Wakiilka Somaliland Ee dalka Kenya Oo Shaaciyey In Khilaafkii Siyaasadeed Ee Wadanka Ka Taagnaa Ictiraackii Fogeeyey

 

Hargeysa(Longlivesomaliland News)- Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Maxamed Nuur Axmed [Indho-buur], ayaa xaqiijiyey in khilaafaadkii siyaasadeed ee wadanka ka taagnaa uu ictiraafkii la sugayey sii fogeeyey, isla markaana waxa uu sheegay in muranada siyaasiga ahi ay caqabad ku noqon karaan qadiyada aqoonsiga  Somali land.

Waxaa kaloo uu tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay socdaalka ku jooga dalka Caasimada Hargeysa, “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay inaan maanta  dal kaygii joogo, waxaanan salaamayaa shacbiga Somaliland, Madaxweynaha iyo  Gudd oomiyeyaasha sadexda xisbi qaran.waxaanan hambalyaynayaa go’aankii ay  dhaw aan gaadheen ee ay ku soo afjareen khilaafaadka dalka.” Ayuu yidhi Mr. Indho-buur,

Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Run ahaantii war war weyn ayuu khilaafkii dhawaan ku hayay beesha caalamka iyo shacbiga Somaliland. Waxaan leeyahay Somaliland doorashadu wakhti yar ayay qaadataa laakiin khatar badan ayay  leed ahay, waxa imika inoo yaalaa waa sidii doorashadu u qabsoomi lahayd.”

Wakiilku wuxuu ka waramay qul qulatooyinkii ka dhashay natiijadii doorashadii  mad axtinimada Kenya ee lagu murmay, oo uu tilmaamay in ay ku dhinteen 1500 oo qof isla markaana ay ku baro kaceen kumanaan qof oo kale. waxaanu ka digay in aanay doorashada Somaliland noqon mid lagu murmo oo rabshado ka dhacaan.

Mar uu ka hadlayay hamiyga siyaasiyiinta waxa uu yidhi “Sadex nin oo reer  Soma liland ah oo siyaasiyiin ah ayaa kursiga ku loolamaya, dhibaato faro badan ayaa Kenya ka soo gaadhay doorashadii ina soo dhaaftay qabyaalad ayaa soo gashay haddii ay qabyaaladi soo gashana colaad ayaa ka bilaabantay waa tii la isku  dhac ay 1500 oo qof ayaa ku dhintay, 500,000 oo qofna way ku baro kaceen. Dadkii baro kacay illaa maanta waxay ku jiraan xeryo, madaxdii waxyaabahaasi keentayna waa ta imika la leeyahay waxa loo wadaa Maxkamada Heague.”

Waxa uu intaa ku ladhay oo uu yidhi “Somaliland sadex doorasho ayay soo qabatay dhibaato la’aan ayay ku soo qabsatay. Doorashadan afraad waxay ahayd inay  no qoto doorashadii ugu sahlanayd.kursigan sadex nin ayaa ku loolamaya mid uun baa ku fadhiisan doona.”

Wakiilka Somaliland ee Kenya wuxuu ku dooday in ictiraafku ku iman karo  dooras hadan madaxtooyada oo si hufan oo wanaagsan u qabsoonta, waxaanu sheegay in muranadii siyaasiga ahaa ee dalka ka dhacay ay ictiraafkii xoogaa Somaliland ka sii fogaysay loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo arrintaasi. “Buuqii dhacay Ictiraafkii way yara fogaysay, waa inaynu barri nidhaahnaa waanu Heshiinay  door ashadiina si fiican ayay noogu qabsoontay ee na ictiraafa.” Ayuu yidhi Indho-buur.

Wakiilku wuxuu sheegay in baaqa uu ka sido jaaliyada Somaliland ee Kenya iyo  bee sha caalamkuba ay tahay in Somaliland marxaladan taagan kaga gudubto Midnimo isla markaana loolanka siyaasiga noqdo mid aan mijo xaabin nabad gelyada dalka.
 

Source:Oodweynenews.com