsan hore marka dalka iyo sare u qaadida bulsha
weynta reer Somaliland ee dalkan degan, waxa kulanka kasoo qayb
galay Agaasimaha Was aarada Warfaafinta iyo wacyi galinta Faysal
Cali Sheekh, Wakiilka TV qaranka Somaliland ee Cabdi Daahir Cabid (Cabdi
Bacow) Gudoomiyaha SSUK Cabdiraxmaan Aleel, Gudoomiyaha U rurka
Somaliland Women Association SLWA Caasha Cumar, wariyayaal caana oo
ay ka mid ahaayeen Mijir Qaadi, Sheekh Dalmar, odayaal, Haween iyo
dhalinyaro.
Kulankaas oo uu xidhiidhinaayey xubin muhiima oo ka tirsan ururka
SSUK Cabdale Salim waxa aad ugu mahadnaqay sida aad uga soo
qaybgasheen kulankan quruxda badan ee uu inoo fid iyey safiirka
Somaliland ee dalkan Ingiriiska Axmed Cumar Sangoore aadna waanu ugu
maha dnaqaynaa,intaas ka dib waxa uu kusoo dhaweeyey Wakiilka
Somaliland ee dalkan Ingiriiska Axmed Cumar Sangoore oo aad ugu
mahadnaqay sida aad uga soo qaybgasheen kulankee nan idinka oo ka
kala yimid meelo aad u fog-fog,inataas ka dib waxa uu sheegay in uu
kulank ani ku saabsan yahay is wareysi iyo sagootin aanu u qabanay
Agaasimaha Wasaarada Warf aafinta iyo wacyi galinta Faysal Cali
Sheekh oo in mudo ahba halkan u joogay hawlo muhiim ah sida
furitaanka TV qaranka Somaliland oo aad la wada socotaan waxa uuna
kula dar- dar may in had iyo jeer gacmaha lays qabsado oo loo
guntado danta guud.
Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi galinta Faysal Cali
Sheekh oo isna hadalo aad u qiimo badan shirka ka sheegay waxa uu ka
waramay taabo galinta TV qaranka Somaliland oo sida aad wada
ogsoontihiin xafladii lagu furaayey ay dhawaan ka dhacday dalkan
Ingiriis ka gaar ahaan Magaalada London waxa uu kaloo sheegay in
dhawaan ay TV kusoo kordhin doonaan waxyaalo cusub oo bulsha weynta
Somaliland ay aad uga faaŽideysan doonaan sid asoo kalena aad
dhawaan arki doontaan TV qaranka oo si toosa ama LIVE ah loo daawado,
waxa kale oo uu sheegay Agaasimahu in ay la kulmeen intii uu joogay
London qaar ka mid ah
madaxda dawladan dalka Ingiiriska ayna wax weyn nala qaban doonaan
sida inay naga cawi naay furitaanka RADIO aanu dalka ka hirgalin
doono iyo mareeg ama website dadka oo dhan ka dhexeeya,ugu
danbeyntii waxa uu kula taliyey in TV qaranka la taageero oo guno la
siiyo si uu u noqdo taabo gal.
Gudoomiyaha SSUK Cabdiraxmaan Aleel oo isna hadalo wax ku oola
kulanka kasoo jeediyey a yaa sheegay in Somaliland ay marayso meel
wacan oo SSUK ay aad ugu faraxsan tahay hor umarkaa,sheegayna in
ururkoodani ay wax weyn ka qabteen horemarka xaga bulshada wa xa
kale oo uu aad ugu amaanay odayaasha had iyo jeer marka dhibaato
dhacda arimaha si
nabadgalyo ah ku dhameeya ugu danbeyntii waxa uu sheegay in ay u
taagan yihiin ka shaq eynta arimaha Somaliland iyo iskuduubnaanta
shacabka reer Somaliland iyo jiritaankaba.
Waxa dadkii ka hadlay oo aad u badnaa ay dhamaantoon usoo jeediyeen
amaan wakiilka So maliland ee dalkan Ingiriiska Axmed Cumar Sangoore
inuu isugu yeedho dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan
qaarada Yurub, Waxa madasha sidaasoo kale hadalo waxa ku oola soo
jeediyey dhamaan dadkii madasha joogay oo aad ugu faraxsanaa
kulankan
sidaa soo kale waxa markii danbe la gudoonsiiyey qaar ka mid ah
Wariyayaashii caanka ahaa ee uu ka mid ahaa Mijir Qaadi Maxamuud iyo
Maxamuud Sheekh Dalmar waxa kale oo shahaa dooyin la gudoonsiiyey
Wakiilka Somaliland iyo Agaasimaha Wasarada Warfaafinta.
Waxa marti sharafkii hadlay kaloo ka mid ahaaa. Yasmiin Abokor (SLWA),
Gudoomiyaha TV Qaranka Cabdi Bacow, Siciid Xasan Shekeeye Gudoomiye
ku xigeenka SSUK, Mijir Qaadi Maxa muud, Maxamuud Sheekh Axmed
Dalmar iyo qaarka mid ahaa odayashii marti sharafka ahaa oo qaar ka
mid ahi ay ka yimaadeen dalalka dibada.
Xamse Axmed Salaan
London
hamse100@gmail.com
|